Coronavirus: Sawirradii ugu soo jiidashada badnaa todobaadkan

Sawirro saaemyn leh oo laga soo xulay dunida daafeheeda toddobaadkan iyadoo dadku ay ka falcelinayaan faafidda coronavirus.

Xigashada Sawirka, Rungroj Yongrit / EPA-EFE

Qoraalka sawirka, Kal-kaaliso caruurta markaasi dhalatay u xireyso qalabka difaaca wajiga ee ka hor tagga coronavirus iyadoo ku sugan isbitaalka Princ ee Thailand.

Xigashada Sawirka, Roman Pilipey / EPA-EFE

Qoraalka sawirka, Dad xiran maskaraatiga afka lagu duubto oo ka shaqeeynaya shikadda gawaarida sameysa ee Honda

Xigashada Sawirka, Mussa Qawasma / Reuters

Qoraalka sawirka, Waxay usoo baxeen iney mada-daaliyaan caruurta Falastiiniyiinta ee guryaha ugu jira cabsida laga qabo xanuunka Corona awgeed

Xigashada Sawirka, Henry Nicholls / Reuters

Qoraalka sawirka, Farriin qoraal ah oo lagu dhajiyay Xarunta CHURCHIL, taas oo ah ''Si dhakhsiya u soo caafimaad'' Farriinta ayaa la daabacay ka dib markii raysal wadsaaraha UK Boris Johnson loo gudbiyay xarunta lagula tacaallo dadka uu aadka u soo ritay fayraska Corona.

Xigashada Sawirka, Francisco Macias / Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaraabada dadkii ku le'day magaalada Guayaquil oo ah magaalada uu aadka u saameeyay dalkaasi Ecuador.

Xigashada Sawirka, Anthony Devlin / Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilaa 24 milyan oo qof ayaa daawaneysay markii boqoradda Ingiriiska Elizabeth II ay qaranka khudbad u jeedineysay.

Xigashada Sawirka, Willy Kurniawan / Reuters

Qoraalka sawirka, Waa iftiinka ka soo baxaya qolalka hoteelka Bogor, Indonesia, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu dhiirageliyo shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya xanuunka Covid-19.