Maxaa lagu xusuustaa wariyihii caanka ahaa ee Al-Jazeera jamaal Rayaan ee geeriyooday?

Jamaal Rayaan

Xigashada Sawirka, SocialMedia

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Bahda warbaahinta ayaa wxaa ka baxay weriye Jamal Rayyan, ka dib markii uu xirfad warbaahinta uu ku jiray in ka badan 50 sano oo uu ka shaqeynayay Idaacado iyo telefishino.

Rayyan waxa uu ku dhashay magaalada Tulkarm ee Falastiin 23-kii August1953, wuxuuna haystay jinsiyadda Urdun.

Wuxuu bilaabay shaqadiisa warbaahinta sanadkii 1974 isagoo ka shaqeynaya Hay'adda warbaahinta Raadiyaha iyo Telefishinka Urdun, halkaas oo uu ka jeedin jiray wararka iyo barnaamijyada siyaasadda. Markii dambe wuxuu u wareegay dhowr hay'adood oo warbaahineed oo Carbeed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Telefishinka Kuuriyada Koonfureed, Telefishinka Imaaraadka, iyo BBC.

Magaca Jamal Rayyan ayaa si weyn loo yaqaanay markii la aasaasay Al Jazeera sanadkii 1996, maadaama uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka soo muuqda shaashadda kana akhriya wararkii ugu horreeyay ee kanaalka. Tan iyo markaas, magaciisu waxaa si wayn loogu yaqa, wuxuuna sanado badan soo jeedinayay wararka iyo barnaamijyada siyaasadeed.

Intii uu ku jiray xirfaddiisa, Rayyan wuxuu goob joog u ahaa dhacdooyin badan oo waaweyn oo ka dhacay gobolka, oo ay ka mid yihiin dagaalladii Maraykanka ee Afgaanistaan iyo Ciraaq, iyo sidoo kale dhacdooyin waaweyn oo kale.

Agaasimaha Guud ee Shabakadda Warbaahinta Al Jazeera Media Network, Nasser bin Faisal Al Thani, ayaa yiri:

"Jamal Rayyan wuu geeriyooday, ka dib safar xirfadeed oo dheer oo uu ku reebay raad aan la ilaawi karin taariikhda Al Jazeera."

Qoraalka tacsiyeedka ayaa lagu xusay in Jamal Rayyan uu ahaa weriyihii furay baahinta ugu horeysay Al Jazeera Media Network bishii November 1996, isagoo ku dhawaaqay bilowga tijaabo warbaahineed oo beddeshay wajiga warbaahinta ee gobolka. Tan iyo maalintaas, joogitaankiisu wuxuu qayb ka noqday xusuusta kanaalka iyo damiirka daawadayaashiisa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa kale oo lagu daray in "ku dhowaad soddon sano aan ku naqaanay xirfadle warbaahineed oo karti leh, deggan marka uu muuqdo, sharaf leh marka uu hadlayo, isla markaana tusaale u ah saaxiibbadiis iyo tixraac xirfadeed jiilal badan oo warbaahineed oo ka bartay saxnaanta luqadda, kalsoonida gudbinta hadalka, iyo mas'uuliyadda farriinta warbaahinta."

Suxufiyiin badan iyo saaxiibbadii Jamal Rayyan ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa baraha bulshada.

Qoraaga iyo soo-jeediyaha telefishinka ee Sacuudi Carabiya Dawood Al‑Sharyan ayaa qoray in Rayyan "uu ka mid ahaa wejiyadii gacanta ka geystay dhismaha sawirka akhriyaha wararka ee Al Jazeera tan iyo bilowgeedii."

Wuxuu intaas ku daray in "soo jeedinta wararka ay weli tahay mid ka mid ah xirfadaha warbaahinta ee ugu adag, inkastoo dusha sare ay u muuqato mid sahlan, sababtoo ah waxay u baahan tahay aqoon luqadeed oo heer sare ah, awood lagu xakameeyo dareenka, muuqaal deggan oo hortiisa malaayiin daawadayaal ah, iyo xirfad sare xilli cadaadis weyn jiro."

Wariye Khadija Ben Gana ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay geerida saaxiibkeed ee Al Jazeera Media Network, Jamal Rayyan, iyadoo ku qortay akoonkeeda barta X "Macsalaamo Abu Murad."

Ayman Jada oo hore uga tirsanaan jiray bahda ciyaaraha ee ka shaqayn jiray beIN SPORTS, ayaa qoraal baroor diiq ah u qoray Jamaal Rayyaan oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa haldoorka warbaahinta Carabta, isagoo u tacsiyadeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaanu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

Weriyaha Aljazeera Maxamed Krishan ayaa qoray, qoraal u ugu baroordiiqayo saaxiibkiis Jamaal Rayyan, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay geeridiisa, tacsina u diray qoyskii.