Dal ku yaalla yurub oo tuuray Laab-toobyadii ay ardayda wax ku baran jireen dib-na ugu laabtay Buugga iyo Qalinka

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dowladda Sweden ayaa u ololeynaysa in dib loogu laabto isticmaalka buugaagta , waraaqaha, iyo qalinka dugsiyada dalkaasi, iyada oo ujeeddadu tahay in la joojiyo hoos u dhaca heerarka akhris-qoraalka.

Si kastaba ha ahaatee,qorshahan in meesha laga saaro qalabka dijitaalka oo loo guuro in gacata wax lagu qoro islamarkana lagu laabtii buugaagta iyo qalimaanta ayaa dhalisay dhaleeceyn ka timid shirkadaha tiknoolajiyadda, macallimiinta, iyo saynisyahannada kombiyuutarada, kuwaas oo ku doodaya in tallaabadani ay saameyn karto fursadaha shaqo ee ardayda isla markaana dhaawici karto dhaqaalaha waddanka Nordiga.

Dugsiga sare Nacka, oo ku yaalla duleedka Stockholm, ardayda dugsiga sare waxay boorsooyinkooda kala soo baxaan laptops, laakiin sidoo kale waxay wataan waxyaabo aan hore loo isticmaali jirin oo ah qallin iyo buugaag.

"Imika waxaan guriga dib uga soo laabtaa anigoo wata buugaag cusub iyo waraaqo," ayay tiri Sophie oo 18 jir ah.

Waxay sheegtay in hal macallin "uu bilaabay inuu daabaco dhammaan qoraallada fasalka lagu isticmaalo," halka barnaamij dijitaal ah oo lagu barto xisaabta lagu beddelay waxbarid ku saleysan buugag oo keliya.

Waa sawir si toos ah uga hor imanaya sumcadda Sweden ee ah mid ka mid ah bulshooyinka ugu horumarsan dhanka tiknoolajiyadda ee Yurub, taas oo lagu yaqaan xirfado dijitaal oo aad u sarreeya iyo koboc degdeg ah oo ku yimid hal-abuurka ganacsiyada tiknoolajiyadda.

Habka waxbarida oo ka duwan kii hore

Xigashada Sawirka, Maddy Savage

Laptop-yada waxay noqdeen kuwo si caadi ah looga isticmaalo fasallada dugsiyada Sweden dabayaaqadii 2000 iyo bilowgii 2010-kii.

Sannadkii 2015-tii, ku dhawaad 80% ardayda dhigata dugsiyada sare ee Sweden waxay si shaqsi ah u heli jireen qalab dijitaal ah, sida ku cad xog rasmi ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isticmaalka qasabka ah ee tablets-ka ee xannaanooyinka carruurta (kindergartens) ayaa lagu daray manhajka waxbarashada sanadkii 2019, taas oo qayb ka ahayd qorshaha dowladdii hore ee ay hoggaaminayeen Social Democrats, ujeeddadeeduna ahayd in xitaa carruurta aadka u yar loo diyaariyo nolol shaqo iyo mid gaar ahaaneed oo sii kordheysa oo dijitaal ah.

Laakiin isbahaysiga midigta ee hadda talada haya, oo xukunka la wareegay 2022, ayaa jihada waxbarashada u beddelaya si ka duwan.

"Dhab ahaantii, waxaan isku dayeynaa inaan sida ugu badan ee suurtagalka ah u yareyno isticmaalka shaashadaha," ayuu yiri Joar Forsell, oo ah afhayeenka waxbarashada ee Xisbiga Libaraalka, oo hoggaamiyihiisu yahay wasiirka waxbarashada Sweden.

"Carruurta waaweyn ee dugsiyada waxaad laga yaabaa inaad xoogaa isticmaasho, laakiin carruurta yaryar, anigu uma maleynayo in aan shaashado isticmaalno gabi ahaanba."

Dowladdu waxay si joogto ah u adeegsataa halku-dhigga Iswiidhishka ah "från skärm till pärm," oo micnihiisu yahay "laga bilaabo shaashad ilaa gal ," taas oo noqotay hal-ku-dheg siyaasadeed oo fudud.

Waxay ku doodaysaa in fasallada aan shaashadaha lahayn ama kumbiyuutarada lahayn ay abuuraan xaalado ka wanaagsan oo carruurtu diiradda u saari karaan, isla markaana ay horumariyaan xirfadaha akhriska iyo qorista.

Xigashada Sawirka, Liberal Arna

Mashqulka dhijitaalka ah

Laga bilaabo 2025, xannaanada carruurta (preschools) looma baahnaan doono in si qasab ah loo isticmaalo qalabka dijitaalka ah, sidoo kalena carruurta ka yar laba sano looma siin doono tablets-ka.

Sannadkan gudihiisa, waxaa sidoo kale dhaqan geli doona mamnuucid ku saabsan isticmaalka telefoonada gacanta ee dugsiyada, xitaa marka loo adeegsanayo waxbarashada.

Dugsiyada ayaa hore loogu qoondeeyay in ka badan 200 milyan oo doolar oo deeqo ah si loo maalgeliyo buugaagta waxbarashada iyo hagayaasha macallimiinta. Manhaj cusub oo lagu xoojinayo waxbarashada ku saleysan buugaagta ayaa la qorsheynayaa inuu hirgalo 2028.

"Akhrinta buugaagta caadiga ah, ku qorista warqad caadiga ah, iyo tirinta tirooyin dhab ah oo warqad ku qoran waa ka wanaagsan tahay haddii aad rabto carruurtu inay helaan aqoonta ay u baahan yihiin," ayuu ku dooday Joar Forsell.

