TOOS, Trump oo cambaareeyey sida ay Iiraan u maareeneyso Marinka Hormuz.

Tan iyo markii la gaaray heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Iiraan si dhammeystiran uma aysan furin Marinka, iyada oo sabab uga dhigtay duqeymaha ay Israa'iil ka waddo Lubnaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Tiro yar oo maraakiib ah ayaa ka gudbaya marin biyoodka Hormuz

    Hurmuz waa marin mashquul badan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hurmuz waa marin mashquul badan

    Shan iyo toban markab ayaa maray Marinka Hormuz tan iyo markii la shaaciyey xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee u dhexeysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan fiidnimadii Talaadada, sida ku cad xogta laga helay mareegta la socodka maraakiibta ee MarineTraffic.

    Celceliska maraakiibta maalin kasta mari jirtay marinka ka hor inta uusan dagaalku bilaaban wuxuu ahaa 140 markab.

    Maraakiibta dhowaan maray waxaa ka mid ahaa afar kuwa qaada shidaal, gaas ama kiimikooyin, halka inta kale ay ahaayeen maraakiib xamuul oo noocyo kala duwan ah.

    Inkastoo heshiiska xabbad-joojintu uu dammaanad qaaday “marin ammaan ah” oo loo maro mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan adduunka, Iiraan ayaa uga digtay maraakiibta ku sugan aagga in la beegsan doono lana burburin doono haddii ay isku dayaan inay maraan iyaga oo aan fasax haysan.

    Xiritaanka aan tooska ahayn ee Iiraan ku samaysay marinka kadib bilowgii dagaalka shan toddobaad ka hor ayaa sababay in ku dhowaad 800 markab ay ku xayirmaan Gacanka, badankoodna ay wadaan xamuul, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha maraakiibta ee Lloyd’s List.

  2. Iran: Duqaymaha Israa'iil ee Lubnaan waa 'xadgudub aad u weyn' -

    Iiraan ayaa si cad u sheegtay inay aaminsan tahay in Lubnaan ay ku jirtay heshiiska xabbad-joojinta ee labada toddobaad ee lala galay Maraykanka — arrin oo ay Washington iyo Israa’iil dood ka qabaan.

    Khamiistii, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh, ayaa u sheegay BBC in weerarrada sii socda ee Israa’iil ku hayso Lubnaan ay yihiin “jebin culus” oo heshiiska ah.

    Ugu yaraan 303 qof ayaa lagu dilay Arbacadii duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday waxa Israa’iil ku sheegtay xarumaha taliska iyo goobaha milatari ee Xisbullah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

    Khatibzadeh ayaa u sheegay barnaamijka Today ee Radio 4 in Maraykanku uu dooran karo “dagaal ama xabbad-joojin”, isla markaana uusan “isku mar wada heli karin laba arrimood oo iska soo horjeeda.”

  3. Islamabad oo sugaysa inay yimaadaan wufuud Maraykan iyo Iran

    Islamabad, tammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Islamabad, tammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay

    Diyaargarowga wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa weli socda inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in labada dhinac ay jebiyeen shuruudihii xabbad-joojinta ee lagu heshiiyey Talaadadii.

    Pakistan oo martigalinaysa wadahadalada, ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay dhici doonaan Sabtida, balse waxay ka digtay in farqiga u dhexeeya mowqifyada labada dhinac ay yihiin kuwa aad u kala fog.

    Iiraan waxay ku adkeysanaysaa in heshiiska xabbad-joojinta ay qeyb ka tahay Lubnaan, sida lagu sheegay markii hore ee la shaacinayay heshiiska.

    Waxay sidoo kale diidan tahay inay si buuxda u furto Marinka Hormuz, taas oo ka careysiisay Madaxweyne Trump.

    Qodobada ugu muhiimsan ee ay tahay Labada dhinac inay tanaasul ka sameeyaan ayaa waxaa ka mid ah kobcinta nukliyeerka, qaadista cunaqabateynta, magdhowga dagaalka, iyo taageerada Iiraan ee u fidiso kooxaha gobolka.

