Israa'iil oo beegsatay goob gantaallo oo ku taala Iiraan iyo qiimaha shidaalka oo kor u kacay

Waxa uu hoggaamiyihii hore ee Iiraan Ali Khamenei, ku tilmaamay “nin waalnaa”, isagoo sidoo kale sheegay in Iiraan aysan dooneyn in ay la wareegto Israa’iil oo kaliya, balse ay dooneyso “Bariga Dhexe oo dhan”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iraan oo shaacisay in Israa'iil ay weerartay warshado iyo gobo muhiim ah

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Seyed Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Israa’iil “ay weerartay 2 ka mid ah warshadaha birta ugu waaweyn Iran, xarun koronto iyo goobaha nukliyeerka rayidka ah, iyo kaabayaal kale.”

    Farriin uu ku baahiyay X ayuu ku sheegay in “Israa’iil ay sheegtay inay ficilkan sameysay iyadoo la kaashaneysa Mareykanka,” isla markaana weerarku “uu ka hor imanayo muddadii dheeraadka ahayd ee Madaxweynaha Mareykanka u qabtay diblomaasiyadda.”

    Wuxuu intaas ku daray in Iran “ay bixin doonto qiimo aad u culus.”

    Arrintan waxay timid wax ka yar 24 saacadood kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu dib u dhigay weerarro kasta oo lagu qaadi lahaa kaabayaasha tamarta Iran muddo 10 maalmood ah.

    Sidoo kale waxay dhacday iyadoo milatariga Israa’iil uu sheegay inuu duqeeyay warshadda biyaha culus ee Arak ee bartamaha Iran.

  2. Iraan oo war cusub ka soo saartay duqeymaha Mareykanka iyo Israa;iil

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi,

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa ku eedeeyay Maraykanka iyo Israa’iil inay wadaan “weerarro sharci-darro ah oo joogto ah” oo lagu bartilmaameedsanayo “goobaha iyo xarumaha rayidka,” oo ay ku jiraan iskuullo, isbitaallo, dhismayaal taariikhi iyo dhaqan, iyo deegaanno la deggan yahay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

    Wuxuu intaas ku daray in dalku si adag u sii wadi doono “difaaca shacabka Iran.”

    Qoraal uu ku baahiyay Telegram, wakaaladda wararka ee IRNA oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sidoo kale sheegtay in Araghchi uu wadahadal kala yeeshay dagaalka intii lagu jiray wicitaan telefoon oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov.

    Sida ay IRNA sheegtay, Araghchi wuxuu sheegay in amni-darrada marinka Strait of Hormuz ay ka dhalatay tallaabooyinka milatari ee Maraykanka iyo Israa’iil, isla markaana Iran ay leedahay xuquuq sharci ah oo ay ku hor istaagi karto maraakiibta maraya marin-biyoodkaas.

  3. Israa'iil oo soo saartay qorshaheeda cusub ee ku aadan Lubnaan iyo iraan

    Qiiq iyo holac ayaa kor u kacay kadib weerar ay Israa’iil 22-kii bishii March la beegsatay buundada u dhow magaalada Tire ee koonfurta Lubnaan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Qiiq iyo holac ayaa kor u kacay kadib weerar ay Israa’iil 22-kii bishii March la beegsatay buundada u dhow magaalada Tire ee koonfurta Lubnaan

    Afhayeen u hadlay Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay leeyihiin “qorshayaal waaweyn” oo ay ku sii wadi doonaan hawlgalladooda koonfurta Lubnaan.

    “Waxaan joognaa isgoys taariikhi ah,” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidamada, Eyal Zamir, qoraal uu ku baahiyay Telegram. Wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay “in si aasaasi ah loo beddelo xaaladda amniga – laga bilaabo Tehran ilaa Beirut.”

    Tani waxay daba socotaa hadallo hore oo uu jeediyay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, kaas oo ka hadlay abuurista “aag difaac” oo gobolka ah, iyadoo ciidamada Israa’iil ay maamulayaan dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta Lubnaan.

    Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la ilaaliyo bulshooyinka ku nool waqooyiga Israa’iil si looga difaaco weerarrada Xisbullah.

    Hawlgalladii hore ee IDF ee gobolka waxaa ka mid ahaa burburinta buundooyin ku yaalla webiga Litani, oo qiyaastii 30km (19 mayl) u jira xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.

  4. Militariga Iraan oo maanta weeraray afar dal oo Khaliijka ah

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Dalalka Khaliijka ayaa sheegay in weerarradu ay wali ka socdaan guud ahaan gobolka. Waa kuwan qaar ka mid ah wixii laga soo sheegay tan iyo maanta.

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in lix gantaal oo ballistic ah lagu soo ganay caasimadda Riyadh. Waxay intaas ku dartay in laba ka mid ah la qabtay, halka afarta kalena ay ku dhaceen Badda Khaliijka iyo meelo aan la deggenayn.

    Kuwait ayaa sheegtay in saaka weerarro lagu qaaday dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn, Shuwaikh. Hay’adda dekedaha dalka ayaa sheegtay in uu jiro “khasaare hantiyeed balse aanay jirin wax khasaare naf ah.”

    Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegtay in difaacyadeeda cirka ay la tacaaleen lix gantaal oo ballistic ah iyo sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo laga soo diray Iran maanta.

    Ciidamada difaaca ee Bahrain ayaa sheegay inay qabteen 362 diyaaradood oo drones ah iyo 154 gantaal tan iyo bilowgii colaadda, taas oo kordhay 12 drone marka la barbardhigo warbixintii shalay.

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa hore uga digay dadka ku nool Bariga Dhexe inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka, balse ma aysan sheegin goobaha saxda ah.

  5. Labo xarumood oo la xiriira Nukliyeer Iran oo la weeraray

    Labo xarumood oo la xiriira Nukliyeer ayaa lagu weeraray Iran, balse ma jirto wax sii daayay walxo shucaac ah, sida ay sheegtay.

    Wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRNA ayaa warbixin ay soo dhigtay barteeda Telegram ku sheegtay in dhismaha biyaha culus ee Khondab ee ku yaalla woqooyiga galbeed ee dalka Iiraan ay weerar ku qaadeen ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil.

    IRNA oo soo xiganeysa mas’uul ka tirsan gobolka Markazi ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

  6. War deg deg ah, Maraykanka oo ka hadlay jawaabta la filayo ee Iiraan ee qorshaha 15-ka qodob ee Trump

    Marco Rubio, xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Marco Rubio, xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka

    Rubio ayaa hadda wax laga weydiiyay haddii uu filayo in Iiraan maanta ay kasoo jawaabto qorshaha 15-ka qodob ee Maraykanka.

    Bahwadaagta BBC ee Maraykanka CBS News ayaa tabisay goor sii horaysay, iyada oo ilo soo xiganaysa in jawaabta Iiraan la filayo Jimcaha.

    ''Weli ma aynaan helin,'' ayuu yiri. Isaga oo ka hadlayay xaddiditaanka wakhtiga ayuu sheegay inay ''Dhici karto wakhti kasta'' waxaana uu diiday inuu saadaalin bixiyo.

    ''Hadda, waxaynu sii wadnaa howlgalkeena,'' ayuu sii raaciyay.

    WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, Rubio ''Howlgalka waxa uu ku dhammaanayaa toddobaaydo, ma ahan bilo''

    Xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio

    Xigashada Sawirka, POOL

    Qoraalka sawirka, Xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio

    Xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio oo la hadlayay wariyayaasha, ka dib kulankii uu la qaatay wasiiradda arrimaha dibadda G7 ee horaantii maanta ka dhacayay Faransiiska ayaa la weydiiyay haddii Maraykanka uu ka fikirayo inuu ciidamo u diro Bariga Dhexe iyaga oo qayb ka ah dadaalada ay uga adkaanayaan Iiraan.

    Rubio ayaa sheegay in uusan ka hadlayn farsamooyinka milatari. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu yiri Maraykanku waxa ay leeyihiin yoolal cad iyo in ''Anagu aan ku kalsoonahay in aynu ku dhownahay gaaritaankooda sida ugu dhakhsaha badan''.

