Dagaalka khaliijka iyo baabul-Mandab: Xuutiyiintu ma noqon doonaan naxdinta kale ee suuqyada saliidda?

Xigashada Sawirka, REUTERS/Khaled Abdullah
- Author, Alexey Kalmykov
- Role, Weriye BBC
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dagaalka Iiraan ayaa gaaray halka ugu sarraysa ee dhanka badda cas, halkaas oo haddii laga gudbo ay keeni karto dhibaato dhanka tamarta ah oo caalami ah. Toddobaadkan, bil kaddib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay billaabeen dagaalka ay kula jiraan Iiraan, xulafada Iiraan ee Yemen oo ah Xuutiyiinta, ayaa ugu dambeyntii soo galay dagaalka.
Ilaa hadda, weerarradoodu waxay u badnaayeen kuwo digniin ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen Israa'iil, laakiin Xuutiyiintu waxay sii ballaarin karaan weerarrada ay ku hayaan dhuumaha saliidda ee Sucuudiga iyo halka laga soo saaro shidaalka dalkaas ee badda cas.
Ka dib markii Iiraan ay xirtay marin biyoodka Hormuz, oo ah meesha kaliya marka laga yimaado dhinaca Gacanka Faaris ee 25 boqolkiiba saliidda adduunka iyo 20 boqolkiiba gaaska, ayaa Sacuudi Carabiya waxay u wareejisay saddex meelood meel ka mid ah dhoofintan waddo kale: dhuumaha marinka Yanbu ee xeebta Badda Cas oo la dhisay intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq.
Isbeddelkan dariiqa ah, qiimaha saliidda caalamiga ah uma boodin sidii la filayay. Sacuudi Carabiya, oo ka mid ah saddexda waddan ee ugu dhoofinta saliidda badan adduunka oo ay weheliyaan Maraykanka iyo Ruushka, waxay dhoofin jirtay ilaa 6 milyan oo barmiil oo saliid ah maalintiiba ayadoo sii marinaysa marinka Hormuz ka hor dagaalka, waxayna hadda suuqa geeyaan ilaa 5 milyan oo barmiil oo soo marta waddada Yanbu.
Shidaalkan intiisa badan waxa uu u socdaalaa Aasiya isaga oo sii mara marinka Bab al-Mandab, marinkaas oo ay si isdaba joog ah u carqaladeeyeen labadii sano ee la soo dhaafay Xuuthiyiinta oo ah koox Shiico ah oo ka dagaalanta dalka Yemen oo qaybo badan oo dalkaas ka mid ah gacanta ku haysa, isla markaana ay taageerto Iiraan.
Balse markii uu billowday dagaalka Iiraan, Xuutiyiinta ayaa muddo aamusnaa. Aamusnaantaas ayaa jabtay horraantii usbuucan. Subaxnimadii Sabtida waxay gantaallo ku rideen Israa'iil, waxayna ka digeen inaysan joojin doonin weerarrada inta uu dagaalku socdo. Isla habeenkaas ayaa weerar kale lagu qaaday.
Falanqeeyayaasha ayaa horay u sii saadaaliyay xaaladdan oo kale. Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, inkasta oo Iiraan ay taageerto, haddana waa xoog madax bannaan, kaliya waxay geli doonaan dagaalka haddii Iiraan ay la kulanto khatar halis ah oo muhiim ah.
April Ely, khabiir Yemeni ah oo ka tirsan hay'ad cilmi baaris oo fadhigeedu yahay Washington, ayaa yiri ka hor weerarradii ugu horreeyay: "Go'aanka dagaalka waxaa lagu gaari doonaa Yemen, maaha Tehran.
Waxa uu saadaaliyay in Xuuthiyiinta ay marka hore beegsan doonaan Israa'iil, sida ay sameeyeen, kadibna ay u dhaqaaqi doonaan sidii ay xiisadda u sii xumaan lahayd.
"Iyadoo uu xiran yahay marinka Hormuz, weerar lagu qaado maraakiibta ku sugan badda cas wuxuu keeni karaa cadaadiska ugu badan ee soo wajaha tamarta caalamka iyo suuqyada maraakiibta, gaar ahaan hadda oo Sacuudi Carabiya ay kordhisay dhoofinta saliidda ee marinkaas".

Kacaanka Islaamiga ah oo leh muuqaalka Yemen
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Go'aanka Xuutiyiinta ee ah in ay dagaalka galaan ayaa ku soo beegmay iyadoo markab laga leeyahay dalka Maraykanku uu ka yimid Japan, uuna u soo ruqaansaday Bariga Dhexe, kaasoo sida kumaankun askari oo Mariiniska Maraykanka ah, haddii loo baahdo, waxaa loo isticmaali karaa hawlgallada ay ka midka yihiin qabashada Jaziirada Kharg (oo xuddun u ah dhoofinta saliidda Iiraan).
Ka dib muddo bil ah oo ay socdeen isku dayo aan lagu guuleysan oo lagu doonayay in lagu qasbo Jamhuuriyadda Islaamiga ah in ay isku soo dhiibto qaraxyo iyo dilal loo geystay madaxdeeda, ayaa Donald Trump waxa uu weli sheegayaa in uusan wax niyad ah u heyn in uu ciidamo dhulka ah u diro dalka Iiraan, inkastoo uu intaa ku daray in haddii uu go'aan noocaasi ah qaato uusan horay u sii shaacin doonin.
Dhanka kale, jawaabta xiisadan ayaa ka timid xulafada Iiraan oo ah Xuutiyiinta. Khatartoodu waa halis. Haddii Sacuudi Carabiya sidoo kale ay lumiso dariiqa kale ee dhoofinta saliidda, yaraanta sahaydu waxay sababi kartaa sare u kac cusub oo qiimihiisu yahay, kaas oo qiyaastii noqoanaya $ 70 ilaa $ 115 halkii fuusto hal bil oo dagaal ah.
"Xuuthiyiinta waxay ku dhawaaqeen dagaal, waxayna weerareen Israa'iil, laakiin su'aasha dhabta ah ayaa ah in bartilmaameedkooda xiga uu noqon doono marinka saliida ee Yanbu ama dhuunta Bariga iyo Galbeedka Sacuudiga," ayuu yiri Gregory Brough oo khabiir ku ah saliida iyo Iiraan oo ka tirsan shirkad caalami ah. "Haddii kaabayaashani ay fashilmaan, shidaal yaridu waxay kor u qaadi doontaa 10 milyan oo barmiil maalintii, waxayna noqon doontaa 13 ilaa 15 milyan oo fuusto maalintii."
Khabiirka Yemen Michael Knights ayaa ka digaya in Xuutiyiinta aysan ahayn oo keliya, balse sidoo kale Iiraan lafteedu ay beegsan karto kaabayaashan haddii loo baahdo.
Waxa uu sheegay in xitaa haddii Iiraan laga adkaado dagaalka ay Xuuthiyiinta sii ahaan doonaan kuwa khalkhal gelinaya gobolka.
"Waxaan si dhab ah u baranayay Xuutiyiinta tan iyo 1980-meeyadii," ayuu yiri Mr. Knights. "Waxay yihiin kuwa raacsan Kacaanka Islaamiga ah, waxaana laga yaabaa inay ka dheereeyaan xitaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Xisbollah-da Lubnaan".













