You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shan qeybood oo uu dagaalka Iiraan ka saameynayo Soomaaliya
- Author, Fatuma Maalim
- Role, BBC Somali
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Colaadaha Bariga Dhexe ayaa weli sii xoogaysanaya ka dib markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weeraro ballaaran ku qaadeen dalka Iiraan, kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyaha sare ee dalkaas 28-kii Febraayo.
Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro ay ku qaadday Israa'iil iyo dowladaha xulafada la ah Maraykanka ee Khaliijka.
Degganaansho la'aanta Bariga Dhexe ayaa sababtay inay saameyn ku yeelato dhaqaalaha caalamka.
Iiraan ayaa lagu eedeeyay inay weerartay maraakiib marayay Khaliijka, taasoo keentay in si rasmi ah loo xiro Marinka Hormuz—oo ah marin muhiim ah oo ay marto ku dhowaad 20% saliidda caalamka.
Trump ayaa dib u dhigay hanjabaaddiisii hore ee ahayd inuu weerarayo xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iiraan ilaa ay Iiraan furto marinkaas, isagoo cuskanaya wax uu ku tilmaamay wadahadallo "wanaagsan" oo "miro dhal ah". Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa dafirtay inay wax wadahadallo ah dhaceen.
Waxaa la soo wariyay weerarro lagu qaaday xarumaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska intii uu dagaalku socday. Weeraradan ayaa ku qasbay qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee soo saara saliidda iyo gaaska inay joojiyaan wax-soosaarka—taas oo keentay kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha tamarta.
Taas keliya ma saameyn dalalka ay Iiraan ka aargudaneyso ee deriskeeda ah, balse Afrika ayay saameyntaas soo gaartay.
Soomaaliya ayaa ka mid ah oo ku fadhida goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, iyadoo koontaroolaysa marinka Bab el-Mandeb—oo ah marin-biyoodka ay marto qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamka.
Waxaan idinla wadaageynaa shan qeybood oo uu dagaalka Iiraan ka saameeyay Soomaaliya.
Maxaa isaga xiran Soomaaliya iyo Iiraan?
Iyadoo ay jirto muhiimadda juquraafiyeed ee ay Soomaaliya leedahay, haddana dhaqaalaha gudaha ee dalka qaab-dhismeed ahaan waa mid jilicsan, sida uu qabo Cabdinuur Cali Maxamed oo ah dhaqaale-yahan ku sugan magaalada Muqdisho, isla markaana warbixin ka diyaariyay saameynta dhaqaale ee dagaalka Iiraan uu ku yeeshay Soomaaliya.
"Soomaaliya waa waddan uu dhaqaalihiisu furan yahay, taasoo micnaheedu yahay inuu ku tiirsan yahay dhaqaalaha caalamiga ah, dagaalka Iiraanna wuxuu sababi doonaa qalalaase dhaqaale, taasoo Soomaaliya u saameyn doonta si aan fiicneyn.
Tusaale ahaan, Soomaaliya oo kale waxay ku tiirsan tahay wayaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, waxaana ugu horreeya cunnada, dharka, daawada iyo qalabka elektaroonigga oo badankooda lafa keeno dalalka Aasiya sida Shiinaha, Hindiya, Pakistan iyo waddamad la midka ah, kuwaasoo shidaalkooda uu 70-90% uu maro marinka Hormuz ee Iiraan ay hadda xirtay, haddii warshadaha dalalkaas uu shidaalka ku qaaliyoobo waxaa siyaadi doona qiimaha alaabaha ay soo saaraan, taasoo gudaha Soomaaliya ka sababi doonta sicir barar maaddaama alaabaha lasoo dhoofiyo ay qaali noqonayaan," ayuu yiri.
Shirkadaha wax soo dhoofiya
Cabdinuur ayaa sheegay in sicir-barar uu ku dhici doono alaabaha Soomaaliya, taasoo ay keeneyso dalalkii wax laga soo iibsan jiray oo laftoodu uu ka dhacayo sicir-barar.
