Iiraan oo qaaday tallaabooyin ay kaga hortageyso banaanbaxyda ka dhanka ah dowladda

Xigashada Sawirka, Supplied
Sida dad degan caasimadda Iiraan ee Dehraan u sheegeyn BBC-da Iiraan waxay qaaday tallaabooyin lagu joojinayo mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda, iyada oo baro lagu baarayo gaadiidka oo cusub lagu soo kordhiyey waddooyinka caasimadda, internet-ka ayaa la xaddiday, waxaana dadka degan magaalada loo diray fariimo digniin ah oo tiro badan.
Waxay sidoo kale u sheegeen BBC Persian in qaar ka mid ah baraha kantaroolka laga dhigay meelo buundooyin hoostooda ah, kadib markii la sheegay in qaar ka mid ah baraha ku yaallay bartamaha waddooyinka lagu weeraray drones.
Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars News Agency, ayaa 11-kii Maarso sheegtay in tiro ka mid ah ciidamada amniga Iiraan lagu dilay weerarro Israa'iil ay ku qaadday afar baro kantarool oo ku yaalla Dehraan.
Fars waxay sheegtay in tirakoob aan rasmi ahayn uu muujinayo in ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerarradaas ka dhacay afar degmo oo caasimadda ah.
Dhanka kale, wakaaladda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka, Human Rights Activists News Agency (Hrana), waxay sheegtay inay xaqiijisay ugu yaraan 7,000 qof oo rayid ah oo la dilay intii ay socdeen mudaharaadyadii.
Marka laga gudbayo barahan kontrol si adag ayaa la isku baaraa, hadaba si aan xog uga helno sida dadka qaar uga gudbaan baraha kantaroolka waxa ay BBC-du la hadashay wiil dhalin yaro ah, kaas oo u sheegay in xeeladd uu adageesado si uu uga gudbo, waxa uuna sheegay in mar la joojiyay oo gaarigiisa la baaray, isaga oo ka hadlayana waxa uu yiri, "Waxaan bilaabaa inaan dhaho waxyaabo sida: 'Mahadsanidiin dadaalkiinna,' sidii inaan runtii u qadarinayo shaqada ay qabtaan."
Haweeney kale oo iyaduna labaataneeyo jir ah ayaa sheegtay in ay beddeshay qaabka ay u labisato."Mar walba waxaan xirtaa dhar midabbo dhalaalaya leh. Laakiin hadda ma xirto. Waxaan ka baqayaa ilaalada, waxaana ka walwalsanahay in haddii aan xirto dhar aad u ifaya ay ka xanaaqaan", ayey tiri.
Xadidnaanta Internet-ka ayaa hoos u dhigay abaabulka banaanbaxyada
Mid kamid ah dadka iibiya xirmooyinka internetka si ay dadku helaan Data ayaa tilmaamay in uu aad u cabsado marka uu marayo goobaha ay ciidanka dadka ku baaraan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo ay weli aad u adag tahay in lala xiriiro dadka gudaha Iiraan tan iyo markii internet-ka la joojiyay bilowgii dagaalka, haddana dadka aqoonta u leh internetyada aan xadidneyn ayaa isticmaalaya qalabka Starlink ee shirkadda SpaceX, iyagoo la xiriiraya dadka dibadda ka jooga dalka.
Wiilkaan iibiya Data-da ayaa sheegay inuu aad u baqay markii taksi uu saarnaa uu maray bar kantarool oo ku taalla Dehraan, mar uu sharaxayey uu yiri "Shaqada aan qabto waxaa loo arkaa dambi gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, aad ayaan u walwalsanaa, sababtoo ah laptop-kayga iyo telefoonkeyga ayaa marwalba
Waxaa jira dad loo xiray isticmaalka xadka aan xadidneyn ee shirkadda Starlink
12-kii Maarso, wakaaladda wararka ee Mehr News Agency ayaa sheegtay in booliska Iiraan ay qabteen nin 37 jir ah oo lagu eedeeyay inuu sameeyay shabakad lagu iibiyo internet aan la sifayn oo Starlink ah.
