'Waxaan gacanta ku dhigay askri Daacish ah oo iga xoog badan' - BBC da oo booqatay buuraleyda Cal-Miskaad

Xigashada Sawirka, BBC/Amensisa Ifa
- Author, Sahnun Ahmed
- Role, BBC News Somali
- Author, Scarlett Barter
- Role, BBC World Service
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Buuralayeda Cal-miskaad ee Soomaaliya, koox askar ah ayaa ku hareeraysan oo wada daawanaya shaashada yar oo qafi gacanta ku hayo, waxayna ku xiriirsan tahay diyaarad drone ah oo raadraacaysa dagaalyahanada kooxda Dowladda Islaamka.
Shaashadda waxaa ka muuqda qof dhex socda waadi ku yaalla buuraha. "Saaxiibadiis ayuu biyo u dhaamiyya," ayuu yiri hagaha drone ku. "Wuu ordayaa. Waxbaa dhabarka u saaran," ayuu askari ka tirsan ciidanku hadalka ku darsaday.
Ninka shaashadda ka muuqda wuxuu u dhowyahay god ay ciidanku aaminsan yihiin in ay ku dhuumanayaan 50 ilaa 60 dagaalyahan oo IS ah.
Ilaa 500 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland, ayaa ku sugan saldhigaan ku yaalla buuraha dhexdooda. Toban sano ka hor, dhulkaan qalalan waxaa degaansan jiray reer kooban oo reer guuraa ah, laakiin taasi waxay is badashay markii IS ay saldhig ka sameysteen halkaan, iyaga oo u soo jeestay Afrika, kadib markii kooxda looga adkaaday Siiriya iyo Ciraaq.
Bishii April ee sanadkii 2025, Taliyihii hore ee Howlgalka Maraykanka ee Africa (Africom), Janaraal Michael Langley, ayaa u sheegay aqalka Congress ka "In IS ay Soomaaliya ka maamulaan Soomaaliya".
Sanadihii ugu dambeeyay, Maraykanku wuxuu taageeray dagaalka ka dhanka ah ee IS ee Soomaaliya, iyaga oo si joogta ah u duqeeyay kooxaha isku qarinaya godadka – 2025 pentagon ku ilaa 60 weerar ayu uku qaaday IS-ta Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, BBC/Amensisa Ifa
Haatan, awoodda gudaha ee IS "ee ay ku qaadi karaan weeraro gudaha Soomaaliya waa la wiiqay" sidoo kale "qatar wayn kuma aha Puntland iyo Soomaaliya midna", sida ay qabto Tricia Bacon, oo ah Agaasimaha Siyaasadda Argagixisada ee Jaamadda Maraykanka ee Washington DC.
Balse IS wali "waxay door muhiim ah ka qaadataa bixinta taageero iyo wax fududeynta xulufooyinka IS, ee ku sugan Afrika iyo meelo kalaba sida Afghanistan", ayay tiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laanta IS ee Soomaaliya, waa saldhig ka dhigtay gobolka bari ee Puntland, waxaa aasaasay Cabdulqaadir Muumin oo mar ku noolaan jiray Sweden iyo Ingiriiska, haystayna boosaboor Ingiriis ah.
Sanadkii 2025-tii, isaga iyo 17 nin oo kale ayaa ka soo muuqday muuqaal iyo oo bayco (heshiis) la galaya IS.
Muumin ayaa horay xubin uga ahaa al Shabab, oo muddo labaatan sano ah la dagaalamaysa dowladda Soomaaliya, walina maamusha dhul badan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.
Ist-ta Soomaaliya ayaa al-Shabab uga awood roonaatay buuralayda Cal-Miskaad, iyaga oo keenay dagaalyahano shisheeye, kadibna ka dhigay saldhig tababar iyo dhaqaale oo kooxda oo idil u shaqeeya.
Kooxda waxay saamayn ku lahaan jireen magaalada takada leh ee Boosaaso. Wasaaradda maalyadda ee Maraykanka ayaa sheegatay sanadkii 2022 kii in IS-ta Soomaaliya "ay aruuriyeen $2 milyan oo baad ah oo ka qasab uga qaadeen ganacsatada wax soo dajiya, kuwa xoolaha dhoofiya iyo beeraleyda".
Ciidamada Puntland ayaa ku guulaystay sanadkii 2025 kii ay Boosaaso ka ciribtiraan kooxda, laakiin wali waxay kooxdu ku sugnaayeen tuulooyin iyo magaalooyin yaryar oo ku dhow buuraha Cal-Miskaad.

Xigashada Sawirka, BBC/Amensisa Ifa
Deeganadaas waxaa ka mid ahaa Daadaar, oo hoy u ah 600 oo ruux.
IS waxay la yimaadeen arxan darro iyo cabsi.
Dadka ku nool halkaan waxay noo sheegeen in shuruuc adag ay kooxdu ku qoreen boorar ay ku dhajiyeen bananaka hore ee deegaanada, kuwaas oo mamnuucaya in raggu xirtaan surweelo ka hooseeya anqowga ama tinta qaabab naqshad ah u jartaan. Sidoo kale dumar ayaa la amray in ay xirtaan xijaab ka duwan kii ay horay u isticmaali jireen.
Maamulkooda qalafsan iyo fikirkooda ayaa bulshada uga tagay dhaawacyo.
"Noloshu aad ayay u adkaatay," sidaas waxaa yiri Saciid Maxamuud Ibraahim, oo ah imam masjid, isaga oo dhex fadhiya masjidka. "Dadku waa cabsadeen. Qaar waa la afduubtay, ilaa iyo haddana wa amaqan yihiin."
Inkata oo dadka qaar ka qaxeen tuulada, isagu waa uu joogay, laakiin waxa uu noo sheegay in ay xoog ugala wareegeen masaajidka. "Waxay dheheen: 'Inagaa imaam ah. Hadii aadan raacaynin hadalkeena iskaga bax masaajidka hadda, hadii kale waxaad mudan tahay ayaad heleysaa.'
"Waxaan mudanahay waxay ahaayeen in ama ay qoorta iga jaraan ama I afduubtaan."
Dadka masaajidka ku tuknaya waxaa ka mid ah Mahad Jaamac. Laba sano ka hor gabar uu abti u yahay oo lagu magacaabo Shukri Muuse ayay dagaalyahanada IS afduubteen, kadibna dileen.
"Qof baariyad ah oo hooyadeed caawisa ayay eheed. Qof inagu islaanimo iyo in ay tukato ku ognahay bay ahayd. Qof wanaagsan bay ahayd," ayuu yiri isaga qoraxda kulul uga gambanaya cimaamadiisa madowga iyo cadaanka ah.
Shukri waxay ahayd xaamilo markii la dilayay. Waxa ka tagtay laba caruur ah iyo hooyadeed oo xanuunsan.
"Aad bay ii tabaatay. Nin ilmihiisii dhintay sababta uu ku dhintayna aan aqoon, adiguba waad dareemeysaa. Hadii hadda lagu yiraahdo ilmahaadii waa la dilay sababta lagu dilayna aadan wali ogaan, way kugu adkaaneysaa," ayuu yiri Mahad.
Shukri waxay sidoo kale haystay will 7 jir ah oo lagu magacaabo Saciid. Wiilka yar waxa uu ahaa dhagool mar walbana wuxuu joogi jiray dhinaceeda. Habeenkii ay IS gurigooda yimaadeen waa uu la joogay, Isagana waa ay dileen.
Sanado badan oo dagaal ah kadib, tuulada waxaa la wareegay ciidamada Puntland bishii Maarso sanadkii 2025 tii.

Xigashada Sawirka, BBC/Amensisa Ifa
Balse IS wali waxay saldhigyo ku leeyihiin aagga.
Saldhig ciidanka ee gudaha buuraha, markii ciidanka loo sheegay in dagaal kale uu soo dhow yahay, waxaa is badalay jawiga, nin walbana wuxuu bilaabay in qorigiisa diyaarsado.
Muna Cali Daadhir waa sarkaalad 32 jir ah, waxayna ka mid tahay haween kooban oo ku jiran ciidanka ku sugan halkaan.
Dagaalo hore ayay ka qayb qaadatay: "Si adag ayaanu u dagaalanay wanaan guulaysanay… sababtoo waxaan dareemaynay lahaansho," ayay tiri.
Laakiin markaan waxay joogi doontaa xerada ciidanka, iyada oo u diyaargaroobaysa wixii soo dhaawacma.
Askari dhallinyaro ah ayaa taleefan iga tusaya isaga oo gacanta haya dagaalyahan IS ah oo uu qabtay. Maxbuusku waa ka dheer yahay kana wayn yahay, waxa uuna leeyahay garwayn oo madow iyo timo dheer. Askari kale ayaa gacanta kala haya.
"Kani waa Xasan. Ninkii Turkiga ahaa ee aanu qabanay," ayuu yir Cabdikhayr Abdirizaq Jaamac oo 24 jir ah.
Bishii June ee sanadkii 2025 tii, Qaramada Midoobay waxya ku qiyaaseen dagaalayahanada kooxda Dowladda Islaamka ee Soomaaliya ilaa 800 oo qof, oo kalabar ka badan ay yihiin shisheeye.
Ciidmada Difaaca Puntland waxay sheegeen in ay dileen boqolaal ka tirsan IS 16 kii bilood ee la soo dhaafay, waxayna sii daayeen sawirada in ka badan 50 dagaalame, oo ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Itoobiya, Markooko iyo Siiriya.
Masuuliyiinta Puntland waxay sheegeen in maxaabiista la qabto maxkamada la saaro, mararka qaarna toogasho lagu xukumo.
Hay'adda xuquuda aadanaha Human Rights Watch horay waxay walaac uga muujisay nidaamka iyo qaabka loola dhaqmo maxaabiista lagu eedeyo in ay ka tirsan yihiin kooxda Dowladda Islaamka. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saarat sanadkii 2022 kii, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka shaqanayso sidii ay u hubin leheed "in kuwa ku jira xabsiyada si su'aalo loo waydiiyo loola dhaqmo qaab hagaagsan, si loo ilaaliyo xuquuqda maxaabiista".

Xigashada Sawirka, BBC/Amensisa Ifa
Abdikhayr Jaamac waxa uu ahaa 14 jir markii IS timid gobolkaan. "In ay jiraan uma haysaan. Markii hore waxaan moodayay borobogaando," ayuu yiri. "Balse markaan gacanta ku dhigay mid iyaga ka mid ah… Waxaan xaqiiqsaday in cadow shisheeye uu soo weerary dalkeena."
Inaga oo wada hadlayna, ayaa maqalnay dhawaq xoogan oo rasaas ah. Qoryaha culus iyo raashin ayaa lagu raray awr, askartuna waxay bilaabeen in ayaga oo kooxo yar ah ka baxaan xerada iyaga oo u jihaystay halka ay weerarka ka qaadi doonaan.
Mid ka mid taliyaasha ciidanka ayaa ii sheegay in diyaaradaha sahanka ee Maraykanku ay hawada ku jiraan si ay xog u uruuriyaan.
Rasaasta hoobiyaha ayaa ku gugacday waadiga, iyada oo ku dul dhacday godadka ay ku jiraan IS, qaraxeeda ayaa jabaq xoog leh ka abuuray buuraha. Wax rasaas ah kama soo dhicin dhankooda.
Diyaaradda yar ee drone ka ee ciidanka ayaa hawada loo diray, si ay u qiimeyso waxyeelada, shaashadda yarta ah ee laga hago ayaa waxaa ka muuqday waxyeelo gaartay afka hore ee godka.
Ninka ay qabatay kaamirada drone ta ciidanka looma jeedi karin markaan, hadii aan fiirinay buurta hoosteeda, way adkayd inaan ujeedno saamaynta uu yeeshay dagaalka.
Ciidamada Difaaca Puntland waxay mar dambe ogaadeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay markii dambe galeen dagaalka oo ay duqeeyeen dgaalyahanadii IS ee ay ku jiray godadka – ma cadda inta ay dileen.

Dagaal ka dhanka ah IS ee Soomaaliya ma dhawa.
Tricia Bacon oo ka tirsan Jaamacadda Maraykanka waxya ka digaysaa in inkasta oo "haatan IS laga awood roonaaday… ay hadana muujiyeen in ay yihiin urur adag, oo awood u leh in ay soo kabtaan, dib isu abaabulaan".
Abdikhayr Jaamac waxa uu leeyahay: "Ma joojineyno dagaalka ilaa dagaalamahooda ugu dambeeya gacanta lagu dhigo.
"Hadii qaadato 10 sano ama 15 sano, meel walba oo ay ku dhuuntaan waan ka daba galaynaa. Markii aan dhulka oo dhan ka sifayno ayaan nasanaynaa."
Dhanka kale, isaga iyo askarta kale waxay ku nool yihiin nolosha adag ee buuraha. Biyaha tubada iyo korontada wayn midnaba kama jirto halkaan, waxa ayna seexdaan teendhooyin laga sameeyay geedo iyo bacaha roobka ee oranjiga ah iyo dhagax hoos looga adkeeyay. Waxay ku tiirsan yihiin ari qashaan iyo adeeg loogu keeno diyaaradda qumaati u kacda laba jeer maalinkii.
Xiliyada jawigu degan yahay ee aan dagaal jirin, Muno waxay wacda caruurteeda – waxay leedahay sideed caruur ah balse laba jeer oo kaliya ah ayay argtay sanadkii la soo dhaafay.
Waxay sheegtay in caruurteedu ay yihiin waxa dhiiragaliya: "Waxa I dhahaan: 'Hooyo way soo noqon doontaa waanan guuleysan doonaa.' Waxay I dareensiisaa in aan wado sax ah ku taaganahay.
"Waddankaan aniga ayaa iska leh, kuwa soo weerarayna waa qaldan yihiin."