"Shirkadaha wax soo dhoofiya waxaa ku qaaliyoobaya alaabihii ay soo dhoofin jireen, sababtoo waxaa ku qaaliyoobaya shidaalka iyo gaadiidkii lagu soo rarayay sida maraakiibta iyo diyaaradaha,".
Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay dibadda alaab uga soo gadatay lacag u dhiganta sagaal bilyan oo doollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay Cabdinuur.
Qiimaha shidaalka
"Shidaalka ay Soomaaliya isticmaasho wuxuu badankiis ka yimaadaa Khaliijka, iyo guud ahaan dalalka Bariga Dhexe. Dalalka caalamka waxay qaataan shidaal ceyriin ah oo iyagaa gudaha dalalkooda ku nadiifiya, sidaa darteed qeyb badan oo lacagaha shidaalka ka mid ah gudahooda ayay ka xalliyaan, Soomaaliya laakiin shidaal la sifeeyay ayay dibadda ka keensataa, shidaalkaas ayaa qaaliyoobi doona kaasoo saameyn doona gaadiidka, isbitaallada, shirkadaha is gaarsiinta iyo goobaha waxbarashada".
Saameynta durba waxaa dareemay wadayaasha gaadiidka sida baaajta. Qiimaha shidaalka ee qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa in ka badan laba jibbaarmay, taasoo sare u qaadday qiimaha gaadiidka ee rakaabka iyo ganacsiyada.
Magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah wadayaasha mooto bajaajta oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inay ku dhow yihiin inay iska dhigaan bajaajta maaddaama uu shidaalku ku qaaliyoobay.
Iyada oo qiimaha lagu raaco bajaajta uu kor u kacaay, rakaabkii ayaa yaraaday, darawallo badan oo Muqdisho joogana waxay sheegeen in aanay mar dambe kusii shaqeyn karin.
"Ma jiraan wax rakaab ah. Dadku guryahooda ayay joogaan ama way lugeeyaan. Waxaan sare u qaadnay qiimaha lagu raaco sababtoo ah qiimihii shidaalka ayaa sare u kacay." Ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha mooto bajaajta oo ku sugan Muqdisho.
Waxyaabaha ay Soomaaliya dibadda u dhoofiso
Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay dhoofisay badeeco qiimaheedu yahay ku dhowaad saddex bilyan oo doollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay Cabdinuur Cali Maxamed.
"Taas inteeda badan waxay la xiriireen guud ahaan xoolaha. Xoolahaas oo loo dhoofiyo dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraatka, Cummaan iyo Kuwait. Sidoo kale liinta la qallajiyay ayaan dhoofinnaa, dekadihii ay ku xiran jireen dhaawac badan ayaa gaaray," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dalalkaas dhaqaalahooda haddii uu hoos u dhaco ay ka maarmi doonaan inay dibadda wax kasoo dhoofsadaan, taasoo saameyn doonta dhaqaalaha Soomaaliya, maaddaama ay istaageyso inay dibadda wax u dhoofiso.
Gargaarka bani'aadannimo
Durba 6.5 milyan oo qof, qiyaastii saddex meelood meel ka mid ah wadarta guud ee dadka Geeska Afrika, ayaa wajahaya gaajo daran iyadoo ay jirto abaar, sida ay sheegeen hay'adaha gargaarka.
Soomaaliya, shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in dagaalka ka socda Bariga Dhexe - in ka badan 3,000 kiiloomitir (1,800 mayl) - uu ka dhigay shaqadooda mid adag, taasoo carqaladeysay saadka iyo soo dirista kharashka shidaalka.
