Maxaa ku dhacay ninkii caawiyay ninkii Israa’iiliga ahaa ee isku dhex qariyay muslimiintii booqanaysay Maka?

Xigashada Sawirka, Getty Images/Gil Tamary
Booliska ka howlgala gobolka ay ku taallo magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudiga ayaa waaxda dacwad-oogista u gudbiyay muwaadin lagu eedeeyay inuu ku kacay fal hadal-hayn ka dhex dhaliyay Muslimiinta, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA).
Ninkan oo xabsiga la dhigay ayaa loo haystaa inuu si sharci-darro ah u caawiyay weriye aan Muslim ahayn oo uu u fududeeyay inuu si qarsoodi ah ku galo magaalada barakaysan ee Maka, oo ay booqanayeen Muslimiin ka kala timid caalamka.
Dambiga lagu soo oogay ayaa ah inuu ninka Israa'iiliga ah oo haysta dhalashada Mareykanka mariyay waddo si gaar ah loogu talagalay in ay isticmaalaan dadka Muslimiinta ah oo keliya.
Afhayeenka booliska Maka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadinka caawiyay ninka Israa'iiliga ah uu ku xadgudbay sharciga dadka aan Muslimiinta ahayn ka mamnuucaya in ay galaan magaalada Maka ee ay ku taallo Kacbada.
Sidaas awgeed, booliska ayaa markii dambe gacanta ku dhigay ninka u dhashay Sacuudiga ee caawiyay ninka aan Muslimka ahayn ee gudaha u galay magaalada Barakaysan, waxaana laga qaaday tallaabo sharciga waafaqsan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ninka Israa'iiliga ah oo lagu magacaabo Gil Tamary ayaa sawir iska soo qaaday isagoo ku sugan Buurta Carrafo ee ay ku cibaadaystaan Xujayda Muslimiinta ah ee ka kala yimaada meelo kala duwan oo caalamka ah.
Tamary ayaa fuulay buurta Carrafo oo ah goob xurmo leh oo ay Muslimiintu isugu yimaadaan si ay ugu gutaan cibaadada ugu wayn ee acmaasha xajka.
Waxaa baraha bulshada qabsaday muran xoog leh oo ku saabsan arrintan oo uu ku lifaaqay booqasho uu si caadi ah ugu joogay waddanka boqortooyada Sacuudiga.
Maxaa laga yeelayaa ninka Israa'iiliga ah?
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ma aysan magacaabin ninka aan Muslimka ahayn ee ku dhex dhuuntay dadka galayay Maka, balse waxay ku tilmaantay inuu yahay muwaadin Mareykan ah.
Taliska booliska ayaa sheegay in ay waaxda dacwad-oogista u gudbiyeen kiiska ninka Israa'iiliga ah, si looga qaado tallaabada ku habboon ee waafaqsan sharciga u yaalla waddanka, sida ay sheegtay Wakaaladda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan dadka imaanaya Sacuudiga ay waajib ku tahay inay qaddariyaan shuruucda loo dejiyay, gaar ahaan kuwa khuseeya labada masjid ee barakaysan.
Ficil kasta oo lagu jebinayo xeerarkaas ayuu ku qeexay dambi aan loo dulqaadan doonin, ganaaxyo kala duwanna ay la socdaan.
Hase ahaatee, warbaahinta qaar ayaa tebisay in sheekadan ay soo baxday kaddib markii uu Tamary dib ugu laabtay Israa'iil.
Ninkan ayaa ka mid ahaa saddex weriye oo Israa'iiliyiin ah oo loo oggolaaday inay Sucuudiga galaan si ay u soo tebiyaan booqashadii Madaxweyne Biden.
Waxa uu dhawaan raalligelin ka bixiyay gelistiisa dhulka barakeysan, isagoo sheegay in ujeeddadiisu ay ahayd inuu muujiyo muhiimadda Maka iyo quruxda Islaamka.














