Dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iran ma wuxuu horseedi karaa dagaalka saddexaad ee adduunka?

Qiiq ka baxaya meel shidaalka lagu keydiyo Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa waxa ay wargeysyada ka qoreen dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah iyo Iran iyo saameynta uu yeeshay.

Wargeyska The Times, waxaa lagu daabacay maqaal falanqeynaya cawaaqibka dagaalka iyo waxa uu sababi karo. Wargeyska kale ee The Washington Post waxaa lagu daabacay maqaal ra'yi ah oo u arkayay dagaalka Iran in uu yahay "dabin dal awood leh". Ugu dambayntii, wargeyska Guardian waxaa lagu daabacay maqaal kale oo u arkayey dagaalka Iran in uu yahay "dagaal aan laga bixi karin" oo horseedi kara kharash badan.

Waxaan ku billaabeynaa maqaal uu wargeyska The Times ku qoray taariikhyahanka Niall Ferguson kaas oo cinwaankiisu ahaa "Dagaalka ma waxa uu la mid yahay kii gacanka? Mise waa bilowga dagaalka saddexaad ee adduunka?"

Si qoraagu uu uga jawaabo su'aashaas waxa uu soo bandhigay toban su'aal oo dheeraad ah, kuwaas oo uu ku falanqeynayo dagaalka hadda socda iyo hadduu noqon doono mid ka mid ah colaadaha Bariga Dhexe ama uu horseedi karo dagaalkii saddexaad ee adduunka.

Tobanka su'aalood

Qoraaga oo ka jawaabayay tobanka su'aalood waxa uu ka hadlay mudada uu soconayo dagaalka iyo falcelinta isagoo xiganaya wasiirka difaaca Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo sheegay, "Wuxuu noqon karaa afar usbuuc, laakin wuu dheeraan karaa". Wuxuu kaloo soo xiganayaa warbixin soo baxday usbuucii tagay oo muujinaysa in Pentagon-ku ay aaminsan yihiin in dagaalku socon karo ilaa bisha Sebtembar.

Qoraagu wuxuu ka hadlay taariikhda dagaaladii ka dhacay gobolka kuwaas oo socday sannado, sida dagaalkii labaad ee gacanka, iyo qalalaasihii ku dhacay suuqa saliida ee caalamka, iyo dagaalkii oktoobar 1973-dii, kaas oo socday kow iyo toban maalmood oo kaliya, laakin sidoo kale horseeday saameyn dhaqaale oo weyn.

Wuxuu intaas ku daray, haddii Marinka Hurmuz uu xirnaado in ka badan labo usbuuc, waxay keeni kartaa arrin la mid ah wixii dhacay 70-meeyadii markaas oo carqalad ay ku timid shidaalkii adduunka.

Qoraagu wuxuu ka hadlay saameynta dagaalka uu ku yeeshay in ka badan 12 dal oo gobolka ah. Israa'iil waxay weerareysaa Xisbulah-da Lubnaan. Saldhigyada militeri ee Britain ee ku yeel Cyprus waa la beegsaday. Ciraaq, maleeshiyo taageersan Iran ayaa bilowday qalalaase. Sidoo kale waxaa la weeraray Azerbaijan. Waxaa la sugayaa in Xutiyiintu soo galaan dagaalka.

Dhaqaalaha Maraykanka oo dhibaatooyin la kulmay dhammadkii sannadkii hore, haddii dagaalku sii socdo dhawr usbuuc oo dheeri ah, kor u kaca qiimaha saliida wuxuu keenaya sicir-barar.

Qoraagu wuxuu ku soo gabagabeeyay in waxa dhacaya aysan ahayn dagaal, laakin uu aaminsan yahay in ay noqon karaan "dagaalkii ugu ballaarnaa ee abid ka dhaca Gacanka".

