Xog laga helay Sababta ugu weyn ee Iiraan u diidantahay wadahadallada Trump

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Toddobaadkan, Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanka iyo Iiraan ay wadaan "wada-hadallo wanaagsan oo wax-ku-ool ah" si dagaalka loo joojiyo. Laakiin Iiraan si cad ayay u beenisay. Mas'uuliyiinta Iiraan waxay sheegeen in wax wada-hadallo ah aysan dhicin, afhayeen ka tirsan ciidamada ayaa xitaa ku qoslay, isagoo yiri Maraykanku "isagaa isla hadlaya."
Waxaa muuqata farqi weyn, Washington waxay sheegaysaa horumar, halka Tehran si buuxda u diiday. Arrintani waxay ka dhalatay kalsooni-darro qoto dheer oo u dhexeysa labada dhinac.
Sannadkii la soo dhaafay, wada-hadallo ayaa dhexmaray dhinacyada, iyadoo rajadu ahayd in xiisadaha la yareeyo. Wareegii ugu dambeeyay ayaa Maraykanku muujinayay welwelkiisa ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Laakiin wada-hadalladaas ka dib, Maraykanka iyo Israa'iil ayaa mar kale weerar milatari ku qaaday Iiraan. Iiraan waxay u aragtay in wada-hadalladu aysan yareyn fursadda dagaalka. Taasi waa sababta dadka qaar uga shakiyaan hadalka Trump.
Si kastaba ha ahaatee, diidmada Iiraan macnaheedu ma aha inay gebi ahaanba ka soo horjeedo wada-hadallada. Xitaa dadka taageera diblomaasiyadda waxay dareemayaan cadaadis. Dib u bilaabista wada-hadalladu waa arrin halis ah, mana jirto cadeyn muujineysa in markan ay wax ka duwanaan doonaan sidii hore.
Calaamaddan ayaa tilmaamaysa sababta Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraqji iyo mas'uuliyiinta kale ay ugu hadlaan qaab qallafsan. Xitaa ka hor qoraalka Trump, Caraqjii wuxuu sheegay in Iiraan aysan raadin wada-hadallo ama joojin dagaal, oo ay diyaar u tahay inay dagaalka sii waddo. Madaxa Golaha baarlamanaka Iiraan ayaa sidoo kale diiday soo-jeedintii Trump, isagoo sheegay in "ereyada Trump ay yihiin been."
Laakiin tan macnaheedu ma aha in albaabka wada-hadallada gebi ahaanba uu u xiran yahay.
Arbacadii, Caraqji ma xaqiijin, si buuxdana uma diidin dalabka la soo jeediyey.
Wuxuu u sheegay telefishanka dowladda in "aragtiyo kala duwan" loo gudbiyey madaxda sare ee dalka, isagoo intaa ku daray in "haddii go'aan la qaadanayo, dabcan la shaacin doono."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sidoo kale, wuxuu xusay in siyaasadda hadda ee Iiraan ay tahay "in la ilaaliyo difaaca," ayna Tehran " haynin niyad u janjeerta wada xaajoodyo xilligan."
Xaaladda hadda ka jirta Iiraan waa mid aan la sii wadi karin sababo la xiriira weeraro joogto ah iyo burburka kaabayaasha muhiimka ah. Hadalka adag waxaa laga yaabaa in uu yahay mid shuruudo ku laranyihiin, halkii si buuxda looga diidi lahaa wadahadalka.
Siyaasadda gudaha Iiraan ayaa arrimaha sii adkeynaysa.
Madaxweyne Masoud Pezeshkian, oo ay taageeraan kooxo dhexdhexaadka ah, wuxuu qaatay hannaan taxadar leh. Dhinaca kale, dadka qaar ayaa si aad ah uga soo horjeeda wadahadallada
Sidoo kale dadka qaar ayaa ka caga jiidaya in xilligaan oo xaalad adag lagu jiro la galo wadahadal.
Waxaana jira cadaadis kaga imanaya dowladda dibadda.
Qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka Iiraan waxay diidaan heshiis kasta oo lala galo Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxayna taageeraan weerarada, iyagoo rajeynaya in dagaalku keeno burburka maamulka iyo isbeddel awoodeed.
Dhinaca kale, bulshada rayidka iyo u doodayaasha xuquuqda aadanaha waxay ka baqayaan in heshiisku siiyo maamulka fursad uu ku kordhiyo cadaadiska dalka, gaar ahaan iyadoo xayiraadaha hore loo adkeeyey intii uu socday dagaalku.
Mowqifka Iiraan ma aha mid keliya mid fikrad ahaan ah, balse sidoo kale waa mid istiraatiiji ah.
Tehran waxay muujisay awooddeeda ay ku carqaladeyn karto socodka tamarta adduunka ee marinka Hormuz. Xiridda ama xaddidaadda marin-kan waxay saameyn ku yeelan doontaa kaliya suuqyada shidaalka iyo gaaska, balse sidoo kale agabyada kale ee halkaasi la mariyo.
Xaaladdan waxay Iiraan siineysaa awood saameyn leh. Mowqifka adag ee dadweynaha ayaa sidoo kale ka caawinaya in cadaadiskaas la sii wado.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalabka Trump uu u diray Iiraan iyada oo loo marayo Pakistan wuxuu muujinayaa in Iiraan ay adkaan doonto inay aqbasho shuruudahaas.
Shuruudahan waxaa ka mid ah xaddidaad adag oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, barnaamijyada gantaalaha, iyo taageerada ay siiso xulafadeeda gobolka, taas oo lagu beddelayo in la dabciyo cunaqabataynta iyo in la caawiyo dhinaca tamarta nukliyeerka rayidka.
Xitaa dadka oggolaan kara heshiiska, arrinta ugu weyn waa kalsoonida. Heshiisyadii hore ma sii jirin muddo dheer.
Heshiiskii nukliyeerka ee la gaaray 2015, ka dib wadahadallo sannado badan socday oo u dhexeeyey Iaraan iyo awoodaha caalamiga ah, wuu burburay markii Maraykanku kaligiis isaga baxay intii lagu jiray muddo xileedkii Trump. Dad badan oo Tehran ku sugan ma rumaysana in heshiis cusub uu sii jiri doono.
Sidaas darteed, farqiga u dhexeeya labada dhinac ayaa sii kordhaya.
Washington, ka hadalka horumarka wuxuu u adeegayaa ujeedooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed.
Tehran, diidmada wadahadalka waxay ka caawinaysaa in ay ilaaliso mowqifkeeda waxayna muujinaysaa shaki dhab ah.
Hadda, farqiga u dhexeeya rajada Maraykanka iyo diidmada Iiraan ayaa u badan inuu sii jiro.
Soo xiridda albaabkaasi kala aragti duwanaasha ah waxay u baahan tahay wax ka badan erayo. Waxay u baahan tahay damaanad dhab ah oo muujinaysa in dagaalka uusan ka dhalan doonin wadahadal mar kale. Trump wuxuu u baahan karaa inuu u sharaxo dalkiisa inuu balanqaadayo inuu dhammeeyo dagaallada, ee uusan bilaabin.