  4. Ismaaciil Cumar Gelle oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Jabuuti

    Waxaa maanta loo dareeray doorashada madaxxtinimo ee dalka Jabuuti.

    Madaxweyna xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, uu doonayo inuu markii lixaad tartamo.

    In ka badan 250,000 oo qof ayaa isu diiwaangeliyey inay u codeeyaan doorashada , iyadoo tirada guud ee dadka ku nool dadka lagu qiyaasayyo hal milyan.

    Waxaa kale oo kula tartamaya murashaxa xisbiga CDU Maxamed Faarax Samatar.

    Sawirada hoose ka eeg musharixiinta oo codkooda dhiibanaya.

    .
    .
    .
    .
    .
    .
  5. Muxuu yahay qoraalka Israa’iil ku saabsanaa ee ay Pakistan ka saartay barteeda X

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa tirtiray ama saartay qoraal uu Khamiistii ku daabacay akoonkiisa X ee horey loo oran jiray Twitter, kaas oo uu ku tilmaamay Israa'iil inay "shar iyo habaar ku tahay aadanaha," isagoo ku tilmaamay "dowlad kansar ah" oo geysata waxa uu ugu yeeray "xasuuq ka dhaca Lubnaan" isla markaana "dad aan waxba galabsan" ku dishay Gaza iyo Iiraan, sida uu kuyiri qoraalka.

    Qoraalkan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey Israa'iil.

    Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa qoraalkaas ku tilmaamay mid burburinaya Israa'iil, isagoo ku tilmaamay "kicin."

    Xafiiska ayaa yiri in "hadal noocaas ah aan loogu dulqaadan karin dowlad kasta, gaar ahaan mid sheeganaysa inay dhexdhexaad ka tahay raadinta nabadda".

    Dadka Israa'iil waxay aaminsan yihiin in waxa lagu sheegay jagada wasiirka Bakistaan ​​ay shaki gelinayso awoodda uu waddankiisu u leeyahay inuu dhexdhexaadiyo Mareykanka iyo Iiraan.

    Sidoo kale akhri:

  6. Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ka dibna baxsaday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday "waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka", xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka.

    Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka - sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka.

    Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.

    Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.

    Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsaday.

    Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska.

  7. Iiraan oo war ka soo saartay maraakiibta Mareykanka ee maraya marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saeed Khatibzadeh, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in maraakiibta Mareykanka ay mari karaan marin biyoodka Hormuz "ilaa iyo inta aysan si cadowtinimo ah u dhaqmin"

    Khatibzadeh ayaa warbaahinta Iiraan u sheegay in "Marinka Hormuz uu furan yahay, laakiin maraakiibtu waa inay la shaqeeyaan ciidamada Iiraan sababo la xiriira xaddidaad farsam oo jirta.

    Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa yiri: "Waxaan hubin doonnaa inay si ammaan ah u maraan maraakiibta"

    Si ka duwan hadallada saraakiisha Iiraan, wararka ka imanaya Gacanka Hormuz ayaa tilmaamaya in maraakiib yar ay soo mareen tan iyo heshiiskii xabad joojinta ee labada toddobaad socday ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka.

    Xalay, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku qoray bartiisa Truth Social: "Iiraan waxay qabanaysaa shaqo aad u liidata” Tani ma aha waxa aan ku heshiinay !"

    • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay "shaqo aad u liidata qabanayso" iyadoo u oggolaanaysa shidaalku inuu maro marin biyoodka Hormuz, isagoo qoray: “taasi ma aha heshiiskii aan gaarnay"
    • Trump waxaa kale oo uu yiri: "Waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay lacago ka qaadayso maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz", wuxuuna ka digay in tani ay "haatan ka wanaagsan tahay in la joojiyo"

    Sidoo kae akhri:

  8. Asalka iyo awoodda millitari ee Xisbullah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.

    Xisbullah waxa ay hubkeeda keydsatay dhamaadkii dagaalka sokeeye si ay ula dagaallanto ciidamada Israa’iil ee qabsaday koonfurta Shiicada. Sanado dagaal ah kadib Israa’iil waxa ay baxday 2000.

    Xisbullah ayaa sanadkii 2006-dii soo bandhigtay horumarkeeda ciidan, xilli uu socday dagaal shan toddobaad socday oo ay kula jirtay Israa’iil, kaasoo qarxay kadib markii ay u tallaabeen xadka dhulka ay Israa’iil heystay, oo ay ka qafaasheen laba askari, qaar kalena ku dileen. Dagaalkan ayaa waxa ku dhintay 1,200 oo qof oo u badan rayid kuna sugnaa gudaha Lubnaan iyo 158 Israa’iiliyiin ah oo u badnaa askar. Xizbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Israa'iil.

    Awooddeeda millatari ayaa kor kacday kadib markii 2012-kii ay Suuriya u dirtay ciidamo si ay uga caawiso madaxweyne Bashar al-Assad la dagaallanka inta badan fallaagada Sunniga ah.

    Xisbullah waxa ay ku faantaa gantaallada saxda ah oo ay sheegtay in ay ku garaaci karto dhammaan qaybaha Israel. Sanadkii 2021-kii, hoggaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa sheegay in kooxdu ay leedahay 100,000 oo dagaalyahanno ah.

    Iran waxay siisaa Xisbullah hub iyo lacag. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in Iran ay u qoondaysay boqollaal milyan oo doollar sanad kasta, waliba sannadihii u dambeeyay.

    Dhaqdhaqaaqa gobolka

    Xizbullah waxa ay xiriir qoto dheer la leedahay kooxaha kale ee ay Iran taageerto ee ku nool gobolka, oo ay ku jiraan kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islaamiyiinta Jihaad doonka ah. Markii uu dhacay weerarkii Sabtidii, Xisbullah waxay sheegtay inay "xiriir toos ah la leedahay hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta".

    Ururka Xisbullah ayaa Ciraaq ku tababaray kooxo ay taageerto Iran, waxaana ay ka qeyb qaataan dagaallada.

    Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xisbullah ay sidoo kale ka dagaallameen garabka taageerada Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la’ah Iran. Xizbullah waa ay beenisay arintaas.

  9. Xisbullah oo sheegtay inay weerartay askar Israa’iiliyiin ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen ciidan Israa'iil ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan subaxnimadii Jimcaha maanta ah.

    Kooxda ayaa sheegtay inay "tiro gantaallo ah" ku weerartay ciidamada Israa'iil iyagoo ku sugnaa meel u dhow magaalada Al-Khimah, ee Nabatieh, abbaare 05:50 wakhtiga geeska Afrika.

    Israa'iil weli kama hadlin arrintan.

    Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa'iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas'uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay - duqeymo cusub oo dhex maray Israa'iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.

    Raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan", saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.

    Sidoo kae akhri:

  10. "Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo gabar iyada la mid ah"

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Justin McLeod, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, wuxuu la hadlay Barnaamijka The Boss ee BBC-da ka baxa. Justin waa aasaasaha iyo madaxa fulinta App-ka haasaawaha ee Hinge.

    Markii uu ka soo kabsanayay isticmaalka maandooriyaha, Justin McLeod wuxuu aasaasay dejiyay barnaamijkiisii haasaawaha, waxay ahayd inuu noloshiisa ka caawiyo sidii uu uga adnaan lahaa niyad jabka.

    Shan sano kahor, macalinkiisii koleejka, oo ah haweeneydii uu u maleeyay in ay tahay jacaylka noloshiisa, waxay kaga tagtay dhibaato la xiriirta isticmaalka daroogada iyo khamriga.