Ku-xigeenka taliyaha booliska ee gobolka Fars ayaa sheegay in ninkan uu shabakad ka sameeyay dhowr gobol oo dalka ah si uu internet-ka u iibiyo.
Isticmaalka Starlink gudaha Iiraan wuxuu keeni karaa xabsi ilaa laba sano, waxaana la sheegay in maamulka ay raadinayaan saxannada Starlink si ay u joojiyaan dadka ku isticmaala internet-kan.
Afhayeenka dowladda Fatemeh Mohajerani ayaa 10-kii Maarso sheegtay in dowlad ahaan ay ka shaqaynayaan soo celinta internet-ka "kuwa awooda inay codka dalka gaarsiiyaan dunida."
Hadda, qiimaha internet-ka lagu iibinayo app-ka Telegram ayaa gaaraya qiyaastii $6 hal gigabyte, taas oo aad u qaali ah marka loo eego mushaharka uu qofkii qaato dalka Iiraan, kaas oo celcelis ahaan u dhexeeya $200 ilaa $300 bishii.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabaas Araghchi war uu Wareysi siinayey warbaahinta CBS bishaan 15-keeda ayaa waxaa la weydiiyey 'sida uu internet ku helay isaga, xilli dadka kale ee waddanka jooga aysan heli karin internet. waxa uu ku jawaabay 'Sababta oo ah waxa aan ahay codka dhammaan reer Iiraan, waxaana difaacayaa xuquuqdooda".
Marka laga soo tago saraakiisha dowlada, waxaa jirta tiro ka mid ah saxafiyiinta gudaha dalka oo heli kara "kaararka SIM-ka ", kuwaas oo siiya internet aan xadidnayn oo ay bixiyaan mas'uuliyiintu.
Dadka qaar ee caasimadda ayaa u sheegay BBC Persian in tan iyo bilowgii dagaalka, habeenkii ay maqlaan heeso iyo sugaan taageeraya hay'adda oo ku hadlaya sameecado, halka taageerayaasha sita calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay waddooyinka ku dhex wareegaan
BBC Persian waa laanya luqadda Faaris ee BBC News, waxaa ku xiran 24 milyan oo qof, kuwaas oo intooda badan ay degan yihiin dalka Iiraan, inkasta oo ay dowladdu xirtay laantan.
Farriimo digniin ah oo ka dhan ah mudaharaadyada
Ilaa hadda lama arag mudaharaadyo waaweyn oo ka dhan ah dowladda sida kuwii dhacay Janaayo.
Tan iyo markii dagaalku bilowday 28-kii Febraayo, dowladda ayaa abaabushay isu-soobaxyo taageero u ah nidaamka, iyadoo taageerayaasha ku boorrisay inay isku soo baxaan si ay uga hortagaan waxa ay ku tilmaamtay isku dayo lagu wiiqayo dalka.
BBC Persian waxay aragtay fariin qoraal ah oo 13-kii Maarso ay dirtay waaxda sirdoonka ee dowaladd, taas oo ka digaysa mudaharaadyo cusub.
Farrinta ayaa u qorneyd sidaan "Cadowga sharta wada wuxuu mar kale doonayaa inuu cabsi iyo fawdo ka abuuro waddooyinka. Dharbaaxo ka adag tii 8-da Janaayo ayaa sugaysa neo-ISIS."
Labadii habeen ee ugu dhiigga badnaa mudaharaadyadii Iran waxay ahaayeen 8 iyo 9 Janaayo ee sanadkaan.
Taliyaha booliska Iiraan Axmad Reza Radan ayaa 10-kii Maarso sheegay in qof kasta oo isku daya "falal ka dhan ah dowladda isagoo amar ka qaadanaya cadowga" aan loo tixgelin doonin banaanbaxe, balse loo arki doono cadow.
Farriinta Netanyahu ee shacabka Iiraan, 8-dii Maarso, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa fariin toos ah u diray shacabka Iiraan isagoo ku booriyay inay ka hor yimaadaan dowladda.













