Maxay Fifa ku haysataa dalka lagu qabanayo Koobka Adduunka ee Qadar?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxwaynihii hore ee Fifa Sepp Blatter ayaa sheegay in go’aankii lagu gudoonsiiyay qabashada koobka aduunka 2022 Qatar uu ahaa mid “khalad” ah.
Blatter, oo 86 jir ah, ayaa ahaa madaxweynaha ururka xidhiidhka kubbadda cagta adduunka markii Qatar la guddoonsiiyay tartanka 2010-kii.
Waddankan Khaliijka ah ayaa lagu dhaleeceeyay mowqifkooda ku aaddan xidhiidhka dhexmara dadka isku jinsiga ah, heerka xuquuqda aadanaha iyo hab la dhaqanka shaqaalaha muhaajiriinta ah.
"Waa dal aad u yar, kubbadda cagta iyo Koobka Adduunka ayaa aad ugu weyn," ayuu u sheegay wargeyska Swiss Tages Anzeiger.
Koobka Adduunka ee Qatar, oo ah kii ugu horreeyay ee lagu qabto Bariga Dhexe taariikhda tartankan oo jira 92-sano, iyo kii ugu horreeyay inta lagu jiro xilliga jiilaalka ee ay ku jiraan dalalka dhaca Waqooyiga Hemisphere, wuxuu dhacayaa 20 November ilaa 18 December.
Blatter waxa uu sheegay in Fifa ay wax ka beddeshay shuruudihii lagu soo xuli jirey dalalka martigelinaya koobkaas sannadkii 2012-kii, kaddib markii walaac laga muujiyay sida loola dhaqmay shaqaalaha ajnabiga ah ee waddankaas kala shaqynayey dhismayaasha garoommada lagu ciyaari doono Koobka Adduunka ee Qatar.
“Tan iyo markaas, tixgelinta bulshada iyo xuquuqul insaanka ayaa noqday qodobka u weyn ee la tixgelinayo," ayuu raaciyay.
Blatter ayaa 17 sano ahaa madaxweynaha Fifa, laakiin waxaa lagu qasbay inuu xilka ka dago 2015 ka dib markii lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u abaabulay lacag dhan laba milyan oo faran Swiss ($ 2.19m; £ 1.6m) oo uu ku wareejiyay madaxweynihii hore ee Uefa Michel Platini, oo sidoo kale lagu qasbay inuu iska casilo xilkiisii xubinnimada booska Fifa.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilligaas FIFA ayaa ka mamnuucday kubadda cagta muddo sideed sano ah, iyadoo markii dambe laga dhigay lix.. Bishii Maarso 2021 wuxuu markaas helay ganaax dheeri ah oo gaadhsiisan ilaa 2028, kaas oo ka dhashay "xadgudubyo kala duwan" oo khuseeya xeerka anshaxa Fifa.
Blatter iyo Platini ayaa lagu soo eedeeyay musuqmaasuq bishii November ee la soo dhaafay balse wax dambi ah lagu waayay maxkamad ka dhacday Switzerland bishii July.
Go’aanka ah in ciyaaraha adduunka ee 2018 iyo 2022 lagu abaalmariyo qabashadooda Russia iyo Qatar sida ay u kala horreeyaan ayaa waxaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq oo baahsan, iyadoo labo baaritaan ay bilaabeen dacwad oogayaasha Switzerland iyo waaxda cadaaladda ee Mareykanka sanadkii 2015-kii.
Qatar iyo Ruushka ayaa had iyo jeer diida inay wax khalad ah sameeyeen, waxaana labadaba si hufan u caddeeyey in ay si sax ah u heleen baaritaankii Fifa ee 2017-kii.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo