You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kenya oo ciidamadeeda kala bexeyso Suudaanta Koofureed
Dowladda Kenya ayaa sheegeysa inay ciidamadeeda kala soo bexeyso dalka Suudaanta Koofureed.
Arrintani waxay daba socotaa, taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta oo Kenya u dhashay ayaa shaqada laga ceyriyay.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in shaqa ka fariisinta Janaraal Johnson Mogoa Kimani Ondieki, aysan lahayn daahfurnaan iyo cadaalad.
Taliyahaasi waxaa Talaadadii shaqada ka ceyriyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey.
Shaqada in laga tiro waxay ka dhalatay baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in ciidamada nabad ilaalinta ay diideen inay caawiyaan dad rayid ahaa oo ku sugnaa duleedka dhismo gargaar.
Shacabkaasi ayaa bishii July weerar kala kulmay ciidamada dowladda Suudaanta Koofureed, sida warbixinta lagu xusay.
Kenya waxay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta Suudaanta Koofureed.