Tiro yar oo maraakiib ah ayaa ka gudbaya marin biyoodka Hormuz

Xigashada Sawirka, Reuters
Shan iyo toban markab ayaa maray Marinka Hormuz tan iyo markii la shaaciyey xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee u dhexeysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan fiidnimadii Talaadada, sida ku cad xogta laga helay mareegta la socodka maraakiibta ee MarineTraffic.
Celceliska maraakiibta maalin kasta mari jirtay marinka ka hor inta uusan dagaalku bilaaban wuxuu ahaa 140 markab.
Maraakiibta dhowaan maray waxaa ka mid ahaa afar kuwa qaada shidaal, gaas ama kiimikooyin, halka inta kale ay ahaayeen maraakiib xamuul oo noocyo kala duwan ah.
Inkastoo heshiiska xabbad-joojintu uu dammaanad qaaday “marin ammaan ah” oo loo maro mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan adduunka, Iiraan ayaa uga digtay maraakiibta ku sugan aagga in la beegsan doono lana burburin doono haddii ay isku dayaan inay maraan iyaga oo aan fasax haysan.
Xiritaanka aan tooska ahayn ee Iiraan ku samaysay marinka kadib bilowgii dagaalka shan toddobaad ka hor ayaa sababay in ku dhowaad 800 markab ay ku xayirmaan Gacanka, badankoodna ay wadaan xamuul, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha maraakiibta ee Lloyd’s List.



