Hay'adda badbaadada carruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF waxay sheegtay in ay hayso $15.7 milyan oo sahay naf-badbaadin ah - oo ay ku jiraan cunto daweyn, tallaallo, iyo maro-kaneecooyin - iyada oo sii gudbisa ama loo diyaarinayo in la geeyo Soomaaliya. Laakiin shixnadahaas aab hadda la hubin.
"Kharashka gaadiidku waxa uu kor u kici karaa 30% ilaa 60%, iyo xataa laban laab, halka dib u dhacyada ka dhasha ay saameyn keeni karaan, ayay tiri hay'adda Qaramada Midoobay.
Intii lagu guda jiray booqasho ay dhowaan ku tagtay degmada Doolow, Catherine Russell, madaxa fulinta ee UNICEF, ayaa sheegtay in dagaalka Iran uu "naxdin ku noqday nidaamka" shaqada ay hay'addu ka waddo Soomaaliya.
"Waxay la macno tahay in aan si sahal ah sahayda ugu heli karin, qiimaha shidaalkuna aad buu u sarreeyaa," ayay tiri. "Waa dhibaato kale oo ay tahay inaan isku dayno inaan wax ka qabanno, waxayna la macno tahay in carruur badan ay dhibtoonayaan."
Isla mar ahaantaana, in ka badan 400 oo xarumo caafimaad iyo nafaqo oo gudaha Soomaaliya ku yaalla ayaa la xiray sanadkii la soo dhaafay guud ahaan Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay dhimista maalgelinta Mareykanka, taasoo keentay in bulshooyin badan ay helaan taageero. Hay'adaha gargaarka ayaa ka digaya in xiritaanno kale oo ka dhasha dagaalka Iiraan ay raaci karaan.
Lacagaha dibadda laga soo diro
Nuglaanta ugu daran ee Soomaaliya ay kala kulmeyso dagaalka Iiraan ayaa ah ku tiirsanaanta lacagaha laga soo diro dibadda.
"Ku dhawaad labo bilyan oo dollar ayaa Soomaaliya ka soo gala sanadkii xawaaladaha, taas oo ka dhigan qiyaastii 20 boqolkiiba dakhliga guud, lacagahaas oo laga soo diro dibadda" ayuu yiri Cabdinuur.
Qiyaastii 40 boqolkiiba qoysaska Soomaaliyeed waxay ka helaan xawaaladaha, iyagoo lacagtaas u isticmaalaya inay ku daboolaan kharashaadka maalinlaha ah, waxbarashada, iyo nolosha guud, sida uu sheegay.
Imaaraatka, Sacuudiga, Qadar, iyo waddamada kale ee Khaliijka ayaa martigeliya boqollaal kun oo muhaajiriin Soomaali ah.
"Marka Iran ay weerarto kaabayaasha Imaaraadka ama Sacuudiga, ama marka ay dowladaha Khaliijka galaan marxalad dhaqaale oo adag, waxaa yaraanaya lacagaha laga soo diri karo halkaas," ayuu intaa raaciyay Cabdinuur.
Cashar noocee ah ayay Soomaaliya ka baran kartaa dagaalka Iiraan?
Soomaaliya ayaa inta badan ku tiirsan waxyaabaha laga soo dhoofiyo dalalka dibadda.
Ku-tiirsanaantaas Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa colaado tobnaan sano ah, awoodda warshadaha oo aad u yar, iyo ku tiirsanaanta cuntada iyo shidaalka dibadda laga keeno.
"Casharka ugu muhiimsan waa inaan annaga isku tiirsanaanno. Dadka Soomaaliyeed waxaa la qiyaasaa 55% lacagta ka baxda waxay uga baxdaa cunno, taasoo inteeda badan ka timaadda dibadda.
"Waa inaan horumarinno beeraheenna iyo awoodda keyd ee beerahaasi leeyihiin, si ugu yaraan aan usoo saaran karno cunnadeenna iyo beeraheenna haddii kala go' uu ku yimaado dhaqaalaha caalamka." Ayuu yiri Cabdinuur.