Faahfaahin: Weerarkii ka dhacay afka hore ee qunsuliyadda Israa'iil iyo ragii la qabtay oo su'aalo la waydiinayo

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Rasaas ka dhacday agagaarka dhisme ku yaalla degmada Levent ee magaalada Istanbul, oo ay sidoo kale degan tahay Qunsuliyadda guud ee Israa'iil, ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah saddexdii nin ee weerarka soo qaaday, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa la sheegay in labada askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen dhacdada.

Xogta ku saabsan weerarka waxaa bixiyay wasiirka arrimaha gudaha Mustafa Çiftci.

Çiftci ayaa yiri, "Saddex qof oo hubaysan ayaa dagaal kula galay askarteena booliiska ah ee shaqada ku jiray afaafka hore ee Yapı Kredi Plaza Blocks ee Istanbul waana laga adkaaday, laba ka mid ah askartayada geesiyaasha ah ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray iska horimaadka."

Isagoo sheegay in helay aqoonsiga kooxihii weerarka soo qaaday, Çiftci ayaa yiri, "Waxaan ogaanay in mid ka mid ah shakhsiyaadka, uu Istanbul yimid isagoo ka yimid Izmit oo wata baabuur kiro ah, uu xiriir la leeyahay urur ka faa'iidaysta diinta, iyo in mid ka mid ah labada argagixiso ee kale, oo walaalo ah, uu leeyahay diiwaan daroogo la xiriira."

Guddoomiyaha Istanbul, Davut Gül, ayaa sidoo kale sheegay in saddexdii qof ee weerarka soo qaaday la qabtay laba ka mid ah oo dhaawac ah, midna uu dhintay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in mudo labo sano iyo bar ah aysan wax diblumaasiyiin Israa'iiliyiin ah aysan joogin qunsuliyadda.

Dhacdada oo dhacday abbaare 12:15 PM ka dib, ayaa kooxo badan oo booliis ah loo diray aagga.

Qunsuliyadda guud ee Israa'iil waxay ku taallaa dabaqyada sare ee dhismaha.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Maxaan laga og yahay ragga weerarka soo qaaday?

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa war ka soo saartay heybta saddexda ruux ee weerarka soo qaaday.

Bayaanka ayaa sidoo kale loo adeegsaday ereyga "argagixiso".

Sida lagu sheegay bayaanka, ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray "Yunus E. S". waxaana lagu helay "in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso oo diinta ka faa'iidaysta."

Ereygan waxaa isticmaala mas'uuliyiinta rasmiga ah ee al-Qaacida iyo ISIS labadaba. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ay ku sheegteen mas'uuliyadda weerarka.

Kooxda weerarka soo qaaday oo la qabtay iyagoo dhaawac ah ayaa magacyadooda lagu sheegay Onur Ç. iyo Enes Ç.

Waxaa la sheegay in Onur Ç. wuxuu leeyahay diiwaan daroogo.

Isgaarsiin dhijitaal ah oo dhexmartay saddexda nin ee weerarka qaaday ayaa la ogaaday, waxaana lagu dhawaaqay in "su'aalaha la weydiinayo kuwa dhaawaca ah ay sii socon doonaan."

Sida xalku uu haatan yahay

Goobta uu weerarku ka dhacay ee Yapı Kredi Plaza, ayaa waxaa xiray ciidamada Booliska.

Shaqaalaha Plaza ayaa laga soo saaray dhismaha iyadoo booliisku ay kormeerayaan.

Gaari biyo ah iyo gawaarida gaashaaman ee booliisku ayaa waxay yaalaan goobta hareeraheeda.

Saraakiisha booliska ee hawlgallada gaarka ah ku jira ayaa iyaguna goobta jooga.

In kasta oo la adkeeyay ammaanka, gaadiidka ayaa qulqulaya.

Meel dhawr tilaabo oo u jirta dhismaha, dhanka wadada, waxaa yaal ambalaas fara badan.