Sawirrada ugu mudnaa Afrika oo toddobaadkan la qaaday

Sawirro xul ah oo qayba ka mid ah waddamada qaaraddan Afrika laga soo qaaday halkan kaga bogo:

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Wiil yar oo wajiga ciid iska mariyey xilli uu ku ciyaarayey Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sawirkan oo talaadadi la qaaday ayaa muujinaya nin ka ganacsada Liin mcaanta oo suuq ka mid ah caasimadda Tuunis ee dalka Tuuniisya khudaartiisa ku soo bandhigay.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dukaan ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira ee dalka Masar oo leyrar midabba leh lagu qurxiyey taasoo milkiilaha dukaanaka uu ugu dabbaaldagayo curashada bisha barakeysan ee Ramadhaan.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Haween muslimiin ah oo ku nool caasimadda Harare ee dalka Zimbabwe oo ku sugan masaajid

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Nin keligii salaad ku tukanaya masaajidka Nizaamiye ee ku yaalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Madaxweyne Idiris Deby oo iisu soo bax ka dhigay caasimadda N'djamene maalin un ka hor inta ay cod bixinta doorashada billaabmin. Madaxweyne Deby ayaa afgambi militari ku qabsaday xilka sanadka marka uu ahaa 1990 isaga oo haatan u taagan marki lixaad in xilka loo doorto.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Carruur Arbacadi sawir ku soo bandhigay bartamaha magaalada Nairobi iyaga oo gudbinaya farriin la xiriirta saameynta ka dhalan karta isbeddelka cimilada.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Laba carruur ah oo huwan calanka dalka Algeria oo ka qaybqaadanaya mudaharaad dowladda looga soo horjeeda oo Sabitidii marayey mid mka mid ah waddooyinka magaalada Algers.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawirkan oo Taaadadi la qaaday ayaa muujinaya qof isku dayaya deyr kala qaybiya Afrika iyo Yurub inuu ka boodo.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mid ka mid agabka haraadiga ee lagu dhaqan jiray oo laga helay magaala hore oo baaba'day.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waa sawir muujinaya magaala qadiimah oo qodaal ku soo saareen Khubaro baarto waxyaabaha qadiimiga ah oo u dhashay dalka Masar..

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nin dhalinyara ah oo badda ku dabaalanayey oo ay biya ka da'ayaan, sawirka oo Arbacadi lagu qaaaday Cape Verde

Sawirrada dhammaantood waxay leeyihiin Xuquuqda Sawirka.