TOOS, Trump oo cambaareeyey sida ay Iiraan u maareeneyso Marinka Hormuz.
Tan iyo markii la gaaray heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Iiraan si dhammeystiran uma aysan furin Marinka, iyada oo sabab uga dhigtay duqeymaha ay Israa'iil ka waddo Lubnaan
Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ka dibna baxsaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday "waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka", xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka.
Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka - sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka.
Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.
Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.
Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsaday.
Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska.
Iiraan oo war ka soo saartay maraakiibta Mareykanka ee maraya marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saeed
Khatibzadeh, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in
maraakiibta Mareykanka ay mari karaan marin biyoodka Hormuz "ilaa iyo inta
aysan si cadowtinimo ah u dhaqmin"
Khatibzadeh
ayaa warbaahinta Iiraan u sheegay in "Marinka Hormuz uu furan yahay,
laakiin maraakiibtu waa inay la shaqeeyaan ciidamada Iiraan sababo la xiriira
xaddidaad farsam oo jirta.
Wasiir ku
xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa yiri: "Waxaan hubin doonnaa inay
si ammaan ah u maraan maraakiibta"
Si ka duwan
hadallada saraakiisha Iiraan, wararka ka imanaya Gacanka Hormuz ayaa tilmaamaya
in maraakiib yar ay soo mareen tan iyo heshiiskii xabad joojinta ee labada
toddobaad socday ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka.
Xalay, madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku qoray bartiisa Truth Social: "Iiraan
waxay qabanaysaa shaqo aad u liidata” Tani ma aha waxa aan ku heshiinay !"
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay "shaqo aad u liidata qabanayso" iyadoo u oggolaanaysa shidaalku inuu maro marin biyoodka Hormuz, isagoo qoray: “taasi ma aha heshiiskii aan gaarnay"
Trump waxaa kale oo uu yiri: "Waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay lacago ka qaadayso maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz", wuxuuna ka digay in tani ay "haatan ka wanaagsan tahay in la joojiyo"
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.
Xisbullah waxa ay hubkeeda keydsatay dhamaadkii dagaalka sokeeye si ay ula dagaallanto ciidamada Israa’iil ee qabsaday koonfurta Shiicada. Sanado dagaal ah kadib Israa’iil waxa ay baxday 2000.
Xisbullah ayaa sanadkii 2006-dii soo bandhigtay horumarkeeda ciidan, xilli uu socday dagaal shan toddobaad socday oo ay kula jirtay Israa’iil, kaasoo qarxay kadib markii ay u tallaabeen xadka dhulka ay Israa’iil heystay, oo ay ka qafaasheen laba askari, qaar kalena ku dileen. Dagaalkan ayaa waxa ku dhintay 1,200 oo qof oo u badan rayid kuna sugnaa gudaha Lubnaan iyo 158 Israa’iiliyiin ah oo u badnaa askar. Xizbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Israa'iil.
Awooddeeda millatari ayaa kor kacday kadib markii 2012-kii ay Suuriya u dirtay ciidamo si ay uga caawiso madaxweyne Bashar al-Assad la dagaallanka inta badan fallaagada Sunniga ah.
Xisbullah waxa ay ku faantaa gantaallada saxda ah oo ay sheegtay in ay ku garaaci karto dhammaan qaybaha Israel. Sanadkii 2021-kii, hoggaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa sheegay in kooxdu ay leedahay 100,000 oo dagaalyahanno ah.
Iran waxay siisaa Xisbullah hub iyo lacag. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in Iran ay u qoondaysay boqollaal milyan oo doollar sanad kasta, waliba sannadihii u dambeeyay.
Dhaqdhaqaaqa gobolka
Xizbullah waxa ay xiriir qoto dheer la leedahay kooxaha kale ee ay Iran taageerto ee ku nool gobolka, oo ay ku jiraan kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islaamiyiinta Jihaad doonka ah. Markii uu dhacay weerarkii Sabtidii, Xisbullah waxay sheegtay inay "xiriir toos ah la leedahay hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta".
Ururka Xisbullah ayaa Ciraaq ku tababaray kooxo ay taageerto Iran, waxaana ay ka qeyb qaataan dagaallada.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xisbullah ay sidoo kale ka dagaallameen garabka taageerada Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la’ah Iran. Xizbullah waa ay beenisay arintaas.
Kooxda
Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen
ciidan Israa'iil ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan subaxnimadii Jimcaha maanta
ah.
Kooxda ayaa
sheegtay inay "tiro gantaallo ah" ku weerartay ciidamada Israa'iil iyagoo
ku sugnaa meel u dhow magaalada Al-Khimah, ee Nabatieh, abbaare 05:50 wakhtiga
geeska Afrika.
Israa'iil weli
kama hadlin arrintan.
Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa'iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas'uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay - duqeymo cusub oo dhex maray Israa'iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.
Raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan", saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.
"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo gabar iyada la mid ah"
Xigashada Sawirka, Getty Images
Justin McLeod, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, wuxuu la hadlay Barnaamijka The Boss ee BBC-da ka baxa. Justin waa aasaasaha iyo madaxa fulinta App-ka haasaawaha ee Hinge.
Markii uu ka soo kabsanayay isticmaalka maandooriyaha, Justin McLeod wuxuu aasaasay dejiyay barnaamijkiisii haasaawaha, waxay ahayd inuu noloshiisa ka caawiyo sidii uu uga adnaan lahaa niyad jabka.
Shan sano kahor, macalinkiisii koleejka, oo ah haweeneydii uu u maleeyay in ay tahay jacaylka noloshiisa, waxay kaga tagtay dhibaato la xiriirta isticmaalka daroogada iyo khamriga.
Wuxuu markii dambe u tegay gabadhii si uu dib ugu soo nooleeyo xiriirkooda. Wuxuu xilligaas ku guuleystay inuu gebi ahaanba iska daayo isticmaalka daroogada, balse wuxuu awoodi waayay inuu u sii noolaado si jacayl uu ku dheehan yahay.
Muusan dooneyn inuu baararka aado, sababo la xiriirta balwadda khamriga ee uu qabatimay, wuxuu shaqo ka bilaabay Hinge sannadkii 2011-kii, isago ka raadsanaya jaceyl wanaagsan iyo lammaane cusub. Markaas wuxuu ahaa 27 sano jir, Wuxuuna Ganacsiga ka baranayay Jaamacadda Harvard, qeybta magaalada Boston.
"Waan qalbi jabsanaa, waligeyna kuma fikirin in an heli doono qof iyada la mid ah," ayuu yiri. Laakiin, wuxuu mooday, inuu app-ka uu u yahay fursadda ugu fiican.
Dhanka kale,
madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaana dhaleeceeyay sida Iiraan u
maareysay marin biyoodka Hormuz. Waa kan warbixin kooban oo ku saabsan waxyaabihii
ugu dambeeyay ee dhacay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay "shaqo aad u liidata
qabanayso" iyadoo u oggolaanaysa shidaalku inuu maro marin biyoodka
Hormuz, isagoo qoray: “taasi ma aha
heshiiskii aan gaarnay"
Trump waxaa kale oo uu yiri:
"Waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay lacago ka qaadayso maraakiibta
mara marin biyoodka Hormuz", wuxuuna ka digay in tani ay "haatan
ka wanaagsan tahay in la joojiyo"
Raysal Wasaaraha UK, Keir
Starmer, ayaa sidoo kale ka hadlaywalwalkiisa sii kordhaya, isagoo la
hadlay Trump, kaas oo xafiiska Downing Street u uku sheegay in
hogaamiyeyaashu ay ka wada hadleen baahida loo qabo "qorshe wax ku
ool ah oo marakiibta lagu marinayo" marin biyoodka Hormuz.
Iyadoo xabad joojintii u
dhaxaysay Iiraan iyo Mareykanka ay sii socoto balse hubanti la'aan jirto,
waxaa jira warar ka imanaya Kuwait oo sheegaya, in goob ay ku
sugnaayeen ilaalada qaranka ay weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
ee Drones-ka.