Isbeddelkan habka waxbarashada ayaa yimid kadib wadatashi la sameeyay 2023, kaas oo ay ka qeyb galeen cilmi-baarayaal tacliimeed, ururrada macallimiinta, hay'adaha dawladda, iyo degmooyinka.

"Waxaa jirta wacyigelin sii kordheysa oo ku saabsan carqaladda ay tiknoolajiyaddu ku keento fasallada," ayay tiri Sissela Nutley, oo ah saynisyahan neerfaha oo la shaqeeysa Karolinska Institute ee Stockholm, isla markaana ka mid ah dadka ka digaya isticmaalka qalabka dijitaalka ah.

Nutley waxay sheegtay in ardaydu ay lumin karaan feejignaanta marka ay arkaan waxa carruurta kale ka sameynayaan shaashadaha.

Waxay sidoo kale tilmaamaysaa cilmi-baaris caalami ah oo sii kordheysa oo muujinaysa in akhrinta qoraallada qalabka dijitaalka ah ay carruurta ku adkeyn karto fahamka macluumaadka, isla markaana isticmaalka shaashadaha ee xad-dhaafka ah uu saameyn karo horumarka maskaxda ee ardayda da'da yar.

Waqti badan oo shaashad Kumbuyuutarka ah, dib u dhac badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladdu waxay rajaynaysaa in dib loogu noqdo hababka waxbarasho ee dhaqameed ay ka caawin doonto Sweden inay hagaajiso booskeeda qiimeynta PISA, oo ay maamusho OECD, taas oo lagu cabbiro heerka aqoonta aasaasiga ah ee maadooyinka waxbarashada.

Sweden waxay mar ahaan jirtay dal aad ugu sarreeya PISA, balse natiijooyinku waxay si weyn hoos ugu dhaceen 2012, kadibna inkastoo ay soo kabasho yar sameysay, waxay mar kale hoos u dhac weyn la kulantay 2022, gaar ahaan xisaabta iyo akhriska.

Inkasta oo ay weli waxyar ka sarreyso celceliska OECD, Sweden waxay 2022 kaga liidatay akhriska dalal ay ka mid yihiin UK, Mareykanka, Denmark, iyo Finland. Ku dhawaad rubuc (24%) ardayda da'doodu tahay 15–16 sano ma gaaraan heerka aasaasiga ah ee fahamka akhriska.

Joar Forsell ayaa sheegay: "Waxaan ognahay in carruurta wax ku bartay shaashado kumbiyuutar inta ay waxbarashada ku jireen ay dib uga dhacaan baaritaannada caalamiga ah."

Warbixin ay soo saartay OECD bishii Janaayo ee sanadkan ayaa sheegtay in guud ahaan ardayda Sweden ay ka faa'iidaystaan helitaanka qalabka dijitaalka ah, balse ay sidoo kale jiraan carqalado badan oo dhanka feejignaanta ah oo ka jira fasallada.

Warbixintu waxay ogaatay in isticmaalka xad-dhaafka ah ee qalabka dijitaalka ah ee fasallada xisaabta uu la xiriiray natiijooyin hoose, inkastoo guud ahaan weli ay ka fiicnaayeen ardayda aan si buuxda u isticmaalin qalab dijitaal ah.

Andreas Schleicher ayaa ku baaqay in si taxaddar leh loo eego isku xirka "sabab iyo natiijo," wuxuuna sheegay in Sweden ay si "aad u xad-dhaaf ah" u qaadatay tiknoolajiyadda marka loo eego dalal kale, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelatay natiijooyinka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka ka dhashay ay ka iman karaan in qalab badan iyo tiknoolajiyad si weyn loo geliyay fasallada "iyadoon lahayn ujeeddo waxbarasho oo cad ama yoolal si sax ah loo qeexay."

Khatarta waxbarashada Buugga iyo Qalinka

Xigashada Sawirka, Maddy Savage

Laakiin Sweden, istaraatiijiyadda dowladda ee dib ugu noqoshada buugaagta ayaa dhalisay dood xooggan oo ka dhex taagan bulshada ganacsiga.

Warbixin cusub oo ay soo saareen ururka ganacsiga Swedish Edtech Industry ayaa ka digaysa in waxbarasho aad ugu tiirsan hab gacanta wax lagu qoro ay halis gelin karto in ardaydu aysan si fiican ugu diyaarsaneyn shaqooyinka mustaqbalka.

"Qof walba wuxuu u baahan yahay xirfado dijitaal aasaasi ah si uu suuqa shaqada ugu galo," ayay tiri Jannie Jeppesen, oo ah agaasimaha fulinta ee ururka isla markaana hore u ahayd macallin.

Waxay tixraacday warbixin Midowga Yurub oo sheegaysa in ku dhowaad 90% shaqooyinka mustaqbalka ay u baahan doonaan xirfado dijitaal.

Jeppesen sidoo kale waxay ka digaysaa saameynta ay arrintani ku yeelan karto hal-abuurka iyo ganacsiga cusub.

Waqti xaadirkan, Sweden waa dalka ugu horreeya Yurub ee soo saara shirkado dhanka tiknoolajiyadda oo lagu qiimeeyo in ka badan $1 bilyan, marka loo eego tirada dadkiisa. Shirkadahaas waxaa ka mid ah Spotify iyo Legora.

Jeppesen waxay sheegtay in shirkadaha noocan oo kale ah "ay u wareegi doonaan dalal kale" haddii Sweden aysan helin xirfadaha IT ee saxda ah ee loo baahan yahay.