Maxaad kala socotaa Sannadkii Ramadaan "28" maalmood la Soomay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1984, oo ku beegnayd sannadkii 1404 Hijriyada, ayaa waxaa Sacuudi Carabiya ka dhacay arrin aan horay dalkaas uga dhicin oo la xiriirta bisha soonka ee Ramadaan.
Wakhtigaas bisha soonku waxay dhammaatay kaddib 28 maalmood oo la soomanaa, halkii ay caadiyan ka ahaan lahayd 29 ama 30 maalmood sanad kasta.
Arrintani waxay keentay in muwaadiniinta ay rumaystaan in soonkoodii uusan dhammaystirnayn.
Sida ay dhigayso shareecada Islaamka, soonku wuxuu bilaabmaa marka la arko bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna dhammaadaa marka la arko bisha cusub ee Shawwaal.
Sidaas darteed Ramadaan sanad kasta waxa ay noqotaa 29 ama 30 maalmood.
Maxaa dhacay sannadkaas?
Habeenkii 28-ka Ramadaan, waxaa cirka laga arkay bilashada bisha Shawwaal.
Aragtida bishaas waxay ka dhignayd in 29-ka Ramadaan uu ku aaday maalinta Ciidda ee (1-da Shawwaal).
Sidaas awgeed dadku waxay tukadeen salaadda Ciidda kaddib 28 maalmood oo soon ah, taas oo dhalisay jaahwareer ka dhacay dalka oo dhan.
Dhacdadan waxay caddeysay in uu jiray khalad ka dhacay aragtida bisha Ramadaan ee sannadkaas.
Khaladkan ayaa sababay in bilowgii soonka dib uga dhaco waqtigii saxda ahaa ee uu bilaaban lahaa.
Sida ay sheegeen guddiga baadigoobka bisha ee dalkaasi Sacuudiga , nin ayaa markii hore sheegay inuu arkay bisha Ramadaan, laakiin markii guddigu baaritaan sameeyeen waxaa la ogaaday inuusan arkin bisha, balse uu arkay meerayaasha Mercury iyo Venus.
Sidee ayay dadka uga falceliyeen?
Markii dhibaatadan la ogaaday, Wasaaradda Caddaaladda ee Sacuudiga waxay amartay muwaadiniinta inay hal maalin oo dheeraad ah soomaan, taas oo noqonaysa maalin ka dambaysa Ciidda, si loo dhammaystiro 29 maalmood oo soon ah.
Khudbad uu jeediyay intii lagu jiray salaadda Ciidda, imaamkii hoggaaminayay salaadda ee Masjidka Xaramka ee Maka wuxuu dadka ugu baaqay inay soomaan hal maalin oo dheeraad ah ka hor dhammaadka bisha Shawwaal.
Diinta Islaamku waxay isticmaashaa jadwal ku salaysan aragtida bilashada bisha cusub, Sidaas darteed:
- Shacbaan waa bisha siddeedaad
- Ramadaan waa bisha sagaalaad
- Shawwaal waa bisha tobnaad
Jadwalkan dayaxa, oo Ingiriisiga lagu yiraahdo Lunar isla markaana Carabiga lagu yiraahdo Hijri, wuxuu bilaabmaa marka la arko bisha cusub kaddib dhalashadeeda. Dhererka bisha badanaa wuxuu noqdaa 29 ama 30 maalmood.
Habka ansixinta iyo aragtida bisha ee Islaamka
Ku dhowaad dhammaan dalalka Muslimiinta waxay leeyihiin habab u gaar ah oo lagu arko bisha cusub.
Badanaa waxaa jira guddiyo baadigoobka aragga bisha oo go'aamiya in bisha la arkay iyo in kale.
Marka xaqiijin la sameeyo, guddiyadu waxay soo saaraan ogeysiis ku saabsan aragtida bisha. Haddii aysan hubin, waxay ku dhawaaqaan in bisha la dhammeystiro 30 maalmood.
Dalal ayaa qaarkood waxay ku tiirsan yihiin aragtida indhaha ama teleskoobka ka hor inta aan la shaacin.
Dalal kale waxay ku tiirsan yihiin xisaabinta cilmiga xiddigiska, halka qaarna ay raacaan go'aamada culimada diinta ama aragtida bisha ee dalalka deriska ah.
Kala duwanaanshahan ayaa sababa in ay kala duwanaadaan maalmaha soonka iyo Ciidda ee dalalka kala duwan, mararka qaarkoodna xitaa gudaha hal dal.













