Sida ay Xuutiyiintu ku heleen hubka badda hoos mara iyo tirada gantaalada ay haystaan
Maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda cas ayaa marar badan waxaa lagu weeraray gantaalaha lidka maraakiibta, gantaalaha ballistic-ga ah, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana hadda soo ifbaxday khatar hor leh oo biyaha hoosteeda ah. Tani waa sida laga soo xigtay machadka ciidamada badda ee Maraykanka.
18-kii Febraayo, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada badda ee ku sugan Badda Cas ay burburiyeen markab aan cidina wadin oo marayey biyaha Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen.
Maalmo yar ka hor, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan falkii ciidamada badda ee Mareykanka ay ku qabteen hub ka yimid Iiraan una socday Xuutiyiinta Yemen bishii Janaayo ee la soo dhaafay. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shixnadda ay ka kooban tahay gantaalada riddada dhexe, walxaha qarxa, qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta quusta ee aan cidina wadin, qalabka isgaarsiinta, gantaalada hagaya taangiyada, iyo qaybo kale oo saanad ciidan.
Kadib waxaa soo baxay ku dhawaaqista Xuuthiyiinta markii hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaru-Allah ee Xuutiyiinta, Cabdal Maalik Al-Xuuti, uu sheegay Khamiistii in ciidamadoodu ay haystaan “hubka mara badda hoosteeda” si u taageeraan Falastiiniyiinta.