    Wuxuu markii dambe u tegay gabadhii si uu dib ugu soo nooleeyo xiriirkooda. Wuxuu xilligaas ku guuleystay inuu gebi ahaanba iska daayo isticmaalka daroogada, balse wuxuu awoodi waayay inuu u sii noolaado si jacayl uu ku dheehan yahay.

    Muusan dooneyn inuu baararka aado, sababo la xiriirta balwadda khamriga ee uu qabatimay, wuxuu shaqo ka bilaabay Hinge sannadkii 2011-kii, isago ka raadsanaya jaceyl wanaagsan iyo lammaane cusub. Markaas wuxuu ahaa 27 sano jir, Wuxuuna Ganacsiga ka baranayay Jaamacadda Harvard, qeybta magaalada Boston.

    "Waan qalbi jabsanaa, waligeyna kuma fikirin in an heli doono qof iyada la mid ah," ayuu yiri. Laakiin, wuxuu mooday, inuu app-ka uu u yahay fursadda ugu fiican.

  11. Trump oo digniin soo saaray iyo Netanyahu oo ka hadlay xabad-joojinta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weerarada u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan ayaa sii socday habeennimadii xalay.

    Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaana dhaleeceeyay sida Iiraan u maareysay marin biyoodka Hormuz. Waa kan warbixin kooban oo ku saabsan waxyaabihii ugu dambeeyay ee dhacay.

    • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay "shaqo aad u liidata qabanayso" iyadoo u oggolaanaysa shidaalku inuu maro marin biyoodka Hormuz, isagoo qoray: “taasi ma aha heshiiskii aan gaarnay"
    • Trump waxaa kale oo uu yiri: "Waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay lacago ka qaadayso maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz", wuxuuna ka digay in tani ay "haatan ka wanaagsan tahay in la joojiyo"
    • Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sidoo kale ka hadlaywalwalkiisa sii kordhaya, isagoo la hadlay Trump, kaas oo xafiiska Downing Street u uku sheegay in hogaamiyeyaashu ay ka wada hadleen baahida loo qabo "qorshe wax ku ool ah oo marakiibta lagu marinayo" marin biyoodka Hormuz.
    • Iyadoo xabad joojintii u dhaxaysay Iiraan iyo Mareykanka ay sii socoto balse hubanti la'aan jirto, waxaa jira warar ka imanaya Kuwait oo sheegaya, in goob ay ku sugnaayeen ilaalada qaranka ay weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
    • Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa'iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas'uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay - duqeymo cusub oo dhex maray Israa'iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.
    • Raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan", saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.

    Sidoo kae akhri:

  12. Tahriibayaal geeriyooday iyagoo galaya dal Yurub ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay doon yar oo ay saarnaayeen iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Faransiiska una gudbaan Ingiriiska.

    Mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in 2 nin iyo 2 qof oo dumar ah ay ku dhinteen badda oo kacsanayd aawgeed.

    Dalalka ay ka soo jeedaan dadka dhintay lama oga, laakiin qiyaastii 40 qof oo kale oo muhaajiriin ah ayaa lagu dabiibayaa goobta.

    Si kastaba ha ahaatee, doontu waxay sii wadatay safarkeeda iyadoo ay saarnaayeen ilaa soddon qof oo kale.

    Ilaa hadda sanadkan, shan kun oo qof ayaa si guul leh uga gudbay Ingiriiska iyagoo maraya waddadan halista ah ee isku Faraansiiska looga gudbo Ingiriiska.

    Sidoo kale akhri:

  13. Iiraan iyo Sacuudiga oo markii ugu horeysay wada hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa markii ugu horreysay khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Cabbas Araqchi, tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

    Tani waa tallaabadii ugu horreysay ee xiriirka tooska ah ee labada dal ee khilaafkan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, ayaa boggeeda internetka ku sheegtay in labada wasiir ay ka wada hadleen horumarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka, isla markaana ay sahmiyeen siyaabaha lagu yareyn karo xiisadaha iyo dib u soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

    Sidoo kae akhri:

  14. Dagaalka Iiraan: Maxay Cumaan uga duwaneyd deriskeeda Carabta?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Arbacadii, horaantii Maarso, safaaradda Iran ee ku taalla South Africa ayaa ku qortay barta X:

    "Iiraan iyo Cuman oo keliya ayaa go'aamin doona mustaqbalka marinka Hormuz."

