Maxkamad: Dhunkashada gacanta haweeney aadan fasax ka haysan waa tacaddi galmo

Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Maxkamadda Sare ee dalka Spain ayaa soo saartay amar maxkamadeed oo dhigaya in ninkii gacanta haweeney shumiya ama dhunkada, iyadoon fasax looga haysan loo tix galin doono tacdi galmo arrintaas.

Go'aankaan ayaa ka dambeyay kadib markii sanadkii 2023-kii, nin uu dhunkaday gacanta haweeney uu kula kulmay mid ka mid ah goobaha laga raaco gawaarida dadweynaha ee magaalada Madrid, kasoo gacanteeda dhunkaday, isagoo sameeyay tilmaamo muujinaya inuu rabo inay raacdo oo uu siin doono lacag.

Maxkamaddu waxay ninka ku heshay danbi tacaddi galmo ah waxayna ku ganaaxday 1,620 Yuuro. Xukunkaas ayaa waxaa ansixiyay maxkamad sare.

Ninku wuxuu ku dooday inaysan jirin wax rabshad ama hanjabaad ah oo uu ku smaeyay haweeneyda wuxuuna kiiska u gudbiyay Maxkamadda Sare.

Sida laga soo xigtay diiwaanka maxkamadda, dhibanaha raga ah ee maxkamaddu xukuntay ayaa ku dooday in inkastoo "lagu qiyaasi karo inuu niyad-jabsan yahay, xanaaqsan yahay, ama uu yahay dhibane, hadana marna ma jirin khatar galmo oo muuqatay."

Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dhacdadu ka dhacday meel fagaare ah, meel u dhow saldhig booliis, iyo waqtigu ahaa maalin. Qareennadiisu waxay ku doodeen in falkaasi ugu badnaan uu ka mid yahay dambiyada yar-yar, sida handadaad galmo oo ka dhacday goob dadweynuhu ku kulmaan.

Si kastaba ha noqotee, Maxkamadda Sare ayaa xukuntay in dhacdadan ku saleysantahay handadaad fudud oo ay ku jirtay "qodob galmo oo cad maadaama uu gacanteeda dhunkaday."

Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in haweeney "aysan aqbali karin nin gacanteeda haysta oo dhunkada iyada oo aan oggolaanshiis laga helin, iyadoo ficiladaasi si muuqata u muujinayaan rabitaan galmo."

Laba garsoore ayaa ka soo horjeestay go'aanka, iyagoo ku dooday in dhacdadu aysan aheyn kiis tacaddi galmo.

Bayaankooda sharaxaad ahaan, waxay sheegeen, "Dhaqankeenna, qof gacanta lagu dhunkado hal ama laba jeer waa hab soo jireen ah oo salaam ah"

Waxay sidoo kale ku doodeen in ficillada sida dhunkashada daanka ama salaanta gacmaha aysan "aheyn ficillo galmo."

Arrinta oggolaanshaha galmada ayaa si weyn looga dooday Spain sanadihii ugu dambeeyay.

Sharciga, oo la ansixiyay 2022-kii una yaqaan "Sharciga Kaliya Haa Waa Haa," wuxuu adkeeyay muhiimadda ogolaanshaha wuxuuna meesha ka saaray shuruudda in la caddeeyo rabshad ama hanjabaad si fal galmo loo tixgeliyo.

Sanadka 2023, Luis Rubiales, madaxweyne ku xigeenka xiriirka kubadda cagta ee Spain, ayaa khilaaf weyn dhaliyay markii uu dabaaldegay guusha kooxda haweenka ee finalka Koobka Adduunka isagoo dhunkaday ciyaaryahanka Jenni Hermoso ee bushimaha.

Rubiales wuxuu sheegay in "dhunkashada" ay ahayd mid ogolaansho leh, balse Hermoso waxay beenisay sheegashadiisa.

Arrinku wuxuu gaaray maxkamad. Sannadkii hore, Rubiales waxaa lagu helay dambiga la xiriira galmo, iyadoo la ganaaxay.