Sidee saxaraha looga dhigi karaa dhul doog leh?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Marka aan ka fikirno lamadegaanka, waxaa maskaxda ku soo dhacaya sawirro dhul ballaaran oo Saxare ah. Laakiin dhab ahaantii, saxarahu waxay yeeshaan qaabab kala duwan, oo leh noocyo kala duwan oo dhir, xayawaan, iyo nolosha aadanaha ah.

Qaahira, caasimadda Masar, waa magaalada ugu weyn adduunka ee saxara ah ee ay ku nool yihiin, in ka badan 23 milyan oo qof.

Laakin guud ahaan saxaraha ayaa ah deegaan aad u qalalan oo biyo la'aantu ay ku adkeyneyso nooleyaal badan in ay koraan.

Saxaraha ayaa ku fidaya aduunka. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad hal milyan oo kilomitir oo dhul ah ayaa la xaalufiyaa sannad kasta. Marka dhul beereedku sii yaraanayo, suurtogal ma tahay in biyo laga dhaliyo iyo siyaabo aan caadi ahayn oo saxaraha loogu beddelo meelo dhirtu ka bixi karto?

Badalista jawiga cimilada

"Lama degaanku waxa ay abuurmaan marka dhul dabiici ah oo caws ama dhir leh uu si tartiib tartiib ah u engego ka dibna isu beddelo saxare," ayuu yiri Yan Li, oo ah borofisar juquraafiga ka dhiga jaamacadda Beijing Normal University ee dalka Shiinaha.

Sannadihii 1970-aadkii, saynisyahan Joel Charney wuxuu ogaaday in hawlaha bani'aadamku ay door weyn ku leeyihiin habkan.

"Marka ay xayawaanku bataan, dhammaantood waxay cunaan cawska, markaa cawska wuu baaba'aa, dhulkuna wuxuu noqdaa mid qaawan ama qallalan," Mr Lee ayaa u sheegay barnaamijka Crowd Science ee BBC.

Marka tani dhacdo, milicsiga dhulka ayaa isbeddela, sababtoo ah daruur la'aan, dhulku aad ayuu u iftiimaa oo ka tarjumayaa iftiin badan oo qorrax ah.

Marka dhulku soo saaro kulayl halkii uu ka nuugi lahaa, hawada sare ee ka sarreeysaa aad uma kululaato, taasoo la micno ah in qoyaanku yaraado oo ay daruuraha samaysmaan, taas oo meesha ka dhigaysa mid engegan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daruuro dabis

Waxa inta badan loo tixgaliyo meesha ugu qallalan ee dhulka, sida lamadegaanka Atacama ee Chile, waxa jira tignoolajiyada biyaha ka soo saarta hawada.

"Dabista daruuraha waxay ka bilaabatay Chile 50 sano ka hor," ayay tiri Virginia Carter, kaaliyaha borofisar ee jaamacadda Universidad Mayor ee Chile. "Fikradu waa in biyo laga helo daruuraha saxaraha."

Ka soo ururinta biyaha daruuraha waa mid aad u fudud. Shabag ayaa laga laalaadiyaa tiirar dhexdooda, marka daruuro qoyaan ka buuxo ay maraan shabaggaan dushiisa, ayaa dhibco biyo ah samaysmaan. Biyahan ayaa markaa la kaydiyaa oo lagu qaadaa tubooyin.

Carter wuxuu sheegay in waqooyiga Chile, celcelis ahaan, qiyaastii laba litir oo biyo ah laga heli karo halkii mitir labajibbaar maalintii, halka meelaha kale qaarkood, qaddarkani uu gaaro ilaa todobo litir.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma tahay in sidaan la sameeyo?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Aragti ahaan, waxaan saxaraha u rogi karnaa cagaar annagoo nadiifinayna biyaha badda, soo sasabayna daruuraha, ama xitaa beddelayna cimilada saxaraha.

Laakiin saxaraha sidoo kale ma xuma. "Saxaruhu waa sifada dabiiciga ah ee Dhulka," Lee ayaa yiri. "Haddii saxarahu xasiloon yahay, way fiican tahay, waan uga tagi karnaa sidiisa."

"Intii aan isku dayi lahayn in aan saxaraha cagaarino ama aan biyo u keeno, waxaan qabaa in aan ilaalino nolosha halkaas ka jirta," ayay tiri Xenia Gonzales Carranza, saynisyahan dhir oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee UK.

Waxay sheegtay in cagaarka saxaraha ah laga yaabo in mustaqbalka fog ay waxyeelo u geysato deegaanka iyo dadka ku nool.

"Hadii aan ku abuurno dhir, waxa laga yaabaa in muddo ah in miro fiican soo go'aan, laakiin waxa ay ku imanaysaa kharash badan oo biyo in la keeno kamid tahay, waxa aanu aragnay in haddii biyo badan lagu shubo dalagyada, bulshooyinka dega meelaha ku dhaw ayaa biyo la'aan la silcaya" ayay ku dartay.