    Inta badan dalalka xubnaha ka ah goalaha iskaashiga Khaliijlka ayaa qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Iiraan ka dib dagaalka ay Mareykanka iyo Israel la galeen Iiraan, balse Cuman ayaa noqotay mid ka reeban.

    Dalkan, oo muddo dheer door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay una dhexeeya Mareykanka iyo Iran, ayaa sii wada dhexdhexaadnimadiisa xitaa inta uu socdo dagaalku.

    Halka dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha iskaashiga Khaliijka carabta ay qaateen mowqif adag oo hanjabaad leh oo ka dhan ah Iran, Cuman waxay ku dheggan tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ah "la saaxiib dhammaan, cadowna ha yeelan."

    Mowqifkan ayaa sababay in Cuman noqoto dalka ku yaalla Khaliijka ee ugu codka dheer ee dhaleeceeya ololaha ay wadaan Mareykanka iyo Israel, iyadoo ku tilmaantay "dagaal sharci-darro ah" isla markaana ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo.

    Sidoo kale, Cuman ayaa noqotay dalka kaliya ee ka tirsan golaha iskaashiga Khaliijka ee si cad u sheegay inuusan ka qayb qaadan doonin dagaalka.

    Sababtan awgeed, Cumaan ayaa weli ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ugu dambeeya ee lagu kalsoonaan karo ee gobolka Khaliijka si ay xabbad-joojin ula gaaraan Iran.

  15. Magafe Soomaalida tahriibin jiray oo la qabtay

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa shabakad malaayin dollar ku shaqaysa oo caalami ah, taasoo tan iyo sannadkii 2018 kumanaan qof ku hodday Liibiya halkaas oo ay rabeen inay Yurub uga sii gudbaan.

    Yetbarek Dawit ayaa lagu eedeeyay in uu ka howlgalayay shan meelood oo dadka lagu hayo oo ku yaalla Liibiya, isagoo jirdil u geysan jiray muhaajiriinta halkaas ku sugan si ay isugu dayaan in ay qaraabadooda ugu qasbaan in ay lacago dheeraad ah u diraan.

    Waxaa lala xiray sagaal ka mid ah dadka lagu eedeeyay in uu kala shaqeynayay waqooyiga magaalada Shire, sida ay booliisku sheegeen. Ilaa iyo hadda laguma soo oogin dacwad maxkamadeed.

    Booliiska ayaa sheegay in marqaatiyada la uruuriyay ilaa hadda ay muujinayaan in shabakadu ay ku lug leedahay dhimashada in ka badan 100 qof iyo xadgudubyo galmo oo loo geystay in ka badan 50 haween ah.

    Xariga ayaa ka dhashay baaritaan adag oo xuduudaha ka gudubsan sida ay booliisku sheegeen, oo ay ku lug leeyihiin hay'ad lagu magacaabo Regional Operational Centre (Rock) taasoo loo sameeyay in ay wax ka qabato shabakadaha wax tahriibiya ee Bariga Afrika oo uu maalgeliyo Midowga Yurub.

  16. Ciidamada Islaamiga Iiraan oo iska fogeeyey in ay weerareyn waddamada dariska

    Iyaga oo kajawaabayo warbixinno sheegaya weerarro diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday qaar ka mid ah dalalka ku teedsan khaliijka saacadihii la soo dhaafay, Ilaalada Kacaanka waxay soo saareen bayaan ay ku sheegayaan inaysan ridin “wax gantaallo ah” tan iyo markii xabbad-joojintu bilaabatay.