Xabad joojin ayaan weli lagu
heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa'iil ay
weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta,
mas'uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof
ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan
oo Arbacadii dhacay - duqeymo cusub oo dhex maray Israa'iil iyo Hezbollah
ayaa xalay sidoo kale dhacay.
Raysal wasaaraha Israa'iil,
Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad
joojin ah oo ka jirta Lubnaan", saacado ka dib markii uu sheegay in
dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin
Farhan Al Saud, ayaa markii ugu horreysay khadka taleefanka kula hadlay
dhiggiisa Iiraan, Cabbas Araqchi, tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan iyo
guud ahaan Bariga Dhexe.
Tani waa tallaabadii ugu horreysay ee xiriirka tooska ah
ee labada dal ee khilaafkan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, ayaa boggeeda
internetka ku sheegtay in labada wasiir ay ka wada hadleen horumarradii ugu
dambeeyay ee ka dhacay gobolka, isla markaana ay sahmiyeen siyaabaha lagu
yareyn karo xiisadaha iyo dib u soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Inta badan dalalka xubnaha ka ah goalaha iskaashiga Khaliijlka ayaa qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Iiraan ka dib dagaalka ay Mareykanka iyo Israel la galeen Iiraan, balse Cuman ayaa noqotay mid ka reeban.
Dalkan, oo muddo dheer door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay una dhexeeya Mareykanka iyo Iran, ayaa sii wada dhexdhexaadnimadiisa xitaa inta uu socdo dagaalku.
Halka dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha iskaashiga Khaliijka carabta ay qaateen mowqif adag oo hanjabaad leh oo ka dhan ah Iran, Cuman waxay ku dheggan tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ah "la saaxiib dhammaan, cadowna ha yeelan."
Mowqifkan ayaa sababay in Cuman noqoto dalka ku yaalla Khaliijka ee ugu codka dheer ee dhaleeceeya ololaha ay wadaan Mareykanka iyo Israel, iyadoo ku tilmaantay "dagaal sharci-darro ah" isla markaana ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo.
Sidoo kale, Cuman ayaa noqotay dalka kaliya ee ka tirsan golaha iskaashiga Khaliijka ee si cad u sheegay inuusan ka qayb qaadan doonin dagaalka.
Sababtan awgeed, Cumaan ayaa weli ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ugu dambeeya ee lagu kalsoonaan karo ee gobolka Khaliijka si ay xabbad-joojin ula gaaraan Iran.
Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub
dhexaad u ahaa shabakad malaayin dollar ku shaqaysa oo caalami ah, taasoo tan
iyo sannadkii 2018 kumanaan qof ku hodday Liibiya halkaas oo ay rabeen inay
Yurub uga sii gudbaan.
Yetbarek Dawit ayaa lagu eedeeyay in uu ka howlgalayay
shan meelood oo dadka lagu hayo oo ku yaalla Liibiya, isagoo jirdil u geysan
jiray muhaajiriinta halkaas ku sugan si ay isugu dayaan in ay qaraabadooda ugu
qasbaan in ay lacago dheeraad ah u diraan.
Waxaa lala xiray sagaal ka mid ah dadka lagu eedeeyay in
uu kala shaqeynayay waqooyiga magaalada Shire, sida ay booliisku sheegeen. Ilaa
iyo hadda laguma soo oogin dacwad maxkamadeed.
Booliiska ayaa sheegay in marqaatiyada la uruuriyay ilaa
hadda ay muujinayaan in shabakadu ay ku lug leedahay dhimashada in ka badan 100
qof iyo xadgudubyo galmo oo loo geystay in ka badan 50 haween ah.
Xariga ayaa ka dhashay baaritaan adag oo xuduudaha ka
gudubsan sida ay booliisku sheegeen, oo ay ku lug leeyihiin hay'ad lagu
magacaabo Regional Operational Centre (Rock) taasoo loo sameeyay in ay wax ka
qabato shabakadaha wax tahriibiya ee Bariga Afrika oo uu maalgeliyo Midowga
Yurub.
