Maxay Afrika ugu baahan tahay Khariidad cusub?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afrika waa qaarada labaad ee ugu weyn aduunka, marka laga yimaado Aasiya waxayna ku fadhidaa 30.37 milyan oo kiilo mitir laba jibaaran.
Si kastaba ha ahaatee, Khariidadda Mercator-ka, Afrika waxa ay u muuqataa in ay le'eg tahay baaxadda Greenland, oo ah dhul uu mar damci jiray Donald Trump, haddana waxa ay ka yar tahay 2.5 milyan oo KM oo isku wareeg ah.
Si ka fog xaqiiqada, xogtaan aan saxda ahayn ee baaxadda dhabta ah ee qaaradda Afrika ayaa saameyn ku leh sida ay dadku u arkaan qaaradda.
Tani waa aragtida AU, oo taageeraysa ololaha "Sax Maabka", kaas oo ku baaqaya in Afrika si sax ah loogu muujiyo khariidadaha.
Iyadoo AU ay u xilsaartay inay taageerto ololaha, Togo waxay hadda ku boorin doontaa waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay isticmaalaan khariidad muujinaysa cabbirka dhabta ah ee qaaradda Afrika.
Togo ayaa hogaamineysa 'dagaalka'
Togo waxa ay doonaysaa in ay ku boorriso wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay la yimaadaan khariidad muujinaysa cabbirka dhabta ah ee qaaradda Afrika oo ay iska tuuraan khariidadda Mercator-ka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Togo.
"Baaxadda Afrika ee khariidadda adduunku maaha mid sax ah, waxaanan doonaynaa run cilmiyaysan," ayuu yiri Robert Dussey, wasiirka arrimaha dibadda ee Togo.
Horaantii sanadkan, Midowga Afrika (AU) waxa uu ansixiyay qaraar lagu horumarinayo khariidaynta oo loogu magac daray "Mashruuca Dhulka loo siman yahay" waxa uuna ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah in ay ka tanaasulaan mashruuca Mercator-ka.
"Caqabadda ururkan hortaagan ayaa ah in la hubiyo in Qaraarkan uu aqbalo Qarammada Midoobay oo uu beddelo khariidadda. Waddamada Afrika ayaa horay u taageeray mashruucan."
Dussey waxa uu ku adkaysanayaa in la diyaarinayey qabyo qoraal ah iyo in codayntu ka dhacdo shirka guud ee Qaramada Midoobay ee soo socda Sebtembar 2026.
Midowga Afrika ayaa ku amray Togo 7-dii bishan April inay Qaraarka u gudbiyaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mataalad aan sax ahayn oo ah qariidadda Afrika
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka dhaleeceeya waxay yiraahdeen khariidadeynta mashruuca Mercator, ee ka dhigaysa Greenland inay la ekaato cabbirka Afrika halka ay dhab ahaantii Afrika 14 jeer ka weyn tahay, waxay xoojineysaa aragtida Afrika ee ah inay tahay mid ka fog xaqiiqda.
Xaaladdani waxay sidoo kale saamaysaa hadallada lagu arko warbaahinta, waxbarashada iyo xitaa dhinacyada siyaasadda.
Si loo saxo qalloocaa Afrika ee khariidadaha, Midowga Afrika waxa ay ku biireen ololaha "Maabka Saxda ah" ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro isticmaalka saadaasha Mercator-ka.
Ololahan oo ay hogaaminayaan ururada Africa No Filter and Speak Up Africa, ayaa ku baaqaya in la qaato saadaasha dhul siman ee 2018, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu muujiyo tirada dhabta ah ee wadamada Afrika.
"Matalaad sax ah ma aha oo kaliya qariiradda, waxay taabanaysaa xorriyadda, horumarka iyo rabitaanka in la hubiyo in dunidu u aragto Afrika sida ay tahay," ayuu yiri Moky Makura, oo ah agaasimaha fulinta ee Africa No Filter, oo wareysi siiyay Reuters.
Khariidad ay tahay in la illoobo
Khariidadda saadaasha Mercator ayaa weli si weyn loo isticmaalaa, gaar ahaan xarumaha waxbarashada iyo shirkadaha tignoolajiyada ee adduunka.
Midowga Afrika ayaa taageeray olole loogu talagalay in lagu soo afjaro adeegsiga khariidadda adduunka ee saadaasha Mercator ee qarnigii 16-aad, oo ay fulinayeen dowlado iyo hay'ado caalami ah, taas beddelkeedana la isticmaalo khariidad si sax ah u muujineysa cabbirka Afrika.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo