Boqol kun oo qof oo shaqo la'aan ku noqday Canada bilooyin gudahood

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dawladda Canada oo la tacaalaysa cadaadiska kaga imaanaya canshuuraha uu soo rogay Maraykanka, ayaa waxa sannadka 2026 oo keliya shaqooyinkoodii waqtiga buuxa waayay in ka badan 100 kun oo muwaadin. Warbixin la soo saaray Jimcihii ayaa muujinaysa in heerka shaqo la'aanta dalkaas ay gaartay 6.7 boqolkiiba.
Tiradan ayaa ah tan ugu sarreysa waddamada qaniga ah ee G7 marka laga reebo Faransiiska. Wixii ka dambeeyay xilligii masiibada COVID-19, bishii Febraayo ayaa la arkay kororkii ugu sarreeyay ee shaqo la'aanta, iyadoo saamaynta ugu weyn ay ku habsatay qaybaha ganacsiga jumlada iyo tafaariiqda.
Ra'iisul Wasaare Mark Carney oo ka jawaabayay warbixintan u dambaysay ayaa yiri: "Tallaabooyinka ganacsi ee Maraykanku ku soo rogay Canada waxay keenayaan isbeddel weyn oo xagga dhaqaalaha ah." Isagoo la hadlayay saxafiyiinta xilli uu booqasho ku joogay dalka Norway maalintii Jimcaha, ayuu sidoo kale xusay in mushaharku uu guud ahaan dalka kordhay, heerka shaqo la'aantuna uu hoos uga dhacay 6.8 boqolkiiba oo uu joogay markii uu xafiiska la wareegay bishii Maarso 2025.
Khubarro dhinaca dhaqaalaha ah ayaa tilmaamay in tirooyinkan u dambeeyay ee shaqo la'aantu ay yihiin kuwo laga walaaco. Xisbiga mucaaradka ee Conservative-ka ayaa warbixinta ku tilmaamay "war naxdin leh."
Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka Pierre Poilievre, oo Jimcihii la hadlay warbaahinta, ayaa eedda qayb ahaan dusha ka saaray hoggaanka Carney, isagoo sheegay in Canada dhaqaalaheedu uu yahay kan ugu liita dalalka G7.
"Waa run inay jiraan dhibaatooyin caalami ah, mana xakamayn karno waxa uu samaynayo Madaxweyne Trump. Waddan kastaaba wuxuu wajahayaa canshuurahan, laakiin midkoodna uma wiiqmin xagga dhaqaalaha sida Canada," ayuu yiri.
Poilievre ayaa hadalkan sheegay ka hor safarkiisa uu ku tegayo dalka Maraykanka. Waxa uu qorshaynayaa inuu kulamo la yeesho madaxda shirkadaha baabuurta iyo xubnaha Congress-ka si uu ugala hadlo habka ay Xisbiga Conservative-ka u wajahayaan khilaafka ganacsi ee u dhexeeya Kanada iyo Maraykanka.
Tan iyo markii uu Trump xafiiska la wareegay sannadkii hore, canshuuraha uu saaray qaybaha muhiimka ah ee Canada, oo ay ku jiraan baabuurta, birta, iyo aluminiyumka, waxay sababeen in kumanaan qof ay waayaan shaqooyinkooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In kasta oo waxyaabo badan oo Canada ay dhoofiso lagu ilaaliyay heshiiskii ganacsi ee muddada dheer jiray ee Waqooyiga Ameerika (USMCA), haddana Trump waxa uu soo rogay canshuuro gaar ah oo ballaaran, oo ay ku jirto canshuur caalami ah oo dhan 10 boqolkiiba.
Hadda, mustaqbalka USMCA ma cadda. Sannadkan waxaa lagu samaynayaa dib-u-eegis khasab ah, Trump-na waxa uu muujiyay inuu taageeri karo baabi'intiisa ama inuu la saxiixdo heshiisyo ganacsi oo gooni-gooni ah Canada iyo Mexico.
Hubanti-la'aantan ayaa ah sababta ugu weyn ee ka dambaysa xogta "laga naxo" ee shaqooyinka Kanada, sida ay sheegtay Catherine Judge oo ah dhaqaalayahan sare oo ka tirsan CIBC Markets. "Tani waa warbixin si cad u walaac badan... waxay muujinaysaa hoos u dhac ku yimid fursadaha shaqada iyo in dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ay istaageen hubanti-la'aan awgeed," ayay tiri.
Maaddaama uu Maraykanku yahay suuqa ugu weyn ee Canada wax u dhoofiso, Canada waxay aad ugu nugushahay canshuuraha Maraykanka. Qiyaastii saddex meelood oo meel alaabta Canada waxaa loo dhoofiyaa Maraykanka, laakiin tiradaas waxay hoos ugu dhacday ilaa 67 boqolkiiba dhowrkii bilood ee la soo dhaafay."