Ciidamada Islaamiga Iiraan oo iska fogeeyey in ay weerareyn waddamada dariska
Iyaga oo kajawaabayo warbixinno sheegaya weerarro diyaarado
aan duuliye lahayn oo lagu qaaday qaar ka mid ah dalalka ku teedsan khaliijka
saacadihii la soo dhaafay, Ilaalada Kacaanka waxay soo saareen bayaan ay ku
sheegayaan inaysan ridin “wax gantaallo ah” tan iyo markii xabbad-joojintu
bilaabatay.
Bayaankan oo lagu daabacay saaka oo Jimce ah warbaahin ku
dhow Ilaalada Kacaanka iyo warbaahinta gudaha Iiraan, ayaa lagu yiri:
“Saacadihii la soo dhaafay, wakaalado warar oo kala duwan ayaa daabacay
warbixinno ku saabsan weerarro diyaarado iyo gantaallo ah oo lagu qaaday xarumo
ku yaalla dalal ka mid ah xeebaha koonfureed ee khaliijka. Waxaa halkan lagu
caddeynayaa in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan aysan wax
gantaallo ah ku ridin dal kasta inta lagu guda jiro saacadaha xabbad-joojinta
ilaa waqtigan.”
Kuwait sheegtay in mid ka mid ah saldhigyadeeda Ilaalada
Qaranka lagu weeraray “diyaarado aan duuliye lahayn”.
Trump: "Iiraan ma sameeneyso heshiiskii aan lahayn"
Trump wuxuu sheegay in habka Iiraan ay u maareeneyso saliidda marinkeeda Hormuz uusan ahayn 'heshiiskii ay la lahaayeen'.
Qoraal uu bartiisa Social Truth kusoo qoray ayuu ku sheegay sidan "Iiraan waxay qabaneysaa shaqo aan dhihi lahaa mid aad u liidata,waxa ay ahayd inay u ogolaato Saliid inay marto marinka Hormuz."
Wuxuu ku soo gabagabeeyay: "Taasi ma aha heshiiska aan lahayn"!
War deg deg ah, Xisbullaah oo weli gantaallo ku garaaceysa caasimadda Israa'iil
Tel Aviv ayaa la daaray buunka digniinta ee duqeymaha, iyadoo ciidamada Israa'iil ay sheegayaan in Xisbullaah ay weerar gantaal ku qaadeen.
Sida ay Reuters qortay, iiyada oo soo xiganeysa ciidamada Difaaca Israa'iil, in laga dhawaajiyo kambaleelka waxaa keentay weerarkii gantaalka ee Xisbullah ay ku qaadday Israa'iil.
War deg deg ah, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan oo dhaawac u geeriyooday
Xigashada Sawirka, TASNIM
Qoraalka sawirka, .
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan Kamal Kharrazi, oo ku dhaawacmay duqeyn cirka ah dhowr maalmood ka hor ahayd ayaa u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.
Isaga iyo xaaskiisa waxaa bartilmaameedsaday duqeymo cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israa'iil toddobaadkii hore.
Xaaska Mr. Kharrazi ayaa la dilay maalintaas, laakiin Mr. Kharrazi oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda Iiraan xilligii Madaxweyne Mohammad Khatami ayaa si xun u dhaawacmay, warka geeridiisana waxaa lagu dhawaaqay goor sii horreesay, iyadoo marka hore ay soo sheegeen qaraabada qoyska Kharrazi ka dibna warbaahinta ayaa si rasmi looga shaaciyey.
War deg deg ah, Wafdigii wada-hadallada Iiraan u qaabilsanaa oo gaaray Islaamabaad
Kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa gaartay Islamabad, caasimadda Pakistan, si ay wadahadallo toos ah ula yeeshaan wafdiga Mareykanka ee uu hoggaaminayo J.D. Vance, iyada oo la filayo in ay jimcaha ka furmaan halkaas
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ku dhawaaqday booqashada wafdiga ee Pakistan fiidnimadii Khamiista. Si kastaba ha ahaatee, Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamka, oo madax ka ah kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa ka digay in haddii weerarrada Israa'iil ee Lubnaan aysan joogsan, Tehran ay jebin doonto xabbad joojinta, wadahadalladuna ma noqon doonaan kuwo toos ah.