Aqalka Cad ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warbixin uu ku qoray wageyska Washington Post, Fareed Zakaria, ayuu cinwaan uga dhigay "Dabin uu si fudud ugu dhacay Mareykanka". Qoraaga wuxuu sheegay in go'aanka madaxweyne Donald Trump uu ugu laabtay Bariga Dhexe uu na xusuusinayo qaladkii istaraatiijiga ahaa ee horseeday burburkii boqortooyadii Britain horraantii qarnigii 20-aad.

Zakaria wuxuu xusay in "saamigii boqortooyada UK ee GDP-ga adduunka 1870-kii uu ahaa ku dhawaad 25 boqolkiiba, oo si qiyaas ahaan u dhigma saamiga Maraykanka uu maanta haysto iyo in London oo ahayd caasimaddii maaliyadeed ee adduunka. Laakin London waxa ay ku mashquulsanayd qalalaase aan dhammaad lahayn oo ka dhacayay meelo fogfog oo adduunka ah, oo inta badan ay ku baxaysay kharash aad u badan.

Tusaalaha ugu fiican waa caburintii kacdoonkii Ciraaq ee 1920-kii, taas oo ay ku baxay kharash badan iyo in ka badan 100,000 oo askari oo Ingiriis iyo Hindi ah.

Intii ay Britain la dagaallamayeen qabiilooyinka Bariga Dhexe iyo Afrika, Maraykanka waxa uu dhanka kale ee badweynta Atlantik si aamusan u dhisayay dhaqaalihii warshadaha ee ugu horumarsanaa adduunka. Waqti kaddib, natiijadu waxay noqotay burburkii Britain oo aheyd awood weyn.

Qoraagu wuxuu isbarbar dhigayaa wixii Britain ku dhacay wakhtigaas iyo waxa hadda Maraykanku sameynayo.

Qoraagu wuxuu ku soo gabogabeeyay maqaalkiisa, "Quwadaha waa weyn kuma burburaan in ciidamo shisheeye ku soo duullaan balse waxay ku bururaan fidinta awoodooda iyo dayacaada waxa muhiimka u ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka

Xigashada Sawirka, US Navy via Getty Images

Peter Beaumont oo ah qoraa u dhashay Mareykanka ayaa wargeyska Guardian ku qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay, "Sidee dagaalka Iran u noqon karaa mid kharash badan ku baxa oo dhib badan?"

Beaumont wuxuu kaga jawaabay su'aashiisa "Marxaladda hadda la joogo, dagaalka ka dhanka ah Iran wuxuu noqday tijaabada labo dhinac oo kordhineysa dagaalka.

Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in madaxweyne Trump iyo raysalwasare Netanyahu ay ay illaa hadda ku guuldareysteen in ay gaaraan ujeeddooyinkooda istaraatiijiga ah ee aan caddayn ee is bedbeddelaya. Inkastoo la dilay Cali Khamenei iyo hoggaamiyayaal badan, hadana nidaamka Iran weli waa sidiisi.

Qoraagu wuxuu sheegay in qorshaha Iran uu yahay "fidinta dagaalka" taas oo muddo dheer ay isu diyaarineysay Iran. Ujeedka wuxuu ahaa in dagaalka la balaariyo iyadoo la weerarayo dalalka khaliijka iyo in la kordhiyo kharaska Washington iyo dhaqaalaha adduunka

Qoraaga wuxuu maqaalkiisa ku soo gabogabeeyay isagoo xiganaya hadal uu hore u sheegay Robert Kaplan oo ah khabiir Mareykan ah oo ku taqasusay arrimaha dibadda kaas oo sheegay in dagalka uu si tartiibtartiib ah u kordhi karo. Tusaale ahaan, dagaal sokeeye ayaa qarxi kara, wuxuuna maamulka Trump ku khasbanaanayaa in uu u diro ciidamo gaar ah iyo la taliyayaal si ay hal dhinac u caawiyaan. "Dagaalka Veitnam wuxuu qaatay sanado… xaaladda Iran taas ayey la mid noqon kartaa".