    Bayaankan oo lagu daabacay saaka oo Jimce ah warbaahin ku dhow Ilaalada Kacaanka iyo warbaahinta gudaha Iiraan, ayaa lagu yiri: “Saacadihii la soo dhaafay, wakaalado warar oo kala duwan ayaa daabacay warbixinno ku saabsan weerarro diyaarado iyo gantaallo ah oo lagu qaaday xarumo ku yaalla dalal ka mid ah xeebaha koonfureed ee khaliijka. Waxaa halkan lagu caddeynayaa in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan aysan wax gantaallo ah ku ridin dal kasta inta lagu guda jiro saacadaha xabbad-joojinta ilaa waqtigan.”

    Kuwait sheegtay in mid ka mid ah saldhigyadeeda Ilaalada Qaranka lagu weeraray “diyaarado aan duuliye lahayn”.

    Dowladda Kuwait ayaa ku sheegtay baraha bulshada in weerarku sababay “khasaare hantiyeed oo weyn”, balse aysan jirin wax khasaare nafeed ah.

  17. Trump: "Iiraan ma sameeneyso heshiiskii aan lahayn"

    Trump wuxuu sheegay in habka Iiraan ay u maareeneyso saliidda marinkeeda Hormuz uusan ahayn 'heshiiskii ay la lahaayeen'.

    Qoraal uu bartiisa Social Truth kusoo qoray ayuu ku sheegay sidan "Iiraan waxay qabaneysaa shaqo aan dhihi lahaa mid aad u liidata,waxa ay ahayd inay u ogolaato Saliid inay marto marinka Hormuz." Wuxuu ku soo gabagabeeyay: "Taasi ma aha heshiiska aan lahayn"!

  18. War deg deg ah, Xisbullaah oo weli gantaallo ku garaaceysa caasimadda Israa'iil

    Tel Aviv ayaa la daaray buunka digniinta ee duqeymaha, iyadoo ciidamada Israa'iil ay sheegayaan in Xisbullaah ay weerar gantaal ku qaadeen.

    Sida ay Reuters qortay, iiyada oo soo xiganeysa ciidamada Difaaca Israa'iil, in laga dhawaajiyo kambaleelka waxaa keentay weerarkii gantaalka ee Xisbullah ay ku qaadday Israa'iil.

  19. War deg deg ah, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan oo dhaawac u geeriyooday

    .

    Xigashada Sawirka, TASNIM

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan Kamal Kharrazi, oo ku dhaawacmay duqeyn cirka ah dhowr maalmood ka hor ahayd ayaa u dhintay dhaawacyadii soo gaaray. Isaga iyo xaaskiisa waxaa bartilmaameedsaday duqeymo cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israa'iil toddobaadkii hore.

    Xaaska Mr. Kharrazi ayaa la dilay maalintaas, laakiin Mr. Kharrazi oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda Iiraan xilligii Madaxweyne Mohammad Khatami ayaa si xun u dhaawacmay, warka geeridiisana waxaa lagu dhawaaqay goor sii horreesay, iyadoo marka hore ay soo sheegeen qaraabada qoyska Kharrazi ka dibna warbaahinta ayaa si rasmi looga shaaciyey.

  20. War deg deg ah, Wafdigii wada-hadallada Iiraan u qaabilsanaa oo gaaray Islaamabaad

    Kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa gaartay Islamabad, caasimadda Pakistan, si ay wadahadallo toos ah ula yeeshaan wafdiga Mareykanka ee uu hoggaaminayo J.D. Vance, iyada oo la filayo in ay jimcaha ka furmaan halkaas

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ku dhawaaqday booqashada wafdiga ee Pakistan fiidnimadii Khamiista. Si kastaba ha ahaatee, Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamka, oo madax ka ah kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa ka digay in haddii weerarrada Israa'iil ee Lubnaan aysan joogsan, Tehran ay jebin doonto xabbad joojinta, wadahadalladuna ma noqon doonaan kuwo toos ah.