Weerarkii Kenya : Sawirrada weerarkii hoteelka Dusit

Weerarkii maleeshiyaad laga shakisan yahay ay ku qaadeen hoteel ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa la soo afjaray, iyadoo dhammaan dadkii weerarka soo qaadya la dilay, kaddib howlgal socday ku dhowaan 20 saacadood.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Saraakiisha ayaa sheegay in 14 qof lagu dilay weerarkii dhismaha Dusit, balse Red Cross ayaa sheegtay in khasaraaha dhimashada uu intaas ka badan yahay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaraabada dadkii geeriyooday oo muraara dillaacsan xilli ay soo arkeen meydadka ehalladooda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kaamirada ammaanka oo duubtay weerar yahannada oo sii galaya dhismaha Talaadadii

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxay bambo ku tuureen gawaarida gudaha ku jiray kahor inta aysan gudaha hoteelka gelin

Xigashada Sawirka, Ronald Grant

Qoraalka sawirka, Ciidammada ammaanka ayaa saacado gudahood ku soo badbaadiyay rayid ku xayirnaa dhismaha

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaale badan ayaa isku soo xiray gudaha xafiisyadooda, halka kuwo kalena si nabad ah looga soo saaray

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ururka fadhigooda yahay Soomaaliya ee al-Shabab ayaa sheegay inay weerarka fuliyeen

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Howlgalka ayaa socday ilaa habeenkii, iyadoo rayid badan oo meesha ku xayirnaa la soo badbaadiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wararka ayaa sheegaya in weerarka la soo afjaray fiidnimadii Talaadada, iyadoo Arabacadii ciidammo loo diray dhismaha si ay u soo ajaraan howlgalka inta harsan