Mojtaba: “Ma aanan dooneyn mana doonayno dagaal, balse sinaba uga tanaasuli mayno xuquuqdeena sharciga"
Xigashada Sawirka, IRIB
Qoraalka sawirka, Mojtaba
Warbaahinta gudaha ee Iran ayaa daabacday fariin la sheegay inuu soo diray Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Fariintan qoraalka ah, ayaa kusoo aadeysa sanadguuradii 40-aad ee dilkii hoggaamiyihii hore ee Iiraan Ali Khamenei, wuxuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dadku isku soo baxaan oo ay muujiyaan dareenkooda, isaga oo ku booriyey in "joogaan fagaarayaasha" ay door wayn ka qaadan doonto gorgortanka miiska wada-hadallada.
Qayb ka mid ah fariinta oo ka kooban sagaal bog ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waxaan si hubaal ah u dalban doonaa magdhow kasta iyo dhaawac kasta oo la geystay, iyo qiimaha dhiigga ee shuhadada iyo magta halgamayaashii dagaalkan... waxaana hubaal ah inaan weli haysan doono maamulka Marinka Hormuz oo ay ku maareyn doonno habab cusub”.
Farriinta oo sii socota ayaa lag u leeyahay “Ma aanan dooneyn mana doonayno dagaal, balse sinaba uga tanaasuli mayno xuquuqdeena sharciga ah, arrintan la xiriirtana waxaan u aragnaa dhammaan jiidda iska caabinta inay tahay mid mideysan.”
Hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan lama arag meel fagaare ah tan iyo markii la dilay aabihiis, Ali Khamenei, bilowgii dagaalka.
Netanyaahu oo Trump ku gacan seeray joojinta duqeymaha Lubnaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin uu u diray dadka ku nool waqooyiga dalka, ku sheegay in “aysan jirin xabbad-joojin ka dhaceysa Lubnaan.”
“Waxaan sii wadaynaa inaan si adag leh u beegsanno Xizbollah, mana joogsan doono ilaa aan dib u soo celinno amnigiinna,” ayaa lagu yiri farriin uu daabacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Netanyahu wuxuu mar kale ku celiyay ujeeddooyinka Israa’iil ee ah in hubka laga dhigo xisbullaah iyo “in la xaqiijiyo heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo waara oo u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.”
Farriintan waxay timid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu mid kamid ah warbaahinta Mareykanka u sheegay in Netanyahu uu ku wargeliyey Israa’iil inay “yareeyso” weerarrada ka socda Lubnaan iyadoo wadaxaajoodyada nabadda ay socdaan.
Trump oo Israa'iil ka codsanaya in ay Duqeynta Lubnaan yareyso
Trump wuxuu sheegay in Israa'iil ay 'yareyn doonto' weerarada ka dhanka ah Lubnaan si ay u taageerto wadahadallada nabadda, isaga oo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka ee NBC News ka hor hadalka hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, Trump wuxuu sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu "yareyn doono" weerarada ka dhanka ah Lubnaan ka hor wadahadallada soo socda ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.
"Waxaan la hadlay Bibi hoos ayaana loo dhigi doonaa," Trump ayaa u sheegay NBC News ka dib markii uu taleefan kula hadlay Netanyahu.
Isagoo xaqiijiyay in Israa'iil ay "yareyn doonto" howlgallada, Trump wuxuu sidoo kale, sheegay inuu "aad u rajo weyn yahay" in heshiis nabadeed la gaari doono inta lagu jiro wadahadallada Islamabaad.
Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tilmaamay in ay tahay in "Iiraan ay aqbaleyso, dhammaan waxyaabaha ay tahay inay ku heshiiyaan" mas'uuliyiinteeduna ay "aad u macquulsan yihiin" marka aysan la hadlin saxaafadda.