Turkiga oo basaasay mucaarad Jarmalka jooga
Xigashada Sawirka, EPA
Dacwad oogaha dowladda dhexe ee Jarmalka ayaa furay baaritaan ku saabsan tuhun ah in sirdoonka Turkigu ay basaaseen muwaadiniin Turki ah oo ku nool dalka Jarmalka.
Tan ayaa ka danbeysey markii Turkigu u gudbiyey liis ay ku qoran yihiin magacyada dad uu Turkigu uga shakiyey in ay taageeraan wadaadka Fatxullaah Gulaan oo Ankara ku eedeysey in uu ka danbeeyey afganbigii ee dicisoobey sanadkii aynu soo dhaafney.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka ayaa sheegey in ay sirdoonka Turkigu basaaseen Turkiyiinta degan Jarmalka arrintaasina tahay denbi aanay dowladiisu u dulqaadan karin.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}