    Wakhtiga la filan karo howlgalka Maraykanka ee Iiraan inuu dhammaado, ayaa Rubio uu ku yiri ''Waxaynu ka hadlaynaa toddobaadyo, ma ahan bilo''.

    WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Israa'iil oo duqaymo cusub ku qaaday Koonfurta Lubnaan

    Qiic hawada galaya ka dib weeraro Israa'iil ku qaaday Koonfurta Beirut

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qiic hawada galaya ka dib weeraro Israa'iil ku qaaday Koonfurta Beirut

    Israa'iil ayaa sheegtay inay bilowday qaaditaanka weeraro duqaymo ah oo ay ku ekeysay Koonfurta Beirut, iyada oo beegsanaysa ''Kaabayaasha argagixisada Xizbullah'', sida laga soo xigtay afhayeenka ciidamada difaaca Israa'iil Avichay Andraee.

    Bayaan lagu daabacay X, ayaa Adraee uu ugu baaqay dadka deegaanka ee dhowr deegaan inay ''sida ugu dhakhsiiyaha badan u baneeyaan.

    Waxaa kamid ah deegaanadaasi, Haret Hreik, Ghobeiri, Laylaki, Hadath, Burj al-Barajneh, Tahwita al-Ghadir iyo Chiyah.

    Dhanka kale. IDF ayaa ku daabacday akoonka Telegram ee luuqada Persian in ay weerarayso kaabayaasha saddex gobol oo kala duwan oo gudaha Iiraan ah.

    WARAR DHEERAAD AH

  9. War deg deg ah, G7 oo ku baaqday joojinta weerarada rayidka iyo badbaadada marinka Hormuz

    Jean-Noel Barrot, Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Jean-Noel Barrot, Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska

    Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska ayaa sheegay in dalalka G7 ay ku taagan yihiin in la yareeyo saamaynta dagaalka Iiraan.

    Kooxda G7 ayaa ah urur ay ku midaysan yihiin dalalka caalamka ee loogu yeero toddobada ugu tunka roon dhaqaalaha adduunka, waxa ay ku baaqayaan sida uu sheeggay Jean-Noel Barot in sida ugu dhakhsaha badan loo dhammeeyo weerarada rayidka iyo kaabayaasha.

    Hadalkiisa ayaa daba socday, ka dib kulan uu dhiggiisa Vaux-de-Cernay kula qaatay Waqooyiga Faransiiska, waxaa uu intaa ku daray ''Ma jirto wax oggolaanaya'' weerarada, rayidkuna waxa ay u baahan yihiin si ''cad loo difaaco''

    Faaladiisa, waxaa uu sidoo kale dib ugu soo cusboonaysiiyay dadaalada G7 ee xaqiijinta ''dhaqdhaqaaq xor iyo badbaado u leh maraakiibta'' maraysa marinka Hormuz.

    Barrot ayaa sheegay inuu ku waafaqay xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio in uu uga warbixiyo golaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda inay ka wada shaqeeyaan xal loo helo marinka.

    WARAR DHEERAAD AH

  10. War deg deg ah, Dhicitaanka wadahadalada Maraykanka iyo Iiraan iyo xilliga la filan karo heshiis la gaaro

    Waxaa iska cad inay jiraan wax uun dhacaya.

    Iyada oo ay soo baxayaan is-diidooyinka sheekooyinka Maraykanka iyo Iiraan ee la xiriira waxyaabaha la adeegsanayo, Ma wadaxaajoodyo toos ah baa mise waa xiriir isgaarsiineed? Laakiin waxaa adag inuu jiro dhaqdhaqaaq.

    Iiraaniyiintu waxa ay aad u doonayaan in la gaaro heshiis, laakiin ay tahay waajib inuu noqdo heshiis iyaga raaligalinaya.

    Waxa ilaa iyo hadda laga maqlay khidada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka kooban 15 qodob, si gaar ah qaybta looga soo dusiyay dhanka Israa'iil ilo laga helay ay u dhowdahay mid u eg dukuminti isdhiibitaan ah.

    Waxaa ay damaanad qaaday qorshaha heshiiska dhanka Maraykanka dhammaan wixii ay horay uga dalabanayeen Iiraan, Maraykanka iyo Israa'iil.

    Taasi waxaa ay keentay in iyaduna dhankeeda ay kasoo saarto Iiraan qorshaha dalabaadka iyada khaaska u ah ee uusan darafka kale aqbali lahayn. Iyada oo la eegyo halka la kala taagan yahay, labada dal weli kama suulin in ay aad ugu kala fog yihiin xaqiijinta hadafyadooda.

    WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Weerarada Gacanka: Duqaymo iyo kahortaga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Dalalka gacanka ayaa soo wariyay duqaymaha ay kasii socdaan guud ahaan gobolka, halkan waxaan idiinku haynaa wixii aan ka maqalnay dhankooda subaxnimadii maanta:

    • Wasaaradda difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in lix gantaal oo nooca balastiga lagu weeraray caasimada Riyaad, Waxaa ay sheegeen in laba kamid ah hawada lagu qabtay, afarna ay ku dhaceen gacanka iyo goobo aan deegaan ahayn.
    • Kuwait iyaduna dhankeeda waxa ay soo sheegtay weerarro saaka lala eegtay dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn ee la yiraahdo Shuwaikh. Hay'adda dekedaha dalkaasi ayaa sheegay in ''waxyeelo hantiyeed ay jirto balse aysan jirin khasaare nafeed''
    • Wasaarada difaaca ee Imaaraatka Carabta ayaa dhankeeda sheegtay in difaaca hawada ee dalkooda ay kahor tageen lix gantaal oo balastig ah iyo sagaal diyaarad oo nooca aan duuliya lahayn oo maanta uga yimid dhanka Iiraan.
    • Baxrayn, ciidankooda difaaca ayaa sheegay inay joojiyeen 362 diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn iyo 154 gantaal tan iyo bilowgii khilaafka, iyada oo tirada diyaaradaha drone-ta ay korortay ilaa 12 tan iyo ku dhawaaqidii shalay.
    • Ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan ayaa horay uga digay dadka ku nool Bariga Dhexe inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka, balse ma aysan sheegin goobo gaar ah.

    WARAR DHEERAAD AH

  12. Dhaxal-sugaha Kuwait oo la xiriiray Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif

    .

    Xigashada Sawirka, Pak PM Office/Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha Kuwait, Sheikh Sabah Al-Khaled Al-Hamad Al-Sabah, ayaa yeeshay wada hadal khadka telefoon ah, kaas oo uu Dhaxal-sugaha Kuwait ku taageeray dadaallada Pakistan ee dhexdhexaadinta u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

    Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Jimcihii ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Kuwait uu wacay Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif. Sida lagu sheegay bayaanka, intii lagu jiray wada hadalka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mar kale cambaareeyay weerarradii lagu qaaday Kuwait, wuxuuna muujiyay garab istaagga buuxa iyo taageerada Pakistan ee shacabka Kuwait xaaladdan adag.

    Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale hoggaanka Kuwait la wadaagay dadaallada diblomaasiyadeed ee Pakistan ay ku doonayso in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

    Sida lagu sheegay bayaanka, Dhaxal-sugaha Kuwait ayaa ammaanay hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, wuxuuna si buuxda u taageeray dadaallada Pakistan ee dhexdhexaadinta u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

    Wuxuu uga mahadceliyay Pakistan taageerada ay u fidisay Kuwait inta lagu jiro dagaalkan.

    Dhaxal-sugaha Kuwait ayaa sidoo kale muujiyay rabitaankiisa ah inuu booqdo Pakistan marka xaaladdu hagaagto.

    Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa uga mahadceliyay Dhaxal-sugaha Kuwait, wuxuuna u xaqiijiyay in Pakistan ay sii wadi doonto doorkeeda wax ku oolka ah ee kor u qaadidda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

  13. War deg deg ah, Fanaan hore oo heesaha raabka oo ra'iisul wasaare loo dhaariyay

    Caanimada Balendra Shah ee Nepal ayaa kasoo bilaabatay waayihiisii heesaha raabka

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Caanimada Balendra Shah ee Nepal ayaa kasoo bilaabatay waayihiisii heesaha raabka

    Fanaan hore oo heesaha raabka oo isku beddelay siyaasi Banlendra Shah ayaa loo dhaariyay ra'iisul wasaraha cusub ee Nepal.

    Ninkan 35 jirka ah oo u tababaran Injineer ayaa noqday madaxii ugu horeeyay ee da' yar ah ee hoggaan ka noqda dowlada.

    Xisbigiisa Rastriya Swatantra ayaa soo hoyay guul weyn iyaga oo ku guulaystay laba meel saddex meel codadkii la dhiibtay -- Doorasho dhacday horraantii bishan , duqii hore ee Kathmandu ayaa caanimadiisa ay kor u kacday isaga oo ka dhex muuqday qaranka xilli uu jiray baraaruga dilka mudaharaadyadii musuqmaasuqa ee dhalinyarada Gen Z ee 2025, taasi oo dhalisay dhicitaanka dowladii hore ee KP Sharma Oli.

    WARAR DHEERAAD AH

  14. War deg deg ah, Israa'iil oo digniin cusub soo saartay iyaga oo shacabka Iiraan fariin u diray

    Dad ku sugan haraadiga dhisme burburay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dad ku sugan haraadiga dhisme burburay

    Ciidamada difaaca Israa'iil ayaa soo saaray digniin degdeg ah oo ku saabsan in dadku ay isaga ka baxaan qaybo kamid ah magaalada Arak, oo ah caasimadda gobolka Markazi ee bartamaha Iran.

    Waxay sheegeen inay fulin doonaan howlgallo dhowr meelood oo ka tirsan gobolka “saacadaha soo socda.”

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in howlgalka uu diiradda saari doono “weerar lagu qaadayo kaabayaasha milatari ee nidaamka Iran.”

    “Badbaadadiinna iyo wanaaggiinna darteed, waxaan idinka codsaneynaa inaad si degdeg ah uga baxdaan,” ayaa lagu yiri fariin ku qoran af-Faarsi oo lagu daabacay akoonkooda X, iyadoo lagu daray: “Joogitaanka aad ku sugan tihiin meelahan wuxuu halis gelinayaa noloshiinna.”

    WARAR DHEERAAD AH

  15. War deg deg ah, Iran ayaa hor istaagtay Saddex Markab oo ka gudbi lahaa marinka Hormuz

    Markab shidaal qaada oo ku xirtay xeebta Masqad ee Cumaan, meel u dhow marin biyoodka Hormuz, Maarso 7

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Markab shidaal qaada oo ku xirtay xeebta Masqad ee Cumaan, meel u dhow marin biyoodka Hormuz, Maarso 7

    Ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay dib u celiyen saddex markab oo la sheegay inay “isku dayayeen inay maraan marin-biyoodka Hormuz” subaxnimadii Jimcaha, 27-ka Maarso.

    War-saxaafadeed kasoo baxay xiriirka dadweynaha ee IRGC ayaa lagu yiri: “Saddex markab oo xamuul ah oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa isku dayay inay u dhaqaaqaan marinka loo qoondeeyay maraakiibta la oggol yahay.

    Waxaa dib loo celiyay kadib markii ciidamada badda ee IRGC ay u direen digniin.”

    Waxaa kale oo lagu sheegay war-saxaafadeedka in “Marin-biyoodka Hormuz uu xiran yahay, isla markaana isku day kasta oo lagu gudbo lagu wajihi doono jawaab adag.”

    Waxaa kale oo intaasi lagu daray: “Socodka markab kasta oo u kala goosha dekedaha ay leeyihiin xulafada iyo taageerayaasha Maraykanka iyo Israa'iil, kuna socda meel kasta iyo marin kasta, waa mamnuuc.”

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa laba maalmood ka hor telefishinka dowladda ka sheegay in Iran ay oggolaatay codsiyo maritaan oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka, Pakistan, Ciraaq iyo Hindiya.

    Wuxuu sheegay in marka laga eego aragtida Iran, marin-biyoodku “uusan si buuxda u xirnayn, balse uu ka xiran yahay cadowga.”

    WARAR DHEERAAD AH

  16. War deg deg ah, Sacuudiga oo soo riday diyaarado ku wajahnaa Riyaad

    Sida ay shaacisay Wasaarada difaaca Sacuudiga maanta oo Jimce ah ayaa sheegtay inay burburiyeen saddex diyaaradood oo oo ku wajahnaa gobolka Riyaad.

    Waxa ay tilmaantay wasaaradu inay kusoo dhaceen meel u dhow xarun ciidamo iyaga oo aan wax waxyeelo ah gaysan.

    WARAR DHEERAAD AH

  17. War deg deg ah, Austria oo baraha bulshada ka mamnuucday carruurta ka yar 14 sano

    Austria ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee Midowga Yurub ka tirsan ee mamnuuca baraha bulshada ee carruurta ka yar 14 sano.

    Tani waxay ka dambaysay wadaxaajoodyo dheer oo ka dhex socday isbahaysiga talada haya.

    Ku xigeenka hoggaamiyaha dalkaasi Andreas Babler ayaa sheegay in ay waalidiinta ku ahayd wax aan dhici karin ku maamulida carruurtooda ee barahan bulshadan, taasi oo uu sheegay in kas ah loogu qaabeeyay inay iyaga ka dhigto kuwo ku tiirsan.

    WARAR DHEERAAD AH

  18. War deg deg ah, Dib u dhigista weerarka Iiraan ee Trump ma aysan dejin ganacsiga saliidda

    Saliidda cayriin ee Brent ayaa mar kale kor u kacday $110 halkii foosto maalintii Jimcaha.

    Tani waxay timid inkasta oo Trump uu Khamiistii sheegay in wada-hadallada lala leeyahay Tehran ay “si aad u wanaagsan” u socdaan, isla markaana uu dib u dhigay weerarro milatari oo lagu qaadi lahaa kaabayaasha tamarta ee Iran ilaa ugu yaraan 6-da Abriil.

    Horey, hadalladan oo kale waxay caadi ahaan dejin jireen suuqyada. Laakiin shaki ayaa sii kordhaya oo ka dhex jira ganacsatada, iyadoo agaasimaha maalgashiga ee AJ Bell, Russ Mould, uu sheegay in hadallada ka imanaya Washington iyo Tehran ay u egyihiin kuwo ka kala imaanaya “laba adduun oo is barbar socda.”

    WARAR DHEERAAD AH

  19. War deg deg ah, Sideed iyo toban qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday Qom

    Sideed iyo toban qof ayaa inta la ogyahay ku dhintay weerar habeenimadii dhacay oo lagu qaaday magaalada Qom ee dalka Iran, sida ay warbaahinta maxalliga ah sheegtay.

    Wakaaladaha wararka ee Fars iyo Tasnim News Agency, oo taageero ka hela ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan ayaa sheegay in la weeraray aagga Pardisan ee magaalada aroortii hore ee maanta, iyadoo tiradii hore ee dhimashada oo ahayd lix ay markii dambe korortay.

    Sida wararku sheegayaan, 10 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay. Laanqeyrta cas ee Iiraan ayaa sheegtay in shaqaalaha samatabbixinta ay gaareen goobta, taas oo ay ku tilmaantay xaafad la deggan yahay.

    WARAR DHEERAAD AH

  20. Washington Post: Mareykanka ayaa boqolaal gantaal oo Tomahawk ah u adeegsaday Iran

    Wargeyska The Washington Post ayaa Jimcihii sheegay, isagoo soo xiganaya ilo xog ogaal ah, in ciidanka Mareykanka ay rideen in ka badan 850 gantaal oo nooca Kuruuska Tomahaw intii lagu jiray afarta toddobaad ee dagaalka lala galay Iran.

    Warbixinta ayaa sheegtay in isticmaalka gantaalladan sida saxda ah u bartilmaameedsada goobaha la duqeynayo uu ku socday heer sare, taas oo walaac ku abuurtay qaar ka mid ah saraakiisha Pentagon, isla markaana keentay dooddo gudaha ah oo ku saabsan sida loo kordhin karo tirada hubkan.

    Reuters ayaa sheegtay in aysan weli xaqiijin karin warbixinta wargeyska, halka waaxda gaashaandhiga Mareye iyo aqalka Cad aysan ka jawaabin codsiyadii Reuters ee ku saabsanaa jawaabta ay arrintan ka bixinayaan.