Sidee walbahaarku u saameeyaa maqaarka jirkeenna?

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ma u guurtaa guri cusub oo si lama filaan ah ma kaaga soo baxaan finan? ma se ku aragtay jirkaaga isbadal lama filaan ah? Waxaa laga yaabaa in tani aysan ahayn wax iska dhacay oo keliya.

Muddo dheer ayaa la aaminsanaa in walbahaarku (stress) uu saameeyo maqaarka. Si kastaba ha ahaatee, tobannaankii sano ee la soo dhaafay, cilmi-baaris ayaa si qoto dheer u baartay sida uu xiriirka maskaxda iyo maqaarku u shaqeeyo, taasoo bixisay faham muhiim ah oo lagu daaweeyo xaaladaha maqaarka laguna hagaajiyo caafimaadka guud ee maqaarka.

Walbahaarku wuxuu yeelan karaa saameyn kala duwan—laga bilaabo kicinta finan, ilaa inuu keeno maqaarka oo qalal oo xasaasi noqda, kordhinta halista caabuqyada, iyo inuu sii xumeeyo ama keeno cudurada maqaaka sida psoriasis iyo hives.

"Maqaraku waxaa saameeya walbahaarka jirka iyo kan maskaxdaba," ayay tiri Dr. Alia Ahmed, oo ku takhasustay Psychodermatology—waa laan cusub oo isku xirta maskaxda iyo maqaarka.

Waxay sharaxday in ay qiimeyso xaaladda maskaxeed ee bukaannadeeda marka laga soo tago calaamadaha jirka, iyadoo waydiisa su'aalo ku saabsan niyadda, welwelka ama oohinta, qaabka hurdada, cuntada iyo jimicsiga.

"Dhakhaatiirta maqaarka badanaa waxay dareemaan inay la mid yihiin dambi baarayaal ," ayuu yiri, isagoo sharxaya in xaaladda maqaarka—oo ah xubinta ugu weyn ee jirka—ay noqon karto tilmaame wanaagsan oo muujinaya caafimaadka guud ee qofka.

Sidee buu walwalku ama stres-ka u saameeyaa maqaarka?

Maskaxda iyo maqaarku waxay ka soo wada baxaan isla koox unugyo ah inta lagu jiro marxaladaha hore ee cunuga uu uurka ku jiro, sidaas darteedna xiriir dhow ayay leeyihiin.

Marka aan dareenno walbahaar, maskaxdu waxay kicisaa falcelinno taxane ah oo keena in hormoonno sida cortisol iyo adrenaline lagu sii daayo dhiigga.

Qiyaaso yar, falcelinta loo yaqaan-flight response waxay kordhin kartaa feejignaanta waxayna naga caawin kartaa inaan si fiican u qabanno hawlaheena.

Si kastaba ha ahaatee, hormoonnada iyo kiimikooyinka kale ee la soo daayo waxay kordhin karaan bararka, taasoo sii xumeyn karta xaaladaha maqaarka ee bararka la xiriira.

Waxay sidoo kale daciifin karaan difaaca maqaarka, oo ah lakabka difaaca ee ugu sarreeya maqaarka. Tani waxay u oggolaaneysaa qoyaanka inuu baxsado, isla markaana waxyaabaha xanaaqa keena iyo xasaasiyadda iyo udugga inay gudaha u galaan, taasoo keeni karta maqaar qalalan oo xasaasi ah, ayay tiri Dr. Alia Ahmed.

Signalada walbahaarka waxay sidoo kale kiciyaan unugyada maqaarka si ay u sii daayaan kiimikooyin sida histamine, kuwaas oo keena cuncun, taasoo kor u qaadaysa waxa loo yaqaan wareegga cuncun iyo in jirku yeesho calaamado.

"Waxaad dareemeysaa cuncun, waad is xooqeysaa, taasoo dhaawacaysa maqaarka ugana sii darta cuncunka," ayay sheegtay Dr. Alia Ahmed. "Kadibna waad niyad jabsan tahay naftaada. Maxaan u joojin karin xooqdinta? Waxaad kordhineysaa heerka walbahaarkaaga, taasoo, dhanka kale, sii xoojineysa cuncunka."

Waxay sharaxday in xanuun dhibaato maqaarka ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto nolosha qofka. Tusaale ahaan xaalad cuncunka sida eczema: "Waxaad qodeysaa oo nabaro u yeeleysaa jirkaga. Waxay saameyn ku yeelataa tayada noloshaada.

Dhimista walaaca ama walbahaarka ma caawisaa maqaarka?

"Walbahaarku wuxuu noqdaa waxyeello marka aan bilowno inaan dareemno inaanan xakameyn karin," ayay sharaxaysaa Rajita Sinha, oo ah borofisar ku takhasustay cilmu-nafsiga, neerfaha, iyo barashada carruurta ee Yale University.

Waqtigan, waxaa laga yaabaa inaan aragno calaamado jireed sida madax-xanuun ama dhibaatooyin calooleed, ama astaamo sida hilmaam, xanaaq badan, ama dhibaato hurdo.

Waxaa lagu talinayaa in la qaado tallaabooyin sida raadinta taageero iyo kordhinta jimicsiga. Waxaa jira caddeymo muujinaya in jimicsiga joogtada ah uu yareyn karo heerarka cortisol ee aasaasiga ah. Marka jimicsiga xooggan la sameeyo, waxay ka caawin kartaa yareynta kororka cortisol-ka ee ka dhasha walbahaarka.

Borofisar Sinha sidoo kale waxay ku talinaysaa in la isku dayo ku-dhaqanka nafta la dajiyon. Daraasado ayaa muujinaya in, marka si joogto ah loo sameeyo, ay hagaajin karto prefrontal cortex—oo ah qaybta maskaxda ee mas'uulka ka ah hawlaha garashada sare sida xisaabinta iyo go'aan qaadashada—iyadoo kordhinaysa dhumucdiisa iyo xiriirkiisa qaybaha kale ee maskaxda.

Daawaynta ku saleysan naftiisa dajiyo ayaa muujisay rajo wanaagsan oo lagu hagaajin karo tayada nolosha bukaanka iyo calaamadaha jireed ee xaaladaha qaarkood ee maqaarka.

Tusaale ahaan, daraasad lagu sameeyay bukaannada qaba psoriasis, kuwaas oo helay daaweyn ku saleysan in qofka uu maskaxda dajiyo marka lagu daro daaweyntii caadiga ahayd, ayaa muujisay natiijooyin ka wanaagsan kuwa aan helin daaweyntaas.

Marka laga soo tago yareynta walbahaarka, Dr. Alia Ahmed waxay sheegtay in maqaarku u baahan yahay "wax walba oo yar-yar," oo ay ku jiraan daryeel habboon iyo daaweyn caafimaad oo lagama maarmaan ah, sidoo kale nafaqo wanaagsan, nasasho, iyo hab-nololeed caafimaad qaba.

Waxay ku dartay in tan lagu sii wado muddo dheer si loo arko horumar joogto ah oo ku yimaada caafimaadka maqaarka, taasoo u oggolaanaysa bukaanka inuu garto arrimo kale oo kiciya dhibaatooyinka maqaarka.