Sawirro: Amiir William iyo booqashadiisii Bariga Dhexe

Amiirka boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho ku joogo waddamada Bariga Dhexe ee Urdun, Israa'iil iyo Falastiin.

Amiir William ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan qoyska boqortooyada oo booqasho rasmi ah uu ku taga Bariga Dhexe .

Maalintii Talaadada , Amiir William wuxuu tagay magaalada Quddus, wuxuuna la kulmay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo marwada kowaad.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William ,Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo marwada kowaad.

Amiirka ayaa sidoo kale booqday xarunta Yad Vashem ee ku taalla Qudus ,wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu xusayey yuhuud gaaraysa 6 milyan oo ay dileen Naasiyiinta.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William ,Madaxa Yad Vashem, Avner Shalev

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey yuhuud gaaraysa 6 milyan oo ay dileen Naasiyiinta.

Isniintii, Amiir William iyo dhaxal sugaha Jordan amiir Xusseen Bin Cabdullaahi ayaa booqday xarun ciidan oo uu Ingiriiska taakuleeyo.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William iyo dhaxal sugaha Urdun, amiir Xuseen Bin Cabdullaah

Waxay sidoo kale booqdeen xarunta Dar Namah , oo saldhig u ah ururka ay aasaastay amiirad Taghrid si ay shaqo abuur ugu sameyso gabdhaha agoomaha ah marka ay gaaraan 18 sano.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xarunta Dar Namah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir Wlliam oo booqday xarunta tababarka iyo hormarinta ee ay madaxda ka tahay amiirad Taghrid

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo booqday Jaamacadda Luminus ee Amman

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo la kulmaya ardayda Jaamacadda

Amiiradda ayaa Amiir William geysay magaalada qadiimiga ee Jerash.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo booqanaya magaalada qadiimiga ee Jerash

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiiir William iyo Dhaxal sugaha Jordan Xuseen oo booqanaya magaalada qadiimiga ee Jerash

Xilligii uu booqanayey Jerash ,waxa uu halkaas ku arkay sawir qadiimi ah ee amiirad Catherine iyo aabaheed oo halkaas fasax u tagay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiir William, iyo sawirka amiirad Catherine

Amiirka ayaa sidoo kale sawir la galay carruur u dhalatayay dalka Suuriya iyo kuwa u dhashay Urdun.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiirka ayaa sidoo kale sawir la qaatay carruur u dhashay dalka Suuriya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo ku dhex jira carruur ku sugan Jerash.

Amiir William ayaa Axaddii tagay Urdun, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Marka dhaxal sugaha Urdun.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Marka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiir William oo uu soo dhaweeyey dhaxal sugaha Jordan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo booqday hay'adda uu madaxa u yahay dhaxal sugaha Urdun

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir William oo ku sugan Cammaan, Urdun.

Amiir William ayaa sidoo kale booqday qaybaha waxbarashada, oo ku sugnaa safaaradda Ingiriiska.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Safiirka Ingiriiska Jordan u fadhiya Edward Oakden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiirka oo la kulmay qaybo ka mid ah waaxda waxbarashada

Amiirka ayaa sidoo kale halkaasi ku daawaday ciyaartii dhexmartay Ingiriiska iyo Panama ee tartanka ciyaaraha koobka adduunka maalintii Axadda ahayd.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiirka oo daawanaya ciyaartii dhexmartay Panama iyo Ingiriiska