Faahfaahinta xabbad joojinta labada todobaad ah ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan, muddadaas oo gaadiidka maraakiibta loo ogolaan doono marinka Hormuz.
Tani waxay ku soo beegantay in ka badan hal bil ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerarro xiriir ah ku qaadeen Iiraan, saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay "xadaarad dhan ayaa dhiman doonta caawa" haddii Iiraan aysan dib u furin marin biyoodka.
Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo dhexdhexaadinayey wada xaajoodyada, ayaa sheegay goor hore oo Arbacada ah in xabbad joojinta ay si degdeg ah u dhaqan gashay.
Haddaba ilaa hadda maxaan ka ognahay heshiiska?
Maxay Maraykanka iyo Iiraan ka yiraahdeen?
Trump ayaa sheegay inuu aqbalay "in la hakiyo duqeynta iyo weerarka Iiraan muddo laba toddobaad ah" haddii Tehran ay ogolaato inay dib u furto marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta shidaalka iyo dibad wax u dhoofinta kale ee Khaliijka.
Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social, Trump waxa uu ku sheegay in uu aqbalay xabad joojinta ku meel gaarka ah sababta oo ah "waxa aanu horay u gaarnay oo aanu dhaafnay dhamaan ujeedooyinkii militariga ee aan lahayn".
Tani waxay timid ka dib markii uu hore uga digay in Maraykanku uu Iiraan duqeynayo "hal habeen" iyo in "xadaarad dhan ay dhiman doonto caawa, oo aan dib loo soo celin doonin", hanjabaadahaas oo soo jiidatay madaxa Qaramada Midoobay iyo Pope-ka masiixiyiinta.
Iiraan ayaa ogolaatay in maraakiibta ay maraan marin biyoodka Hormuz muddo laba todobaad ah, iyadoo maristooda ay isku dubarideen ciidamada Iiraan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa kale oo uu waddanku soo saaray qorshe ka kooban 10 qodob, oo ay ka mid yihiin, in gebi ahaanba la joojiyo dagaalka Iiraan, Ciraaq, Lubnaan iyo Yemen; "go'aan buuxa" in cunaqabateynta laga qaado Iiraan; sii daynta lacagaha Iiraan iyo hantida la xayiray ee uu haysto Maraykanka; iyo "bixinta buuxda ee magdhowga kharashka dib u dhiska" ee Iiraan.
Waxa kale oo uu sheegayaa, "Iiraan waxaa si buuxda uga go'an in aanay raadin wax hub ah oo nukliyeer ah".
"Guusha Iiraan ay ka gaartay dagaalka ayaa sidoo kale lagu xoojin doonaa wada xaajoodyada siyaasadeed" Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Tehran ayaa bayaan ku sheegay.
Sida uu sheegay Shariif, xabad joojinta ayaa sidoo kale ka dhaqan gali doonta dalka Lubnaan, halkaasoo Israa'iil ay sheegtay inay kula dagaalamaysay kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.
Hoggaanka Israa'iil ayaa sheegay in aysan ka bixi doonin Lubnaan ilaa laga saaro halista Xisbullah.
Ma jirto wax astaan ah oo ka soo baxday Israa'iil oo ku aaddan in ay ogolaatay in ay joojiso howlgallada ay ka waddo Lubnaan iyo meelo kale.
Xigashada Sawirka, Reuters
Israa'iil maxay ka tiri?
Dhawaaqa digniinta bixiya ayaa laga maqlay Israa'iil wax yar ka dib markii uu Trump ku dhawaaqay inuu ogolaaday xabbad joojinta, iyadoo ciidamada difaaca Israa'iil ay sheegeen inay ka hortagayaan gantaallo laga soo tuuray Iiraan.
Dhawr qarax oo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada Quddus xilliyadii dambe ee habeenimadii Talaadada.
Dhowr saacadood ka dib xabbad joojinta uu ku dhawaaqay Trump ayaa Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu yiri: "Israa'iil waxay taageersan tahay go'aanka madaxweyne Trump ee uu ku hakiyay duqeymaha ka dhanka ah Iiraan muddo laba toddobaad ah waa in Iiraan ay si degdeg ah u furto marin biyoodka, ayna joojiso dhammaan weerarrada ka dhanka ah Mareykanka, Israa'iil iyo dalalka gobolka".
Warku waxa uu intaa ku daray in xabbad joojinta aanay ku jirin Lubnaan, halkaas oo Israa'iil ay ka joogaan ciidammada lugta.
Ma cadda sida uu Netanyahu ugu lug lahaa go'aan qaadashada Trump.
Maxaa xiga?
Pakistan oo dhexdhexaadinaysay wada xaajoodyada ayaa ku martiqaaday wufuudda dhinacyada inay ku kulmaan Islamabad Jimcaha "si ay uga sii wada xaajoodaan heshiis dhammaystiran oo lagu dhammeeyo dhammaan khilaafaadka".
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa qirtay wadahadalada socda ee ku saabsan wadahadalada gaarka ah, laakiin waxay tiri "wax kama dambeys ah ma jiraan ilaa uu ku dhawaaqo Madaxweynaha ama Aqalka Cad".
Nooc kasta oo ay qaataan, wada xaajoodyadu waxay noqon doonaan kuwo aad u adag.
Durbadiiba, labada dal waxay u muuqdaan kuwo mawqifyo iska soo horjeeda kala taagan, kuwaasoo ku saabsan waxa xabbad-joojintu ka dhalanayso. Waxayna Iiraan iyo Maraykanku yeesheen laba wareeg oo wadahadal ah sannadkii la soo dhaafay. Labada jeerba waxa la arkayay xiisadda ciidan ee ka sii daraysa xilli bartanka looga jiray wada xaajoodka.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo