Coronavirus: Sawirrada daafaha caalamka ee toddobaadka

Xigashada Sawirka, Carlos Barria / Reuters

Qoraalka sawirka, Kalkaaliyeyaashii caafimaad ee ugu horreeyay ee u gurmanaya dad loo hayo sida hargab oo kale oo saarnaa Markab, kuwaas oo laga dejiyay xeebta Costa Favolosa iyo Costa Magica, ee xaabaha gobollada Miami iyo Florida ee Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Mohamed Abd El Ghany / Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka ku safraya tareen buux dhaafay oo ku socda qadka duleedka Qaahira, saacado ka hor intuusan dhaqangelin bandowga la xiriira faafidda coronavirus ee Masar.

Xigashada Sawirka, Amanda Perobelli / Reuters

Qoraalka sawirka, Alice, oo shan sano jir ah, oo qaadeysa buugaagta ay iyada dhulka ku tuurtay ka dib markii ay dhameysatay casharkeeda maalinlaha ah ee guriga ay ku qaadato ee Santo Andre, Brazil. Sida malaayiin kale oo carruur ah, ma awooddo in ay iskuulka aado, sababo la xiriira coronavirus.

Xigashada Sawirka, Owen Humphreys / PA

Qoraalka sawirka, Shimbir afka ku haysta kalluun yar, taas oo soo baxday maalintii ugu horreysay ee UK si rasmi ah uga baxday qaboobaha.

Xigashada Sawirka, Paul Faith / AFP

Qoraalka sawirka, Shaqaale xiran marada difaaca wejiga taas oo dharka difaaca caafimaad u toleysa shaqaalaha caafimaadka ee Waqooyiga Ireland.

Xigashada Sawirka, Marco De Swart / EPA

Qoraalka sawirka, Kees Trouw oo leh beer baradho oo ku sugan mid ka mid ah baqaaradiisa ee Hellevoetsluis, Netherlands. Sababo la xiriira dhibaatada Corona, lama oga in baradhadan suuq loo heli doono iyo in kale.

Xigashada Sawirka, Christopher Furlong / Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka oo iska qoraxeysanaya iyagoo sidoo kale dhowraya kala fogaanshaha, kuwaas oo ku sugan xeebta Blackpool ee England.

Xigashada Sawirka, Mohammed Saber / EPA

Qoraalka sawirka, Falanstiiniyiin xiran maryaha difaaca wejiga oo socda dukaan dharka iyo maryahaas lagu iibiyo hortiisa ee magaalada Qaza.

Dhammaan muuqaalladan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho sida ku cad.