Wariye caan ah oo shir dhexdiis isku qaawiyay, shaqadiina sidaas ku waayay

US legal analyst Jeffrey Toobin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Toobin wuxuu raaligalin siiyay xaaskiisa, saaxiibbadiis iyo dadkii uu la shaqeynayay
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Wariye xiddig sare ah ayaa laga eryay shaqada wargeyska Mareykanka caanka ka ah ee New York Times kaddib markii uu isku qaawiyay shir muuqaal ah oo ay shaqaalaha warbaahintaas ku galeen aaladda Zoom-ka.

Jeffrey Toobin, oo 60 sano jir ah, sidoo kalena falaqeeye sare oo dhinaca sharciga u ah telefishinka CNN, ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in shaqada laga eryay.

Shirkadda Conde Nast, ee uu hoos tago wargeyska New York Times, ayaa email ay shaqaalaha u dirtay ku tidhi: "Si dhab ah ayaan y qaadannaa arrimaha ka dhaca goobta shaada."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Kaddib markii shaqo joojin ciqaab ah lagu sameeyay bishii lasoo dhaafay, Mr Toobin wuxuu sheegay inuu aaminsanaa in aysan kaamiro heynin marka ay arrintaasi dhaceysay.

Warbaahinta Vice News, oo markii ugu horreysay soo tabisay warkaas, ayaa sheegtay in shaqaale sar sare oo ka shaqeeya New York Times ay arkeen Mr Toobin oo xubintiisa taranka ku mashquulsan, xilli uu toos ugu jiray muuqaalka shirka shaqaalaha.

Madaxa shirkadda Condé Nast, Stan Duncan, oo qoraal uu shaqaalaha u diray ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay dhacdadaas ay ku go'aansadeen in Mr Toobin "uu ka baxay daacadnimada shirkaddooda".

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan dooneynaa in qof walba uu dareemo xushmad uuna ku dhaqmo shuruucda noo taalla."

Arrintan uu ku ceeboobay wariyaha ayaa dhacday 15-kii bishii October, xilli doorasho tijaabo ah ay isla sameynayeen Majalladda New Yorker iyo raadiyaha WNYC. Mr Toobin ayaa islamarkiiba shaqada laga joojiyay.

Bayaan uu soo saaray bishii lasoo dhaafay ayuu ku yidhi: "Waxaan sameeyay khalad aan ku ceeboobay, anigoo u maleynayay in aanan kaamiro ku jirin."

Wuxuu raalligalin u diray qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo asxaabtii ay isla shaqeynayeen.

"Waxaan moodayay in aan la iiga jeedin muuqaalka Zoom-ka," ayuu ku yidhi warbaahinta Vice.

Logos of Zoom, remote conferencing services company for mobile application and desktop are seen in Ankara, Turkey on March 30

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Waxay ila ahayd in uusan qofna iga arkeynin dadkii ku jiray Zoom-ka. Waxaan u maleynayay inaan xiray kaamirada muuqaalkeyga bixineysay."

Vice ayaa sidoo kale soo xigatay labo qof oo magacyadooda qariyay, kuwaasoo sheegay inay marqaati ka ahaayeen dhacdadaas.

Doorashada la matalayay waxaa ka qeyb qaadanayay wariyeyaal heer sare ah oo ka tirsan Majalladda New Yorker - oo iska dhigayay siyaasiyiin - sida madaxweyne Donald Trump iyo musharraxa kasoo horjeeday ee xisbiga Dimuqraaddiga, Joe Biden. Mr Toobin wuxuu matalayay maxkamadaha.

Mar laga nasanayay dhageysiga dacwadaha matalaadda ah, ayuu Mr Toobin oo muuqaal gaar ah kaligiis ku jiray mar qura isqaawiyay, wuxuuna billaabay inuu taabto xubintiisa taranka, sida ay tabisay warbaahinta Vice.