Muslimiinta oo bilaabay acmaasha Xajka
Xigashada Sawirka, EPA
Dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo ruux oo Muslimiin ah ayaa isugu tagay dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.
Xujayda ayaa hadda ku sugan magaalada Maka oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.
Gawaraadi ayaa laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira labo kiiloo mitir.
Booliiska ayaa Xujayda meelo kala duwan ku waydiinaya aqoonsiyadooda.
In kabadan labo kun oo ruux ayaa ku dhimatay xajkii sanadkii hore kaddib markii ay is buurteen.
Dadkaas badankoodu waxay ka soo jeedeen Iiraan, Tehraanna waxay Sacuudiga ku eedaysay in ay si xun u maamushay Xaramka waxayna dadkooda u diideen in ay aadaan Xajka sanadkan.
Sacuudigu waxuu Iiraan ku eedeey in ay siyaasadaynayso arrimaha Xajka.
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, EPA
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo