Dhulgariir ka dhacay Talyaaniga oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof
Xigashada Sawirka, AFP
Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay bartamaha Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof, 368 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.
Dhulgariirka ayaa cabirkiisu yahay 6.2. Meeshii uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u dhawayd magaalada Norcia oo u dhow Perugia.
Dhismayaal ayaa dumay maeelo badan iyadoo dad badan ay la la' yahay.
Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana in loo gurmanayo hal hal.
Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan waqtiga dalxiiska.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Routers
Xigashada Sawirka, ITALIAN FIRE BRIGADE
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo