'Laylatul Qadriga waxaan u malayn jiray qof nool oo habeenkii socda oo sita kiish lacag ah'

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Nimaan Osman
    • Role, BBC Somali
    • Reporting from, Nairobi, Kenya
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Laylatul Qadigu waa habeen aad u weyn oo muhiim u ah dhammaan Muslimiinta iyadoo lagu jiro tobankii dambe ee bisha barakeysan ee Ramadan.

Waa habeenka uu Ilaahay (SWT) markii ugu horreysay ku soo dejiyay Qur'aanka Kariimka ah Nabiga Muxammad (NNKH).

Waa habeen ay ku jirto barako aad u badan. Qofkii la kulma habeenkan oo ka faa'iidaysta, wuxuu helayaa khayr aad u badan, sida uu Alle ku sheegay suurad gaar ah oo lagu magacaabo Suuratul Qadr.

Sidaas oo ay tahay, waxa jira sheekooyin mala'awaal ah oo ay laga aamminsan yahay habeenkan meelo kala duwan oo caalamka ah.

Waxa jira dadka qaar oo calaamadaha habeenkan ku cabbira shay muuqda oo la arko ama wax la maqlo habeenkaas oo lagu garan karo in uu yahay Laylatul Qadriga oo la bishaaraysto.

Soomaalida dhexdeeda waxa ku faafay sheekooyin laga aamminsan yahay hebeenkan. Dad badan ayaa u maleeya in uu yahay wax cirka ka soo dhaca oo habeenkii la arko ama qof kuu yimaadda oo xoolo ku siiya.

Mustafe Axmed Maxamed oo ku nool maraykanka ayaa BBC-da la wadaagay waxa uu hadda ka hor ka aamminsanaa Laylatul Qadriga.

"Waxaan u haystay waxa muuq qofeed leh oo habeenkii isa soo malluuga ardaaga reerka," ayaa uu yidhi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa kale oo intaasi raaciyay in uu rumaysnaa in qofkaasi ay la socoto barako badan oo aragtidiisu ay abshir u tahay reerka iyo xoolaha ay haystaan.

Jaamac Axmed oo ku sugan Kismaayo ayaa BBC-da la wadaagay aragti taas la mid ah uu ka aamminsanaa habeenkan.

"Ka hor barashada diinta, waxaan rumaysnaa in uu jiro noole la yidhaahdo 'Khadar' oo la arko, dadkana ugu bisheereeya xoolo iyo barwaaqo adduun," ayaa uu yidhi.

Mowliid Xasan oo jooga magaalada Jigjiga waxa uu qabaa in aragtidiisa habeenkan barkaysan uu ka aamminsanaa xilliyo kala duwan uu farqi weyni u dhaxeeyo.

"Waxaan u haystay wadaad dhar cad xidhan oo si dhif ah loo arko xilliyada ay qabaqdu yaraato, gaar ahaan salaadaha dabaooda. Waxaanan aamminsanaa in ninkaas la kulankiisu uu kuu horseedi karo lacag aad ka hesho."

Waxa jira dad kale oo rumaysan in habeenkaasi la helo wax kasta oo uu qofku niyadda ku qabto.

Haddaba, halkan waxa aan idiinku soo gudbinaynaa macluuumaad ku saabsan waxyaabaha ay tahay in qofku ka ogaado habeenka Laylatul Qadriga iyo sidoo kale waqtiyada ay habboon tahay in la raadiyo habeenkan.

Diinta Islaamka ayaa qabta in habeenkan fadliga badan laga dhex raadiyo tobanka dambe ee bisha Ramadaan.

Habeenkan waxa ku jira nabad iyo barako aad u badan laga bilaabo qorrax-dhaca ilaa waaberiga.

"Khayrka ku jira habeenkan wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood, taas oo u dhiganta 84 sano iyo dhowr bilood," ayaa uu yidhi Mallam Muhammad Albani oo ay BBC-du ka waraysatay arrimahan.

Wuxuu sidoo kale soo weriyey hadal uu yiri Nebi Muxammad (NNKH):

"Qofkii tukada habeenka Laylatul Qadr isagoo iimaan leh oo ajar ka rajaynaya, waxaa loo dhaafi doonaa dambiyadiisii hore," sida ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim.

Dhankiisa, Sheekh Khalifa Muhammadul Mashhoud, oo ah caalim diinta Islaamka oo ku nool Nigeria, ayaa wareysi uu siiyey BBC ku sheegay in: "Laylatul Qadarku uu leedahay saddex macne."

Wuxuu yidhi:

"Waxaa laga yaabaa in uu ku jiro sannad kasta, ama uu ku jiro bisha Ramadaan, ama ay ku jiro tobanka dhexe ee bisha."

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in qaar kale oo culimada ka mid ah ay qabaan in habeenkan uu ku jiro tobanka dambe, gaar ahaan habeenka 27-aad, iyagoo daliil ka dhigaya in Laylatul Qadr lagu xusay saddex jeer Qur'aanka Kariimka ah.

Waxa kale oo ay sheegeen in erayga Laylatul Qadr uu ka kooban yahay sagaal xaraf, marka sagaalkaas saddex jeer la celiyo waxay noqoneysaa 27, taasoo ay daliil uga dhigteen in Laylatul Qadr uu ku beegan yahay habeenka 27-aad, sida uu sheegay Sheekh Mashhoud.

Habeenkee ayaa la fishaa Laylatul Qadr?

Qoraalka sawirka, Al-Qur'an

Inkasata oo ay jiraan calaamado lagu sheegay habeenkan barakaysan, haddana si cad looma cayimin habeen gaar ah.

Mallam Albani Misau ayaa sheegay in axaadiis badan ay ka hadleen habeenkan. Waxaa ka mid ah xadiiska Caa'isha (RC) oo sheegtay in Rasuulku yidhi:

"Raadiya Laylatul Qadriga tobanka dambe ee bisha Ramadaan, habeenada witirka (tirada dhiman)."

Sidoo kale xadiiska Abu Saciid Al-Khudri (RC) ayaa sheegay in Rasuulku yidhi:

"Ka raadiya habeenkan tobanka dambe ee Ramadaan."

Caalimku wuxuu sheegay in habeenada witirka ay yihiin:

21, 23, 25, 27 iyo 29.

Riwaayad kale oo uu weriyey Imaam Muslim ayaa leh:

"Ka raadiya habeenkan 29 ama 27 ama 25."

Waxyaabaha ay tahay in Muslimku sameeyo habeenkan

Waxaa la doonayaa in la kordhiyo dadaalka cibaadada ee qofku caadiyan sameeyo maalin kasta, sida tukashada salaadaha, akhrinta Qur'aanka Kariimka ah, bixinta sadaqada, digriga iyo ducooyinka.

Culimada ayaa sheegtay in waqtigan oo kale uu Nebi Muxammad (NNKH) sidaas samayn jiray, xitaa wuxuu kicin jiray qoyskiisa si ay u cibaadaystaan oo ay uga faa'iidaystaan barakada habeenkan.

Mallam Albani Misau ayaa sidoo kale sheegay in mar Caa'isha (RC) ay weyddiisay Rasuulka Alle ducada ay akhrin karto haddii ay la kulanto habeenkan. Markaas ayuu ku yidhi:

"Dheh: Ilaahayow, adigu waxaad tahay mid aad u cafis badan, waxaadna jeceshahay cafiska, ee i cafi."

Dhankiisa Sheekh Khalifa Mashhoud wuxuu sheegay in ay jiraan akhlaaq wanaagsan oo la doonayo in Muslimku ku sifoobo habeenkan, sida edeb iyo anshax wanaagsan, islamarkaana uu ka dhowrsanaado qf cay, aflagaaddo ama hadal xun.

Xigmadda loo qariyey habeenkan…

Xigmadda ugu weyn ee ku jirta in la qariyo habeenkan waa in dadka lagu dhiirrigeliyo in ay cibaadeystaan habeen kasta, iyaga oo aan muujin caajis ama karti la'aan.

Markeeda horaba, bisha Ramadaan waxay xambaarsan tahay barako badan ilaa dhammaadkeeda. Taasi waa sababta Nebi Muxammad (NNKH) uu u yidhi:

"Arrintan (in habeenkan la qariyo) waxay idiin noqon doontaa khayr," sida ku cad xadiis uu weriyey Bukhaari.

Sidoo kale Sheekh Aminu Ibrahim Daurawa, oo ka mid ah culimada caanka ah ee Islaamka ee magaalada Kano, ayaa yidhi:

"Waxaa laga yaabaa in habeenka ku dhaafaa uu noqdo habeenka Laylatul Qadr."

Calaamadaha habeenka Laylatul Qadr

Sheekh Daurawa wuxuu yiri waxaa jira calaamado badan oo lagu garan karo habeenka.

"Haddii uu jiro qabow daran xilligaas, waxaad arki doontaa habeenkan in qabowgii yaraaday; haddii uu jiro kulayl daran xilligaas, waxaad arki doontaa habeenkaasi in aanu kulayl daran lahayn, waa dhexdhexaad. Maalinta xigta, markaad eegto qoraxda, waxaad arki doontaa in ay soo baxday iyada oo aan lahayn caad madow oo geeska ka muuqda, taasi oo calaamad u ah in habeenkii la soo dhaafay uu ahaa Laylatul Qadri."

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah warar aan sal lahayn oo lagu faafiyo habeenka Laylatul Qadr sida:

In qofka la siiyo adduunka oo dhan ama in aad kabcada la aragto iyo sidoo kale in wax lagu qiyaaso cida digaaga ama dameeraha oo dhammaantood uu sheekhu ku sheegay in ay khuraafaad yihiin.