Hoos u dhac ku yimid ganacsiga Shiinaha bishii July, ayaa sii badiyay walaac laga qabo ganacsiga adduunka
Xigashada Sawirka, AFP
Wax dhoofinta Shiinaha ayaa hoos u sii dhacay bishii July, iyadoo kordhisay walaac laga qabo dhaqaalaha adduunka.
Dhoofinta Shiinaha ayaa hoos u dhacday 4.4%, iyadoo sanad ka hor ay hoos u dhacaday 4.8% bishii June, taasoo ah mid ka hoosaysa sidii la saadaalinayay.
Alaabada dibadda laga soo iibsado ayaa sidoo kale hoos uga dhacday sidii la saadaalinayay, iyadoo hoos u dhacday 12.5%.
Iyadoo Shiinaha uu muhiim u yahay kororka dhaqaalaha adduunka, xogta ayaa loo arkaa sia uu u ekaan doono dhaqaalaha adduunka.
Dhoofka Shiinaha ayaa hoos u dhacay 12 bilood ee 13-kii bilood ee la soo dhaafay.
Hubaal la'aanta dhaqaalaha adduunka ee ka timid hoos u dhac ku yimid qayraadka dabiiciga, dhibaatada ammaahda lagu leeyahay waddamada Yurub iyo ka bixitaanta Uk ee Midowga Yurub ayaa saamaynaysa dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha adduunka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo