Xeeladda khiyaanada milatariga ee ay hurdo kugu qaban karto labo daqiiqo gudahood.

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hurdo la'aantu waa arrin ay la il daran yihiin malaayiin qof oo adduunka ku nool, kuwaas oo jeclaan lahaa in ay si deg deg ah oo fudud u sexdaan marka ay isku diyaariyaan waqtiga hurdada.

Dhibtaada hurdo la'aanta iyo tirada dadka ay hayso waa ay kala duwan tahay balse cilmi baaris ayaa lagu sheegay in inta u dhaxeysa 5% illaa 50% dadka adduunka in ay qabaan dhibaatadan.

Hurdo la'aantu waxay keentay in dad badan ay raadiyaan habab ay si fudud ugu seexdaan, oo ay ku jirto waxa loo yaqaan "hurdada militariga" oo la sheegay inay qofka ku seexan karo laba daqiiqo gudahood.

Habkaan ayaa caan ka noqdat barta TikTok, halkaas dad badan ay daawadaan muuqallada, dadka ku jira bartaas ayaa sheegay in dhaqse ku hurdeen marka ay sidaas sameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro ayaa ka digtay in isticmaalka habkan uu dib u dhigi karo hurdada sabab la xiriirta isku buuq maskaxeed oo qofka ku iman kara, sidaa darteedna khubaradu waxa ay ka digayaan arrintaan inuu qof caadi ah sameeyo, waxa ayse soo jeediyeen habab kale oo qofka isku dayi karo inuu hurdada dhaqse ku helo.

Waa maxay jadwalka hurdada militariga?

Habkan waxaa markii ugu horreysay sharaxay tababare orodka dheer ee Mareykanka Lloyd "Bud" Winter sanadkii 1981, buuggiisa "Relax and Win".

Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Winter wuxuu diyaariyey qorshe u oggolaanaya Ciidanka Badda Mareykanka inay si habsami leh u shaqeeyaan iyagoo aan la kulmin daal iyo dhibaatooyin kale, Buuggu wuxuu sharxayaa jimicsi kooban oo qofka uu sameenayo ka hor hurdada, isaga oo maraya tallaabooyinkan:

  • Is deji, naso garka iyo wajigaaga, oo si tartiib ah u neefso.
  • Garbahaaga sii daa, mar kale neefso, kadibna sii daa laabtaada.
  • Gacmahaaga ku naso kursi ama sariir, jirkaaga dhinac u leexi, kadib dhinaca kale u rogo.
  • Lugaha si tartiib ah u kala toosi, hal lug mar.
  • Maskaxdaada ka saar hawlihii aad heesay o dhan, si ay faaruq u noqoto
  • Haddii ay jirto arrin kugu taagan ka saar maskaxdaada, kana soo qaad in aysan jirin.

Winter wuxuu sheegay in jimicsigan lix toddobaad ah uu qofka ka caawinayo inuu ku barto inuu laba daqiiqo gudahood u seexdo mar kasta oo uu rabo.

Welwelka ay keeni karto

Si kastaba, khubaradu waxay sheegaan in qofka si degdeg ah u seexdo ay ku keeni karto wewel.

"Fikradda ah inaad si dhaqso leh u seexato oo aad laba daqiiqo ku seexato waa mid lid ku ah hurdada," ayay tiri Dr Allison Brager, oo ah cilmi-nafsiga militariga baratay.

Caadiyan, hurdadu waxay qaadataa inta u dhexeysa 5 ilaa 20 daqiiqo, sidaas darteed isku dayga laba daqiiqo wuxuu keeni karaa cadaadis iyo hurdo yari.

"Waxaad isku arki doontaa inaad ku walwasho inaad seexato, iyadoo dhab ahaantii ay adagtahay," ayay tiri.

Haddii aad laba daqiiqo gudahood ku seexato, waxaa suuragal ah inaad qabto xaalad caafimaad sida hurdo-la'aan daran.

Brager waxay sheegtay inay taqaan askar adeegsata habkan, balse waxay intaa ku dartay in xaaladaha adag ee ay ku jiraan askartu ay ka dhigayaan mid sahlan inay si degdeg ah u seexdaan.

Sidee si dhaqso leh loogu seexdaa?

Dadka qaba hurdo-la'aanta waxay la kulmi karaan dhibaatooyin badan haddii ay isticmaalaan habka labada daqiiqo, ayuu yiri Dr Hugh Selsick.

mar uu ka hadlayey dadka uu la kulmo waxa uu yiri "Inta badan dadka aan wareystay waxay ii sheegeen inay tijaabiyeen habkan balse uusan u shaqeyn".

Wuxuu intaa ku daray in hurdada qofku u baahan yahay ay ku xiran tahay xaaladdiisa iyo qaab nololeedkiisa, taas oo la micno ah aragtidii hore loo aaminsanaa ee ahayd 8 saacadood, qasab maaha mar kasta.

Selsick wuxuu arrintan la barbardhigay cabbirka kabaha, isagoo sheegay in qof walba uu xirto cabbir u gaar ah.

"Waxa muhiimka ah waa inaad hesho hurdada aad u baahan tahay," ayuu yiri.

Haddii aad rabto inaad si dhaqso leh u seexato, waxaa ku xusan dhawr tallaaboo ku caawin kara.

Samee jadwal Haddii aad seexato waqti isku mid ah, jirkaagu wuu la qabsanayaa.

Iska ilaali hurdada maalintii . Hurdada oo la iska ilaaliyo waxay kordhisaa hurdo habeenka oo ay ka dhigta mid tayo leh.

Ha seexan adigoon hurdo dareemayn

Ha tagin sariirta haddii aadan hurdo dareemayn.

Maxaan ka baran karnaa hurdada askarta?

Habka hurdada laba daqiiqo ee militariga ma aha mid sax ah, ayuu yiri Dr Alex Raecliffe, oo ah khabiir hurdo oo ka tirsan ciidanka Ingiriiska

inkasta oo uu xusay in ay kamid tahay nasashada iyo tabbarrada la siiyo askarta in ay kamid tahay.

Askarta ku sugan jiidda hore waxaa sidoo kale la gula talinayaa inay qaataan hurdooyin gaagaaban marka ay fursad helaan, maadaama ay adag tahay inay helaan hurdo habeen buuxa ah.

Inkastoo hurdada maalintii aan lagula talin dadka doonaya inay si degdeg ah u seexdaan habeenkii, haddana dadka sida hooyooyinka naaska nuujiya waxay ka faa'iidaysan karaan hurdada muddooyinka gaagaaban in uu ka yaraado daalka.

Brager waxay sidoo kale sheegtay in dadka caadiga ah ay ka baran karaan qaar ka mid ah farsamooyinka militariga.

Haddii aad dejisato waqti hurdo, jirkaagu wuxuu bilaabi doonaa inuu dareemo hurdo marka waqtigaas la gaaro.

"Waxay ku xiran tahay sida aad u qorsheyso iyo inta jeer ee aad isticmaasho," ayay tiri.

Qaado waqti nasasho, dami taleefanka, akhri buug, ama la qaado waqti dadka kale, kuwaas oo dhammaantood ah xeelado wanaagsan.

"Jirku wuxuu la qabsanayaa jadwalka aad u dejiso, marka haddii aad bilowdo, sii wad, si tartiib ahna jirkaagu wuxuu ula qabsan doonaa hurdada waqtiga aad rabto," ayay tiri Brager.