Shakiga laga qabay nabadda Gaza oo sii xoogeysanaya iyadoo dareenku u weecday Iiraan

Ku dhawaad lix bilood ka dib markii xabad joojin nugul ay ka dhaqan gashay Gaza, Falastiiniyiinta ku sugan dhulkan dagaalku ka socdo ayaa weli la dhibaatoonaya.
Suuqyada, waxaa mar kale ka jira gabaabsi badeecooyinka qaar ah iyo kor u kaca qiimaha - iyadoo ganacsatadu ay sheegeen in sahaydii laga keenay Israa'iil uu carqaladeeyay dagaalka cusub ee gobolka.
"Dagaalka Iiraan iyo Israa'iil maxaa inaga quseeya, qiimuhu wuu labalaabmay halkan, badeecadu sidii hore uma soo degto," ayuu yiri Xasan Faqawi oo wax iibsanayay, isagoo rajo beel ah. "Xaaladdan oo kale, adduunka oo dhan wuxuu diiradda saarayaa Iiraan, Ameerika iyo Israa'iil, Gazana waa la ilaaway."
Iyadoo dareenka caalamku uu u soo jeestay dagaalka Iiraan, waxaa sii kordhaya hubanti la'aanta ku saabsan waxa Gaza ka dhacaya marxalad muhiim ah oo ka mid ah qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ee madaxweyne Trump, kaas oo joojiyay dagaalkii bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Dhinaca Golaha Nabadda ee uu Maraykanku hoggaamiyo, Nickolay Mladenov, ayaa dejiyay qorshe faahfaahsan oo kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ah ay hubka ku dhigayaan - taas oo xiriirineysa u hoggaansanaanta bilawga dib-u-dhiska.
Laakiin sarkaal Falastiini ah oo la socda arrimaha Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in ay u badan tahay in Xamaas, oo weerarkii Oktoobar 2023 ay ku qaadday Israa'iil uu dagaalka kiciyay, ay diidi doonto soo jeedinta. Taasi waxay kor u qaadaysaa rajada ah in uu dib ugu soo laabto weerar milatari oo buuxa oo uu la galo ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo dalbanaya in Xamaas ay hubka ka dhigto "hab fudud ama mid adag."

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Roobab xooggan oo da'ayay toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa sababay in hababka bulaacadaha ay buux dhaafiyaan xeryaha teendhooyinka ah ee ay dadku ku badan yihiin.
In kasta oo qorshaha Trump uu ballan qaaday in si degdeg ah dib loogu bilaabi doono "gargaarka buuxa" ee Gaza, iyadoo la dayactirayo kaabayaasha muhiimka ah - biyaha, bulaacada iyo korontada - iyo sidoo kale qalabka loo baahan yahay si loo nadiifiyo burburka, haddana hay'adaha bani'aadamnimada ayaa sheegaya in loo baahan yahay in wax badan la qabto. Qalabka dib u dhiska ayaan wali Israa'iil u ogolaanin in uu gudaha soo galo, sababo la xiriira in Xamaas ay u isticmaali karto in ay ku dhisto tunnelada iyo hub.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxa aad ogtihiin in dadaal badan aan ku bixinay wadaxaaajoodka sidii marinada dib loogu furi lahaa ama dhowr liitar oo shidaal ah. Markaa, horumarka dhanka soo kabashada waa mid xadidan ama ku dhawaad ma jiro, runtii," Bushra Khalidi, Hogaanka Siyaasadda Oxfam, oo fadhigeedu yahay Ramallah ayaa sidaasi sheegtay.
"Ma aragno qashin- ballaaran oo la qaadayo, ma aragno dayactir ku habboon kaabayaasha dhulka hoostiisa, welina ma jirto meel u dhow shidaal ku filan oo lagu socodsiiyo nidaamyada tamarta. Markaa, tani waa badbaadada aasaasiga ah ee Gaza."
Warbixin ay siisay BBC, Cogat, oo ah hay'adda ciidamada Israa'iil ee mas'uulka ka ah maamulidda marinada ayaa beenisay inay jirto gargaar la'aan, waxayna ku eedeeyeen Xamaas inay ka faa'iidaysato kheyraadka.
In kasta oo ay xabbad-joojin dhacday, haddana duqaymaha cirka ee Israa'iil ee Gaza ayaa sii socday. Tira Falastiini ah - oo ay ku jiraan carruur - ayaa la dilay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan dhamaadkii bishii Febraayo. Israa'iil ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayso Xamaas, iyadoo dadka dhintay ay ka mid yihiin taliyayaasha garabkeeda millatari iyo saraakiil booliis ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo Xamaas ay si cad u soo dhaweysay sameynta guddigga cusub oo ka kooban 15 xubnood oo ah guddiga farsamada ee falastiiniyiinta – oo ah hay'ad siyaasadeed oo si ku meel gaar ah u maamulaysa Gaza – waxayna ballan qaadeen inay maamulka ku wareejinayaan, haddana waxaa jira calaamado muujinaya in kooxdu ay dib u soo celinayso awooddeeda.
Ilo-wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha Xamaas ay dib u habayn ku samaysay hay'adda fulinta, iyadoo la magacaabay agaasimayaal cusub oo boolis ah, iyadoo la sameeyay xarumo ku meel gaar ah iyo goobo dadka lagu hayo, iyadoo la howlgeliyay ciidamo cusub roondo sameeyo.
Dhanka kale, ganacsatada iyo dukaanleyda ayaa ka cabanaya in Xamaas ay canshuur culus ku soo rogtay badeecadaha iyo adeegyada – taas oo sare u qaaday qiimaha Gaza.
Dadka reer Gaza ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin xaaladda.
"Nasiib darro, ma jirto cid hadda gacanta ku haysa Gaza marka laga reebo Xamaas," ayay tiri Hanaa oo barakacday. "Ilaahay waxa aanu ka baryaynaa in d uu keeno, gudigga qarankuna ay yimaadaan oo gacanta ku dhigaan Gaza".

Xigashada Sawirka, EPA
Ka dib xaflad saxiix heer sare ah oo lagu soo bandhigayay Guddiga Nabadda ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos bishii Janaayo iyo kulan bishii hore ka dhacay Washington kaas oo $ 7bn (£ 5.3bn; 6.5bn euros) loogu yaboohay dib u dhiska Gaza, faallooyinka qaar ayaa soo jeedinaya in geeddi-socodka xabbad joojinta uu hadda u muuqdo mid xayiran.
"Weli waxaa jira kalsooni darro badan oo ku saabsan in barnaamijkani uu dhab ahaantii hore u socon karo," ayuu yiri Amjad Ciraaq, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah. "Waxaa jira cadaadis badan oo saaran Xamaas si ay u aqbasho, oo ay ku jiraan dhexdhexaadiyeyaasha iyadoo dareenkooda ku wajahay Iiraan."
Qasa, dagaalka istaagay ayaa siisay muuqaal rajooyin badan oo suurtagal ah haddii riixitaanka nabadda lagu guuleysto. Laakin dib u dhacyada sii socda ayaa la macno ah in dad badan oo Falastiiniyiin ah ay aad uga walaacsan yihiin rajada qorshaha Trump, iyaga oo ka baqaya in uu burburo iyadoo indhaha caalamku ay meelo kale diiradda saarayaan.












