TOOS, Iran oo mar kale xirtay marin biyoodka Hormuz sababo la xiriira go’doominta Mareykanka uu ku hayo dekedaheeda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Iiraan iyo Mareykanka kuwaas oo ku saabsan qodobbada saldhigga u ah gaarista heshiis nabadeed oo ka dhex dhaca labada dhinac.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran oo qayb ka mid ah hawadeeda dib ugu furtay duulimaadyada caalamiga ah

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Iran ayaa ku dhawaaqday in Iran ay si qayb ahaan ah dib ugu furtay hawadeeda, gaar ahaan qaybta bari ee dalka, si ay u maraan duulimaadyada caalamiga ah ee transit-ka ah.

    Hay’addu waxay sheegtay in “marinnada hawada ee ku yaalla qaybta bari ee hawada Iran ay u furan yihiin duulimaadyada caalamiga ah ee sii maraya Iran,” iyadoo intaas ku dartay in qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha dib loo furay 7:00 subaxnimo.

    In ka badan saddex saacadood kadib ku dhawaaqistaas, bogagga raadraaca duulimaadyada ayaa muujiyay in hawada Iran aysan ku jirin wax duulimaadyo caalami ah oo sii maraya, halka diyaarado kale ay qaateen wadooyin dheer oo kale si ay uga fogaadaan inay maraan hawada Iran.

  2. Qatar oo ka hadashay furitaanka marinka Hurmuz

    Naif Al Thani, agaasimihii hore ee hawlgallada sirdoonka difaaca ee Qatar, ayaa sheegay in suurtagalnimada dib u furista Marinka Hormuz “ay u muuqato dhacdo muhiim ah,” balse uusan hubin in loo tixgelin karo “horumar.”

    Isagoo la hadlayay barnaamijka “Today” ee BBC, wuxuu sharxay in dalalka Khaliijka ay si cad u muujiyeen baahida loo qabo in la dammaanad qaado xorriyadda maraakiibta ee marinka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in dib loogu noqdo xaaladdii jirtay ka hor bilowgii dagaalka.

    Al Thani wuxuu intaas ku daray in dad badan oo ku nool dalalka Khaliijka ay soo dhoweyn lahaayeen xabbad-joojin, balse wuxuu xusay in dalalkaas aan weli lagu darin wadahadallada socda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo faahfaahisay sababta ay u xirtay mar kale Hormuz

    Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xaaladda marinka Hormuz ay ku soo noqotay sidii hore, isla markaana marinkan istaraatiijiga ah uu hadda “ku jiro gacanta adag ee xakamaynta iyo maareynta ciidamada qalabka sida.”

    Taliska, oo mas’uul ka ah hawlgallada dagaalka, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ogolaatay in si xaddidan oo nidaamsan ay u maraan qaar ka mid ah maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga marinka Hormuz, iyadoo loo marayo “heshiisyadii hore iyo hab ku dhisan kalsooni wanaag.”

    Si kastaba ha ahaatee, talisku wuxuu sheegay in go’doominta sii socota iyo tallaabooyinka sharci-darrada ah ee ciidamada badda ee Mareykanka ay beddeleen xaaladda, isla markaana ilaa laga qaadayo xannibaadaha ku saabsan xorriyadda dhaqdhaqaaqa maraakiibta imaanaya iyo kuwa ka baxaya Iran, ay sii socon doonto xakamayn adag iyo kormeerka marinka Hormuz.

  4. War deg deg ah, Degdeg: Ciidamada Milatariga Iiraan oo dib ula wareegay Marinka Hormuz

    Ciidamada milatariga Iran ayaa sheegay inay dib ula wareegayaan xakamaynta marin-biyoodka Hormuz, sida ay warbaahinta dowladda Iran sheegtay.

    Wakaaladda wararka Fars, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Jmahuuriyadda Islaamiga ah iyo telefishinka qaranka ee IRIB ayaa soo xigtay bayaan ka soo baxay Ilaalada Kacanaka oo sheegaya in marin-biyoodku uu “ku laaban doono xaaladdiisii hore”, iyadoo ciidamada hubeysan ay maamuli doonaan aaggaas.

    Horey waxaan u aragnay qaar ka mid ah maraakiibta oo ka gudbaya marin-biyoodkaas, balse weli ma cadda inta gaadiidka badda ah ee sida dhab ah uga gudbay marinkaas muhiimka ah.

    Bayaanka Ilaalada Kacaanka Iiraan wuxuu Mareykanka ku tilmaamay "burcad badeednimo", isagoo sheegay in "waxa loogu yeero xannibaadda" ay la mid tahay dhac dhanka badda ah. Iiraan ayaa hore u sheegtay inay xiri doonto marin biyoodka haddii Mareykanku uu sii wado xayiraadda uu ku hayo dekedaha.

  5. War deg deg ah, Xogta maraakiibtu waxay muujinaysaa maraakiib ka gudbaya marin biyoodka Hormuz

    Maraakiibtu waxay u muuqdaan inay marayaan marin-biyoodka Hormuz, sida ay muujinayaan xogta laga helay bogga raadraaca maraakiibta ee MarineTraffic.

    Maraakiib dhowr ah, kuwaas oo sida uu sheegay boggu ay ku jiraan kuwa loogu talagalay qaadista saliidda, gaaska batroolka dareeraha ah iyo kiimikooyin, ayaa la arki karaa iyagoo maraya marin-badeedkan muhiimka ah.

    Waxaan idiin soo gudbin doonnaa macluumaad dheeraad ah maalinta oo dhan oo ku saabsan xaaladda marinka badda.

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, MarineTraffic

  6. Xisbullah oo diiday in ay hubka dhigto, BBC ayaa waraysatay mid kamid ah ragga sare ee xukuma

    Wareysi gaar ah oo uu ku siiyay Bayruut, madaxa sare ee Xisbullah Wafiq Safa waxa uu si cad ugu sheegay in ururka uusan waligiis ka tanaasuli doono hubkiisa, kadib dalabaad ka yimid Israel, Mareykanka iyo Lubnaan lafteeda.

    "Weligay Marnaba, Marba" ayuu yiri.

    "Ma jirto cid hubka ka dhigi karta Xisbullah," ayuu intaa raaciyay. "Qofna ma samayn karo."

    Safa ayaa intaa ku daray in aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan hubka kooxda "ilaa xabad joojin sax ah laga gaaro, mid dhab ah, ma dhacayso ilaa Israel ka baxdo dhulkeena, soo celiso maxaabiista, soo celinta dadka barokacay iyo in ay dib u dhisto goobaha ay burburisay".

    Waxa uu meesha ka saaray soo jeedinta ah in Xisbullah lagu wiiqay dagaalkii ugu dambeeyay, isagoo taa beddelkeeda ku dooday in Israa'iil ay ku fashilantay ujeeddooyinkeeda milateri.

  7. War deg deg ah, Trump oo sheegay inuu hayo war wanaagsan oo hadda aanu shaacin karin

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Haddii aad hadda nagu soo biirtay ama aad rabto in aad ogaato wararkii ugu dambeyay ee Bariga Dhexe, halkaan ayaan ku soo koobaynaa.

    Trump, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in xaaladda Bariga Dhexe ay “u muuqato mid si wanaagsan u socota,” gaar ahaan arrinta Iran. Wuxuu sheegay in wada-hadallo ay dhici doonaan dhammaadka toddobaadka, isla markaana uu hayo “war wanaagsan” oo uusan weli shaacin karin.

    Shalay, Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in xannibaadda badda ee Maraykanku saaray dekedaha Iran ay sii jiri doonto ilaa “heshiiska lala galayo Iran uu 100% noqonayo.”

    Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Bagher Ghalibaf ayaa sheegay in hadalladii Trump ee ahaa in Maraykanku ku guuleystay dagaalka Iran ay yihiin “been.” Wuxuu intaas ku daray in haddii Maraykanku sii wado xannibaadda, marinka Hormuz “uusan furnaan doonin.”

    Hoggaamiyeyaasha Yurub Madaxweynaha France, Emmanuel Macron, iyo Ra’iisul Wasaaraha Uk, Keir Starmer, ayaa shalay shir-guddoomiyay kulan dhanka online-ka ahaa oo ay ka qayb galeen ku dhowaad 40 dal, kaas oo diiradda lagu saaray sidii jawaab caalami ah looga bixin lahaa ilaalinta furfurnaanta marinka.

    Starmer ayaa sheegay in UK iyo France ay hoggaamin doonaan howlgal caalami ah oo lagu ilaalinayo xorriyadda maraakiibta ee marinkaas “marka xaaladdu ku soo laabato, si nabad ah oo difaac ku saleysan.”

    Madaxweynaha Shiinaha, Sida uu sheegay Trump, madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa “aad ugu faraxsan” in marinka Hormuz uu furan yahay ama si degdeg ah u furmayo.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in kulanka uu la yeelan doono Xi Jinping ee ka dhici doona Shiinaha 14–15 May uu noqon doono “mid gaar ah oo suuragal ahaan taariikhi ah.”

  8. War deg deg ah, Trump oo sheegay in la qaadi doono tallaabo Iiraan muddo sugeysay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la hadlay wariyeyaasha isagoo ku sii jeeda magaalada Phoenix, oo uu uga qaybgalayo munaasabad halkaa ka dhacaysa, wuxuu sheegay in wada-hadallada kala dhaxeeya Iiraan ay socdaan isla markaana ay sii socon doonaan ilaa dhammaadka toddobaadkan. Wuxuu xusay in horumarro wanaagsan la sameynayo, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira Lubnaan.

    Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale aan wax weyn ka soo qaadin hadallo ka yimid saraakiil Iiraaniyiin ah oo sheegayay in weli ay jiraan kala aragti duwanaansho weyn oo u dhexeeya Washington iyo Tehran.

    Wuxuu sheegay in xitaa haddii ay jiraan kala duwanaansho noocaas ah, la xallin karo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in farqigaasi uu yahay mid aad u weyn ama aasaasi ah.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateynta uu Maraykanku saaray la qaadi doono isla marka heshiiska la saxiixo.

  9. Trump oo sheegay in madaxweynaha Shiinaha uu hadda faraxsanyahay

    Trump iyo Xi Jinping

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu “aad ugu faraxsan yahay in Marinka Hormuz uu furan yahay ama si degdeg ah u furmayo,” sida uu ku qoray bartiisa Truth Social.

    Trump wuxuu intaas ku daray in kulankooda Shiinaha, oo la qorsheeyay inuu dhaco 14–15 May, “uu noqon doono mid gaar ah oo laga yaabo inuu noqdo mid taariikhi ah.”

    “Wax badan ayaa la gaari doonaa!”

    Shiinaha, oo ah iibsadaha ugu weyn ee shidaalka Iran, wuxuu qiyaastii 38% shidaalkiisa maraa Marinka Hormuz.

    Shiinaha ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku boorrinta Iran inay wada xaajood la gasho Maraykanka, wuxuuna sheegay inuu taageerayo xabbad-joojinta iyo dib u bilaabidda wadahadallada nabadda.

  10. Israa'iil oo shaacisay tirada duqeymaha ay ka fulisay Iiraan

    Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa soo saaray tirooyin cusub oo ku saabsan duqeymaha ay ka fuliyeen Iiraan, iyagoo sheegay inay fuliyeen ku dhowaad 10,800 weerar oo ka dhan ah dalka Iiraan.

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ee Human Rights Activists News Agency (Hrana) ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee Iiraan ku dhintay ay gaartay 1,701 qof illaa 7-da Abriil, taas oo ah maalintii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojin shuruudeysan oo laba toddobaad ah oo lala galay Iiraan.

    IDF waxay sidoo kale sheegtay inay mas’uul ka tahay in ka badan 14,900 oo weerarro madaafiic ah iyo 2,500 oo duqeymo cirka ah oo ka dhacay Lubnaan, waxayna sheegtay inay beegsatay ku dhowaad 165 dhismo oo dabaqyo u badan.

    Hay’adaha caafimaadka Lubnaan ayaa sheegaya in 2,100 qof lagu dilay lixda toddobaad ee dagaalku ka socday Lubnaan, halka in ka badan hal milyan oo qof la barakiciyay.

  11. Iiraan oo mar kale si adag uga hortimid warka Trump ka soo yeeray

    Mas’uul sare oo ku sugan Tehran ayaa sheegay in uranium-ka la tayeeyay ee Iran aan loo wareejin doonin meel kale.

    Isagoo la hadlay warbaahinta dowladda ee Iran, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa yiri: “Wareejinta uranium-ka Maraykanka looma soo bandhigin xulasho ahaan. Uranium-ka la tayeeyay ee Iran wuxuu noo yahay mid lama taabtaan ah sida ciidda Iran, mana jirto xaalad kasta oo loogu wareejin doono meel kale.”

    Arrintan ayaa timid kadib markii Donald Trump uu saaka sheegay in Iran ay “wax walba ogolaatay,” oo ay ku jirto ka saarista uranium-ka dalkeeda.

    Dhanka wada-hadallada, Baghaei wuxuu sheegay in “qaadista cunaqabataynta ay aad muhiim ugu tahay, halka magdhowga khasaaraha soo gaarayna uu yahay mudnaan gaar ah oo Iran leedahay.”

  12. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo sheegay in uranium-ka Iiraan Mareykan loo qaadayo

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku andacooday in Iran ay “wax walba ogolaatay,” oo ay ku jirto in uranium-ka la tayeeyay laga saaro dalka.

    Isagoo khadka taleefanka kula hadlay CBS, oo ah warbaahin bah-wadaag la ah BBC ee Maraykanka, Trump wuxuu sheegay in ka saarista uranium-ka aysan ku lug yeelan doonin ciidamo dhulka Maraykan, isla markaana wuxuu yiri “ si wadajir ah ayaan sameyn doonnaa Iraaniyiinta arrintaan.”

    “Waan la socon doonnaa oo waan ka qaadi doonnaa iyaga, kadibna waan qaadan doonnaa,” ayuu yiri. “Waxaan gaari doonnaa heshiis, mana jirto baahi loo qabo dagaal marka heshiis jiro.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in uranium-ka loo qaadi doono Maraykanka.

    Markii Maraykanka iyo Iran ay ku dhawaaqeen xabbad-joojin ku-meel-gaar ah toddobaadkii hore, uranium-ka la tayeeyay ayaa noqday qodob la isku khilaafsan yahay, iyadoo Golaha Ammaanka Qaranka Iran uu sheegay in heshiiska xabbad-joojintu uu muujinayo “aqbalidda hodminta uranium-ka,” inkastoo Maraykanku sidaas ka soo horjeedo.

  13. War deg deg ah, Iiraan oo ku hanjabtay in mar kale ay xiri doonto marinka Hormuz

    Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed Baqer Qalibaf ayaa ka digay in Iiraan ay mar kale xiri doonto Marinka Hormuz haddii Mareykanku sii wado xayiraadda uu ku hayo dekedaha Iiraan.

    "Ilaa inta xayiraaddu sii socoto, Marinka Hormuz ma sii furnaan doono," ayuu Qalibaf ku yiri qoraal uu ku qoray bartiisa X, isagoo intaa ku daray in marista marin biyoodka istaraatiijiga ah uu ku xirnaan doono " "oggolaanshaha Iiraan."

  14. War deg deg ah, Iiraan oo sheegtay in Trump hal saac gudaheed sameeyay toddoba sheegasho oo been ah

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Iranian Parliament Communication Office/Handout via Getty Images

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu “hal saac gudaheed sameeyay toddoba sheegasho, dhammaan toddobadaasna waa been,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

    IRNA ayaa werisay in Qalibaf uu ku qoray barta X,: “Beenin kuma aysan guuleysan dagaalka, mana gaari doonaan natiijada wada-hadallada sidoo kale.”

    Wuxuu sidoo kale xusay in “iyadoo cunaqabatayntu sii socoto, marin-biyoodka Hormuz in uusan sii furnaan doonin,” isagoo sharaxay in “maritaanka marin-biyoodka Hormuz lagu fulin doono ‘jid cayiman’ iyo ‘ogolaansho ka yimaadda Iran’.”

    Wuxuu adkeeyay in “furitaanka ama xiritaanka marin-biyoodka iyo xeerarka lagu maamulo lagu go’aamiyo xaaladda dhabta ah ee halkaa, ee aan lagu go’aamin baraha bulshada.”

    Qalibaf wuxuu kaloo sheegay in “dagaalka warbaahinta iyo hagidda aragtida dadweynaha ay yihiin qayb muhiim ah oo dagaalka ka mid ah, shacabka Iran-na saameyn kuma yeelan doonaan hababkan marin-habaabinta ah"

  15. Trump ayaa ku andacoonaya in Iran ay ogolaatay wax walba

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku andacoonaya in Iran ay ogolaatay wax walba oo ay ku jirto in dalka laga saaro Uranium-ka la tayeeyay.

    Isagoo taleefoon kula hadlay CBS, oo bahwadaag la ah BBC, Trump wuxuu sheegay in ka saarista walxaha aysan ku lug yeelan doonin ciidamada dhulka ee Mareykanka, isagoo sidoo kale yiri "waxaan la kulmi doonnaa Iraniyiinta".

    "Waan u dhaadhacaynaa oo aan la imaan doonaa iyaga, ka dibna waan qaadan doonaa," ayuu yiri. "Heshiis ayaanu gelaynaa, dagaalna looma baahna marka heshiis la gaadho".

    Yuraaniyaamta ayaa markaa la keeni doonaa Maraykanka, ayuu yiri.

    Markii Maraykanka iyo Iran ay ku dhawaaqeen xabbad joojin ku meel gaar ah usbuucii hore, uranium-ka la tayeeyay ayaa ka soo ifbaxay khilaaf, iyadoo Golaha Amniga Qaranka ee Iran (SNSC) uu sheegay in xabbad joojinta lagu qeexay "ogolaanshaha tayeynta [uraniumka]", inkasta oo Maraykanku sheeganayo liddi ku ah.

    Waa maxay uranium-ka la hodmay? Waa uranium halka isotope gaar ah lagu ururiyey - marka la tayeeyo 90%, waxa loo isticmaali karaa in lagu sameeyo hubka Nukliyeerka ah. Sida laga soo xigtay saraakiil sarsare oo Maraykan ah, bilawgii dagaalka Iran waxay haysatay qiyaastii 440kg oo Yuraaniyaam ah oo tayaysan ilaa 60%.

    Si aad wax badan u akhrido:

  16. Saraakiisha sare oo Mareykanka ayaa laga yaabaa inay kulamo dheeraad ah ku yeeshaan Pakistan maalmo gudahood – CBS NewsS News

    Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa ku kulmi kara Pakistan wadahadalo dheeraad ah maalmo gudahood

    Xigashada Sawirka, Pool/Getty Images

    Weriyaha BBC-da ee Mareykanka ee CBS News, ayaa ku warramaya in saraakiisha Mareykanka laga yaabo inay ku laabtaan Pakistan si ay wadahadallo dheeraad ah ula yeeshaan Iran maalmo gudahood.

    Isagoo soo xiganaya "dhowr qof oo aqoon u leh dooda", CBS waxay sheegtay in maamulka Trump uu eegayo inuu mas'uuliyiin sare dib ugu celiyo Pakistan si ay dib ugu bilaabaan wadahadallada Iran.

    Wadaxaajoodyadani waxay dib u bilaaban karaan isla maalinta Isniinta, ayay tiri.

    • Xusuusin: Caasimadda Pakistan, Islamabad, waxay marti galisay wadahadallo ka socday Maraykanka iyo Iran todobaadkii hore, laakiin waxay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis nabadeed. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in madaxa ciidamada Pakistan uu khamiistii Tehran kula kulmay saraakiil Iran ah taasoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu kordhiyo heshiiska xabbad joojinta ee hadda jira.

    Si aad wax badan u akhrido:

  17. Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha: Shirkadaha maraakiibta waa in ay 'taxadar ka muujiyaan' Hormuz

    Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha, Arsenio Dominguez

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha, Arsenio Dominguez

    Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha, Arsenio Dominguez, ayaa u sheegay BBC in shirkadaha maraakiibta ay u baahan yihiin inay “feejignaadaan” marka la eego sheegashooyinka Iran ee ah in Marin-biyoodka Hormuz uu furan yahay.

    Isagoo la hadlayay barnaamijka Newshour, Dominguez wuxuu yiri: “Horumar kasta dabcan waa la soo dhoweynayaa, laakiin weli waxaan ku jiraa habka xaqiijinta xogta la isla dhexmarayo.”

    Wuxuu sheegay in “walaaca ugu weyn” uu weli yahay “20,000 oo badmaaxayaal ah oo xanniban,” iyo ku dhawaad 2,000 oo markab.

    “Annaga ahaan, waa lama huraan in maraakiibta dib u bilaabaya inay maraan Marin-biyoodka Hormuz ayna si ammaan ah ku maraan,” ayuu yiri.

    Dominguez wuxuu sheegay inuusan hadda haynin “damaanad gaar ah,” sidaas darteedna uu ugu baaqayo warshadaha maraakiibta “inay feejignaadaan ilaa ay ka helayaan caddeyn dheeraad ah.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  18. Qoraalkii afka-ingiriisiga ahaa ee uu Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ku qoray barta X ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah wakaaladaha wararka Iran

    Qoraalka uu Af-Ingiriisi ku daabacay barta X wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa dhalisay dhaliilo ka yimid warbaahinta Iran.

    Araghchi wuxuu qoray: “Iyadoo la raacayo xabbad-joojinta Lubnaan, dhammaan maraakiibta ganacsiga waxay si buuxda u mari karaan Hormuz inta ka hartay muddada xabbad-joojinta, iyada oo loo marayo waddooyinka ay horey ugu qoondeeyeen oo ay shaaciyeen Hay’adda Dekedaha iyo Badaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

    Telefishinka dawladda Iran ayaa si gaar ah diiradda u saaray “waddooyinka ila qoondeeyay,” wuxuuna inta badan iska indho tiray qaybta sheegaysa in marinka dhammaan maraakiibta ganacsiga uu “si buuxda u furan yahay” inta ka hartay muddada xabbad-joojinta.

    Tasnim News Agency, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ee (IRGC), ayaa qoraalka ku tilmaantay “mid xun oo aan dhammaystirnayn,” iyadoo sheegtay in marinka noocaas ahi uu “waxba kama jiraan” noqon doono haddii go’doominta badda ee Maraykanka ay sii socoto.

    Waxay tiri: “Wasaaradda Arrimaha Dibadda lafteedu waa inay dib uga fiirsataa noocan isgaarsiineed.”

    Student News Network (SNN), oo xiriir la leh ururka ardayda Basij ee IRGC, ayaa ku baaqday “caddeyn” ka timaadda mas’uuliyiinta Iran si loo “caqabadeyo loona burburiyo” fasiraadda uu Donald Trump ka bixiyay “guul” arrintan la xiriirta.

    Wakaaladda wararka ee Fars News Agency — oo iyaduna xiriir la leh IRGC — ayaa sidoo kale ku baaqday in mas’uuliyiintu “caddeeyaan” arrinta, iyadoo sheegtay in “hadallo gaaban oo kooban” oo lagu daabaco X aysan ku habboonayn qancinta “ra’yiga dadweynaha gudaha” ee reer Iran.

    Fars waxay sheegtay in Iiraaniyiintu “ugu baaqayaan mas’uuliyiinta inaysan oggolaan sheekada cadowga iyo warbaahinta cadawtinimada leh inay buuxiyaan farqiga xogta.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  19. Farriimo is khilaafsan: sida Trump uu ku dhawaaqay Hurmuz si buuxda u furan yahay, laakiin Iran waxay soo jeedinaysaa inay jiri karaan xaddidaadyo

    .

    Xigashada Sawirka, Roberto Schmidt/Getty Images, Iran President Press Office / Handout /Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Donald Trump ayaa maanta si aad u rajo badan uga hadlay sida uu u arko wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Laakiin marka la eego faahfaahinta, wali waxaa jira meel mugdi ah oo weyn, iyadoo Iran ay dirayso fariimo is khilaafsan.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in Marin-biyoodka Hormuz uu si buuxda u furan yahay, balse mas’uuliyiinta Iran ayaa tan ka dib soo jeediyay in laga yaabo inay jiraan xaddidaadyo ku saabsan maraakiibta maraya marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Sidoo kale, sheegashada Trump ee ah in Maraykanku sii wadi doono go’doominta badda ee Iran ayaa sii adkeyn karta xaaladda.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay wareejin doonto walxaha nukliyeerka ee ay leedahay, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa tilmaamaysa in wada-xaajoodyada ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka ee Iran aysan weli dhammaystirnayn.

    Marka guud ahaan la eego, waxay u muuqataa in wada-xaajoodyada hadda socda — oo laga wado meel fog, aan si toos ah loo kulmin — ay weli si weyn isu beddelayaan oo aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin.

    Rajo wanaagga madaxweynaha ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid sax noqda. Laakiin haddii aysan sidaas noqon, tani ma noqon doonto markii ugu horreysay ee hadalladiisu ka hor maraan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhulka.

  20. xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay furitaanka Hurmuz

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres,

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in go’aanka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ee ku dhawaaqaya in Marin-biyoodka Hormuz uu si buuxda u furan yahay inta ka hartay muddada xabbad-joojinta uu yahay “tallaabo ku socota jihada saxda ah.”

    Bayaan uu soo saaray, ayuu ku yiri: “Waxaan u baahanahay in si buuxda loo soo celiyo xuquuqda iyo xorriyadaha caalamiga ah ee maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz, isla markaana ay dhammaan dhinacyadu ixtiraamaan.”

    Wuxuu intaas ku daray in Antonio Guterres uu rajeynayo in “iyadoo ay weheliso xabbad-joojinta, tallaabadan ay gacan ka geysan doonto abuurista kalsooni u dhexeysa dhinacyada isla markaana ay xoojin doonto wada-hadallada socda ee ay fududeyneyso Pakistan.”

    Si aad wax badan u akhrido: