You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo sheegay in Mareykanku uu ka bixi doono dagaalka Iiraan 'laba ama saddex toddobaad gudahood'

Trump oo sheegay in Mareykanku uu ka bixi doono Iiraan 'laba ama saddex toddobaad gudahood' haddii heshiis la gaaro ama aan la gaarin'

Kooban

Tebin toos ah

  1. War cusub oo ka soo baxay Isreal

    Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in la dhisi doono aag ciidamada ka caagan gudaha koonfurta Lubnaan, isla markaana Israa’iil ay sii hayn doonto xakameynta amniga ee qayb ka mid ah dhulkaas, xitaa kadib dhammaadka dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Xisbullah.

    Israel Katz ayaa sheegay in aagga la qabsan doono uu gaari doono ilaa Webiga Litani, qiyaastii 30km u jira xadka Israa’iil. Qorshahan ayaa dhaliil kala kulmay Qaramada Midoobay, dalalka Yurub iyo Canada, kuwaas oo ku tilmaamay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed”.

    Katz wuxuu sheegay in in ka badan 600,000 oo qof oo Lubnaaniyiin ah oo barakacay si “buuxda looga mamnuuci doono” inay ku soo laabtaan aaggaas ilaa la xaqiijiyo badbaadada dadka deggan waqooyiga Israa’iil.

    Wuxuu intaas ku daray in dhammaan guryaha ku yaalla tuulooyinka Lubnaan ee u dhow xadka Israa’iil la dumin doono, “iyadoo la raacayo qaabkii Rafax iyo Beit Hanoun ee Qasa.”

  2. Warqada sirta ah ee Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa ee laga helay madxafka Ingiriiska

    Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

    Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

    Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

    Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

  3. Faahfaahin ku saabsan duqaymo ruxay Tehran

    Telefishinka qaranka Iiraan ayaa sheegay in goobo ku yaalla waqooyiga, bariga, iyo bartamaha Teheran la weeraray Arbacada.

    Bartiisa Telegram-ka, ayuu telefishinku ku sheegay in qaraxyo ay ruxeen waqooyiga, bariga, iyo bartamaha caasimadda, isagoo tixraacayey in 'weeraro lagu qaaday Teheran' iyadoo aan isla markiiba faahfaahin intaas ka badan laga bixin.

  4. Xildhibaan Iiraani ah oo ka hadlay furista markinka Hormus isagoo u jawaabay Trump

    Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, Ebrahim Azizi, ayaa bartiisa X, ku baahiyey qoraal ah inuu farriin ugu diro Donald Trump, isagoo u sheegay: "Marinka Hormuz hubaal dib ayuu u furmi doonaa, laakiin adiga kuuma furnaan doono; wuxuu u furnaan doonaa kuwa u hoggaansama sharciyada cusub ee Iiraan."

    Azizi ayaa sheegay in "47 sano oo martigalin ah ay weligeed dhammaatay," isagoo u tixraacaya muddadii ka dambaysay Kacaankii Iiraan ee 1979-kii.

    Guddiga Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa ansixiyay qorshe canshuur looga qaadayo maraakiibta dhexmaraysa Marinka Hormuz, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars maalintii

  5. Trump oo war hor leh ka sheegay dagaalka Iiraan

    Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu " dhowaan" ka bixi doono dagaalka Iiraan, tallaabada milatari ee Maraykankuna ay dhammaan karto "laba ama saddex toddobaad" gudahood.

    Waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku guuleystay hadafyadii loo dejiyay ka hor inta aysan bilaaban weerarrada dhanka cirka ee ka dhanka ahaa Iiraan bishii hore, kuwaas oo ay wada fuliyeen Israa'iil. Wuxuu xusay in hadafkii koowaad ee ahaa in laga horistaago Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah la gaaray, haddana ay "shaqada dhamaystirayaan."

    Trump waxa sidoo kale uu sheegay in Maraykanku uu hadda maamulo cirka Iiraan, uuna ku guuleystay isbeddelka nidaamka ka dib markii la dilay hoggaamiyeyaal badan oo sare oo dhanka siyaasadda iyo milatariga ah. Waxa uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaasha cusub ee Tehraan kuwo "ka xagjirnimo yar" oo "caqli badan" marka loo eego kuwii ka horreeyay.

    Sidoo kale wuxuu xusay Trump in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay "ka baryayaan inay heshiis la galaan" Maraykanka si loo soo afjaro dagaalka, taas oo ay markii hore Iiraan beenisay. Waxa uu intaas ku daray in dagaalku uu dhammaan karo xataa haddii aan la gaarin heshiis dhex mara labada dhinac.