You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ka dib in ka badan 14 sano uu joogay Atletico Madrid, maxaa xiga oo uu sameyn doonaa Simeone?
Tan iyo markii uu noqday maamulaha kooxda 2011, Diego Simeone waxa uu Atletico Madrid ka bedelay koox aan qaab ciyaareed fiican lahayn , oo la dhibtooneeysay joogteynta gudaha iyo Yurub, isagoo oo kooxda ka dhgay mid cajiib ah oo ku guuleysatay koobab iyo tartan joogto ah ee Champions League.
Laacibka reer Argentine ayaa Atletico Madrid u horseeday horyaalka La Liga ee ugu horeeyay muddo 18 sano ah sanadkii 2014-kii – waxa uu ahaa xiddig khadka dhexe ah oo dagaal badan 1996-kii oo kooxdu ku guulaysatay horyaalka – waxana uu jabiyay awooddii Real Madrid-Barcelona si uu mar kale ugu guulaysto 2021.
Si kastaba ha ahaatee ka dib markii in ka badan 14 sano oo uu maamulayay, su'aalaha ku saabsan mustaqbalka Simeone ayaa soo badanaya, taas oo sii xoojisay imaatinka aqlabiyadda saamileyda cusub ee Atletico kuwaas oo laga yaabo inay riixaan isbeddel.
55-jirka ayaa qandaraaskisu uu sii jirayaa ilaa bisha Juun 2027, laakiin hubanti la'aan ayaa ku xeeran waxa soo socda.
Atletico ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga waxana ay 16 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Barcelona kuwaas oo ay 3 jeer wajihi doonaan labada toddobaad ee soo socda horyaalka La Liga iyo waliba wareegga 8 dhamaadka champions League.
Taas beddelkeeda, ra'yiga taageerayaasha ayaa ku kala qaybsan bal in mustaqbalka naadigu weli lagu dhisayo 'El Cholo' iyo in kale.
Isbeddelka Simeone uu Atletico ku sameeyay
Hal mid oo aan muran ka taagnayn ayaa ah diiwaanka maamul ee Simeone ee Atletico.
Waxa uu soo maamulay Atletico Madrid 786 xilli ciyaareed, isagoo diiwaan geliyay 465 guul, 170 barbaro iyo 151 guuldarro ah oo uu ku jiray in ka badan 14 xilli ciyaareed iyo bar. Waxa ay ka dhigeysaa mid ka mid ah maamulayaasha ugu waqtiga dheer ee soo mara kubada cagta adduunka.
Atletico ayaa u soo bandhigtay Simeone shaqadiisii ugu horeysay ee ugu weyneyd ee macalinimo ee kubada cagta Yurub markii la magacaabay December 2011, doorkiisii hore ee qaaradda wuxuu ahaa inuu kooxda reer Talyaani ee Catania uu ka badbaadiyo in ay hoos uga dhacdo heerka koobaad ee Seria A, ka dib markii uu Argentina kula guuleystay River Plate iyo Estudiantes.
Waqtigaas, naadiga waxa lagu sameeyay isbeddel. Markii ugu horeysay ee uu Simeone yimid, Atletico ayaa haatan laga saaray Copa del Rey iyadoo ay ka saartay kooxda heerka seddexaad ee Albacete, waxana ay ku jireen kaalinta 10aad ee kala sarreynta La Liga, 21 dhibcood ayey ka hooseeyaan kooxaha hogaaminaya.
Si kastaba ha ahaatee intii uu macalinka u ahaa Argentine, Atletico ayaa sii wadday ku guuleysiga Europa League xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Simeone, ka hor inta aysan ku darin Uefa Super Cup iyo Copa del Rey 2012-13.
Laga soo bilaabo 2013-14 wixii ka dambeeyay, ka dib markii ay ku guulaysteen koobkoodii ugu horeeyay ee Simeone, Atletico ayaa u soo baxaysay Champions League xilli ciyaareed kasta, laba jeer waxay ku dhacday guuldaradii ugu dambeysay ee finalka oo ay kala kulmeen kooxda ay xafiiltamaan ee Real muddo seddex sano ah intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016.
Ku tartamida marxaladda ugu weyn Yurub hadda looam arko guul, waxa loo tixgeliyaa heer ahaan.
Sida uu sheegay taageeraha Atletico Guillermo Muela, Simeone waxa uu bedelay maskaxda taageerayaasha.
"Waxa aan ka soo baxnay 'El Pupas, oo aan u gudubnay koox la tartami karta Barcelona iyo Real Madrid cabsi la'aan," Myela ayaa sidaas yiri.
"Xiriirka uu la leeyahay kooxda iyo taageerayaasha waa wax aad dhif iyi naadir u ah inaad ku aragto kubadda cagta casriga ah, waxa uu ku nool yahay Atletico Madrid."
Waa maamulaha ugu lebiska qurxoon ee abid soo mara kooxda, taageere Javier del Amo ayaa ku tilmaamay inuu yahay "mid ka mid ah astaanta ugu weyn ee taariikhdeena".
"Mid ka mid ah guulihiisii ugu weynaa ayaa ah in taageerayaasha mar kale ku aqoonsadaan kooxda," ayuu yiri del Amo.
Taageeraha cimriga dheer ee Dani Ruiz ayaa ku raacsan: "Isagu waa astaanta Atletico iyo waxa ay kubada casriga noqotay".
Milkiilayaasha cusub, fursadaha cusub?
Simeone Inta badan 14-sano oo uu joogay, booskaas Atletico wuxuu ahaa mid lama taabtaan ah.
Laakiin dildilaacyadu waxay bilawdeen inay soo baxaan qiyaastii 2022-23, iyadoo xilliyadii ciyaaraha isdaba jooga ahaa ee koobka waaweyn iyo ka haritaankoodii hore ee Yurub oo dhalisay shaki ku saabsan in habka difaaca ee caanka ah ee naadigu uu noqday mid aan la saadaalin karin
Xiligaas ayuu saxaafada la hadlay isagoo yiri: "Tan iyo markii aan kooxda imid, wax walba waan bixiyay, mar walbana waxa aan u huri doonaa wax walba, ilaa maalinta ugu dambeysa ee aan joogo halkaan".
Simeone ayaa daacad u ah Atletico laakiin ma uusan qarin rabitaankiisa ah inuu maalin uun maamulo koox kale oo ka mid ah kooxdiisii hore.
"Aniga kaliya iguma xirna, laakiin xirfadeyda tababarnimo waxa aan qiyaasi karaa naftayda inaan maamulayo Inter [Milan] maalin uun, waxa aan u maleynayaa inay dhici doonto," ayuu yiri November 2025 ka hor inta aysan Atletico Champions League la ciyaarin kooxda Milan.
Su'aalahaas ayaa mar kale sii xoogeystay markii, bishii Maarso, milkiilayaasha cusub ee Apollo Sports Capital ay la wareegeen Atletico, iyagoo u kusoo kordhiyay codad cusub iyo rajooyin sare kooxda.
Madaxa fulinta Miguel Angel Gil ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo joogtaynta. Wuxuu sheegay inuu doonayo "inaan sii wadno inaan ku dhisno dhaxalka weyn ee garoonka dhexdiisa iyo dibadiisaba ah ee taageerayaasheenna, ciyaartoydeena, macalimiinteena iyo shaqaalaheena, iyo bulshadeenaba".
Si kastaba ha ahaatee xilligaan isbedelku waxa uu dib u soo celiyay doodda taageerayaasha, kuwaas oo ku kala qaybsan in Simeone uu sii joogo ama uu kooxda ka tago.
Taageerayaasha miyeey aaminsanyihiin - 'xiriir khalafsan?
Taageerayaasha sida Ruiz ayaa qaba in Simeone ay tahay inuu go'aansado marka uu doonayo inuu baxo: "Wuxuu halkaas u joogay inuu difaaco taageerayaasha iyo inuu muujiyo wixii ay taageerayaashu ku fikirayeen waqtigaas, wax badan ayuu nooga dhigan yahay taageerayaashuna way jecel yihiin isaga.
"Taageerayaashan sheegayey inuu baxo dhowrkii sano ee la soo dhaafay waa kuwa aragti gaaban, Simeone waa uu u qalmaa inuu sii joogo inta uu doonayo, wuuna u qalmaa inuu go'aansado marka uu doono inuu naf ahaantiis in uu tago, waxa aan jeclaan lahaa inuu sii joogo wixii ka dambeeya 2027".
Del Almo ayaa sidoo kale qabo in Simeone uu sii joogi doono.
"Waxa aan doonayaa waxa uu Simeone doonayo, wax uu noo yahay mid gaar ah sidaas darteed waxa aan la doonayaa waxa ugu fiican isaga"ayuu yiri.
"Waa maxay waxa ugu fiican? Diego waa qofka kaliya ee taas og. Malaha shaqadiisa ayaa soo gabagaboobaysa waqti uun laakiin Simeone iyo Atletico wali waxay haystaan waqtiyo qurux badan oo ay ku wada joogaan."
Laakiin Myela wuxuu dareenkiisa ku aaddan Simeone ku tilmaamay mid la mid ah "xiriir khalafsan".
"Waan jeclahay isaga, waanan qaddariyaa xusuusta quruxda badan ee uu abuuray, mar walbana waan qaddarin doonaa wax kasta oo uu noo sameeyay. Laakiin mararka qaar waxa aan dareemaa in waxa ugu fiican ee labada dhinacba ay tahay in horey loo socdo," Myela ayaa sidaasi sharraxay.
"Simeone-ka 2026 ma aha ninkii yimid kooxda 16 sano ka hor. Tababarayaal badan oo ka socda kooxo kale ayaa durba 'dhaafay shaxdiisa' marka ay timaado xeeladaha kubadda cagta, habkiisuna ma aha mid cusub ama u hufan sidii hore.
"Waxa aan rajo ka qabaa maamulka cusub, waxa aanan aaminsanahay inay diyaar u yihiin inay maalgashadaan kooxda oo ay sameeyaan saxiixyo waaweyn. Laakiin waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay inaan la qabsano kubadda cagta ee hadda jirta oo aan wax yar ka beddelno qaabkeenna."
Hadda, dhammaan dareenka Simeone wuxuu ku xirnaan doonaa bisha Abriil dalabka Atletico ee Madrid.
Kooxda Rojiblancos ayaa wajihi doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkan, ka hor inta ayna isku arkin kooxaha ka soo horjeeda wareega 8 dhamaadka champions League.
Saddex maalmood uun ka dib lugta labaad ee Champions League, Atletico waxay ciyaari doontaa finalka Copa del Rey iyadoo la ciyaari doonta Real Sociedad oo ka dhici doonta Seville halkaas oo Simeone uu hiigsan doono inuu koob sagaalaad ku daro maamulkiisa Atletico – taas oo lag ayaabo in ay dib u dhigto go'aanada mustaqbalka .