Arsenal iyo beretanka horyaalka EPL, taariikhda miyaa dib isku soo celinaysa?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xilli ciyaareedyadii u dambeeyay, Arsenal ayaa u muuqatay mid aad ugu dhow inay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska (EPL), laakiin mar kasta oo ay gaaraan heerka ugu dambeeya, wax walba waa isbedelaan. Xilli ciyaareedkan waxa uu u muuqday mid ka duwan sidii hore, gaar ahaan ka dib markii ay muddo dheer ku jireen hogaanka oo ay dhiseen farqi weyn oo ka sarreeya kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester City iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinkii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay AFC Bournemouth iyo guuldaradii 2-1 ee shalay ka soo gaartay Manchester City, ayaa bilaabay inay sii kordhiyaan cabsidii hore. Farqiga ayaa ku soo koobmay 3 dhibcood oo kaliya, waxaana hadda sare u kacay cadaadiska tartanka horyaalka.

City oo khibrad badan u leh ku guuleysiga koobabka sanadihii ugu dambeeyay, ayaa u muuqata mid kordhinaysa xawligeeda sidii lagu yaqaanay xilliyada uu tartanku gabagabada marayo. Tani waxay ahayd qaab caadi ah oo ka hooseeya Pep Guardiola inuu si tartiib ah u bilaabo, ka dibna uu ku dhameeyo aargoosi.

Hadda, xilli ciyaareedka oo gabagabo ah, su'aasha ayaa ah Arsenal ma awoodi doontaa inay jabiso guuldarradii xiriirka ahayd ee daqiiqadihii ugu dambeeyay, mise taariikhda ayaa dib isu soo celin doonta?

Bisha Abriil – bil ku adag Arteta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mikel Arteta bisha Abriil waxay u ahayd bil dhib badan. Taariikhda waxay si cad u muujinaysaa in tani ay tahay bisha ay kooxdiisu lumiso joogteynta, isbeddelkaas oo mar kale soo shaac baxay xilli ciyaareedkan.

Sanadkii 2021, Arsenal intii uu maamulayey Arteta waxay ciyaartay 4 kulan bishii April, waxayna badisay kaliya 1 kulan, barbaro 1 ah, waxaana laga badiyay 2.

2023 waxa ay ciyaartay 5 ciyaarood, 1 guul, 3 barbaro iyo 1 guuldaro.

Sannadka 2026-ka, ilaa hadda waxa ay ciyaareen 2 kulan, waana laga badiyay labadaba. Inkastoo xaaladdu jirto, Arteta wuxuu sii wadaa inuu ku adkaysto in weli rajo jirto.

"Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa inaan middan ku guulaysan karno, maanta waxaan mar kale soo bandhignay nooca kooxda aan nahay, gacanteena ayay ku jirtaa" ayuu yiri Arteta.

Wuxuu kaloo intaas ku daray "Natiijadii waa nalaga adkaaday, waxaana u harsan kulan, waxa aanu ka horraynaa saddex dhibcood, waxa wali socda tartanka horyaalka".

Guusha Manchester City

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Manchester City ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku jirtay afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay EPL iyada oo badinaysay10-kii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareed kasta. Xili ciyaareedkii 2021-22 waxa ay badiyeen 7 kulan iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin 3 bar-baro ayay galeen.

Xilli ciyaareedkii 2023-24 waxa ay badiyeen 8, barbaro 1 ah, waxaana laga badiyay 1 kaliya, halka xilli ciyaareedkii 2024-25 ay ku celiyeen guulahooda iyagoo badiyay 7, 3na barbarro galay.

Isku soo wada duuboo afartii sano ee la soo dhaafay guud ahaan 40-kii kulan ee ay ciyaareen waxa ay badiyeen 31 kulan 8 kulan bar-baro ayay galeen waxana laga badiyay 1 kulan oo kaliya taas oo muujinaysa in ay si fiican isku waafaqeen una awood badnaayeen.

Kabtanka kooxda Bernardo Silva ayaa ku nuux-nuux saday muhiimada guushii ay shalay ka gaareen Arsenal. "Waa guul weyn, waxa ay na dhigeysaa boos hadii aan badino aan kulankeena noo dhiman aan ku simanahay dhibco".

Aragtida falanqeeyayaasha marka la eego xaaladani waxay siinaysaa City faa'iido wayn. Danny Murphy isagu wuxuu leeyahay "Waxaan u maleynayaa inay ku guuleysan doonaan horyaalka iyagoo ku kala horreeya farqiga goolasha".

Tayadan dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa ah waxa ka dhigaya City khatarta ugu weyn ee tartankan.

Taariikhda miyaa soo noqnoqonaysa?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Su'aasha ugu weyn ee weli taagan ayaa ah in Arsenal ay bedeli karto qorshahooda sanadihii ugu dambeeyay. Inta badan si fiican ayay u bilaabeen, laakiin way ku guuldaraysteen inay dhammeeyaan shaqada ugu dambaynta.

Dhinaca kale, City waxay dhistay sumcad ay ku guulaysato cadaadiska, khubarada badankood ayaana aaminsan inay taasi mar kale dhici karto. Wayne Rooney waxa uu qabaa aragti taa ka yara duwan. "Tartanka horyaalka wali ma dhamaan...waxaa wali jiri doona isbadal, Arsenal wali xoogaa fursad ah ayay haysataa".

Laakiin kuwa kale waxay u arkaan si ka duwan. Gary Neville oo ka hadlaya City ayaa yiri. "Waxay ku socdaan waddadii saxda ahayd, waana tareen ay adag tahay in la joojiyo".

Si kastaba ha ahaatee, natiijada kama dambaysta ah ayaa lagu go'aamin doonaa cidda maareyn karta cadaadiska kulamada u harsan, iyadoo City ay u harsan tahay 6 kulan, halka Arsenal ay 5. Sida xilli ciyaareedkii hore, heerkan ugu dambeeya ayaa wax walba go'aamin doona.