Xulufada Mareykanka oo ku gacan-seyray codsi ka yimid Trump oo ku aadan Iiran
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay dalal kala duwan inay maraakiib u diraan marin biyoodka Hormuz si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga loona hubiyo loona sugo amnigooda maraakiibta shidaalka ee caalamka. Si kastaba ha ahaatee, jawaabaha uu helay ayaa u muuqda kuwo aan si buuxda u taageerayn.
Trump ayaa Sabtidii qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, kaga codsaday UK, shiinaha, Fransiiska, Japan, Kuuriyada Koonfureed, iyo dalal kale inay maraakiib u diraan marinka.
Markii dambe, wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times habeenkii Axadda, Trump ayaa hadalkiisa sii adkeeyay isagoo sheegay in haddii aan la sugin amniga maraakiibta "ay si weyn u dhaawici doonto mustaqbalka gaashaanbuurta NATO."
Xigashada Sawirka, Reuters
Jawaabaha dalalka ay ka bixiyeen
Ingiriiska:
Intii lagu jiray shir jaraa'id subaxnimadii Isniinta, Ra'iisul Wasaaraha Keir Starmer ayaa sheegay in UK ay la shaqaynayso xulafadeeda si loo helo qorshe suurtagal ah oo dib loogu furo marin biyoodka Hormuz, balse wuxuu ku adkaystay in tani aysan noqon doonin hawlgal ay hoggaaminayso NATO.
Keir Starmer ayaa sheegay in UK aan logu soo jiidi doonin "dagaal ballaaran" oo ku dhan ah Iran, wuxuuna "la shaqeynayaa xulafada" qorshe macquul ah oo dib loogu furayo marin biyoodka Hormuz.
Jarmalka:
Wasiirka difaaca Boris Pistorius ayaa diiday dalabka Trump, isagoo yiri: "Tani ma aha dagaalkeenna, annaguna ma aanan bilaabin."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Johann Wadephul ayaa sheegay in uusan u arkin door ay Nato ku leedahay wax ka qabashada go'doominta marinka Hormuz.
"Ma arko in Nato ay go'aan ka qaadatay dhinacan ama ay qaadi karto mas'uuliyadda marin biyoodka Hormuz. Haddii ay taasi dhacdo, markaa hay'adaha Nato ayaa si habboon wax uga qaban lahaa," ayuu yiri.
Waxa uu hadalkan jeediyay ka hor shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ay ku yeelanayaan Brussels.
Wadephul ayaa sheegay in inkasta oo ay xaalad kacsanaan ah ka jirto Bariga Dhexe, Ukraine ay weli sii ahaanayso mudnaanta amniga ee Yurub. Marka qiimaha Shidaalka iyo gaaska kor u kaco, ayuu yiri, waxay ka qayb qaadanaysaa xabadka dagaalka ee Ruushka. Wuxuu sheegay in fududeynta cunaqabateynta ay tahay waddo qaldan
Kuuriyada Koonfureed:
Xafiiska madaxtooyada Koonfurta Kuuriya ayaa Axaddii sheegay in dalku "si dhow ula xiriiri doono Mareykanka arrintan, go'aankana la gaari doono ka dib qiimeyn taxaddar leh marka la smaeeyo."
Japan:
Wasiirka difaaca Shinjiro Koizumi ayaa Isniintii u sheegay baarlamaanka Japan: "Xaaladda hadda ka jirta Iran, hadda ma tixgelinayno inaan bilowno hawlgal amni oo badeed."
Australia:
Xubin ka tirsan golaha wasiirrada Catherine King ayaa sidoo kale meesha ka saartay in Australia ay maraakiib u dirto marinka, wareysi ay siisay warbaahinta qaranka Isniintii.
Shiinaha:
Afhayeen u hadlay safaaradda China ee Washington, D.C. ma uusan caddeyn in Beijing aqbali doonto codsiga Trump, balse wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay masuuliyad ka saaran tahay hubinta amniga shidaalka oo xasilloon oo aan kala go' lahayn.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay ka tiri gaashaanbuurta NATO?
Sarkaal ka tirsan NATO ayaa sheegay in "xulafadu ay horey u kordhiyeen tallaabooyinka amniga ee badda Mediterranean-ka."
Tani waxay ka dambeysay hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sheegay inuu la hadlayo "qiyaastii toddobo dal" si ay uga qayb qaataan "ilaalinta" marin biyoodka Hormuz, oo ah marin badeed aad muhiim ugu ah maraakiibta qaada shidaalka.
Hadda, sarkaalka NATO ayaa yiri: "Waxaan ognahay in xulafada qaar ay la hadlayaan Mareykanka iyo dalal kale si loo arko waxa kale oo ay qaban karaan, oo ay ku jirto dhinaca sugidda amniga marinka Hormuz."
Isku dayga xulafada oo muujinaya in aan xal degdeg ah loo helayn qalalaasaha Iran ee Trump
Labadii muddo xileed ee uu talada Mareykanka hayey, Donald Trump marna kama labalabayn inuu dhaliilo – mararka qaarna uu weerar afka ah ku qaado xulafada Washington ee NATO.
Laakiin soo jeedintiisii ugu dambaysay ee uu mugdiga ku gelieyey mustaqbalka Gaashaan Buurta NATO haddii aysan kala qaybgelin furista marin-badeedka Hormuz, waxay muujinaysaa fahamkiisa ku saabsan ujeeddada isbahaysiga oo muddaba shaki gadaamnaa.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo