You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iiraan iyo Maraykanka oo ku tartamaya baadigoobka shaqaalaha weli ku maqan soo riditaankii diyaarada dagaal

Ciidamada Maraykanka ayaa weli baadigoobaya xubinta shaqaalaha Maraykanka ee weli lagu la'yahay diyaarada dagaal ee lasoo riday

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Basra : Dab ka holcaya shirkad shidaal kadib weerar diyaarad

    Dab ayaa ka qarxay xarun kayd oo ay leedahay shirkad shidaalka oo Ajnabi ah, taasi oo ku taala Galbeedka Basra, Ciraaq, subaxnimada Sabtida kadib markii weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu dhacay, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen ilo ammaan.

    Wakaalada wararka ma shaacin magaca shirkada.

    Tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Maraykanka oo isku dhinac ay ku qaadeen Iiraan, xarumaha shidaalka ee dalalka gobolka ayaa la kulmay beegsiga Jamhuuriyada Islaamiga ah.

    WARBIXINO DHEERI AH

  2. War deg deg ah, Iiraan oo weli baadigoobaysa duuliyaha kumanaanka kun ay madaxiisa dul saartay

    Masuul ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in aysan ‘’weli suulin dadaalada sii soconaya ee ay ku baadigoobayaan duuliyaha Maraykanka ee ‘diyaaradu kula dul dhacday Iiraan’, ayna wadaan soo qabshadiisa’’ sida ay sheegtay BBC Arabic.

    Saraakiisha Iiraan waxaa ay soo bandhigeen abaalmarin gaaraysa ilaa £50,000 oo u dhiganta $66,100 doolar oo la siinayo muwaadiniinta ka caawiya dowladda soo qabashada duuliyaha la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Iiraan ayaa sheegtay inay soo riday diyaada A-10 ee qaybta ka ah howlgalka badbaadinta iyo baadigoobka ee diyaaradii koowaad ee lasoo riday.

    WARBIXINO DHEERI AH

  3. War deg deg ah, Shilalkiii hore ee soo ridista diyaaradaha dagaalka Maraykanka

    Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.

    Saddex diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-15 ayaa kusoo dhacay Kuwait, kadib shil ‘’is-rasaasayn saaxiibtinimo’’ oo dhacday horaantii bishii Maarso, sida ay sheegeen taliska bartamaha ciidamada Maraykanka ee (CentCom). Dhammaan xubnihii shaqaalaha diyaaradda ayaa badbaaday.

    Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida ay sheegtay CentCom.

    Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15 ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.

    Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.

    Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.

    Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.

    WARBIXINO DHEERI AH

  4. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay caasimada Suuriya

    Sida uu baahiyay taleefishka dowladda Suuriya, waxaa qaraxyo laga maqlay magaalada Dimishiq ee caasimada Suuriy iyo baadiyaha magaaladaasi goor hore Sabtidii maanta ahayd.

    Waxa sababay lama yaqaan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

    Qaraxyada ayaa laga yaabaa inay ahaayeen natiijada difaacyada kahortaga ciidamada cirka Israa’iil ay ku qabanayeen gantaalada Iiraan, sida uu sheegay taleefishinka dowladda.

    WARBIXINO DHEERI AH

  5. War deg deg ah, Israa’iil oo ka hadashay waxyeelada gantaalo ka yimi Iran

    Laanta gurmadka degdega ee Israa’iil ee MDA ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhaawacmay weerar gantaal oo ka yimid dhanka Iiraan.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in hababka difaaca hawada ee dalkooda ay ku howlan yihiin kahortaga gantaalada looga soo ridayo Iiraan.

    MDA ayaa intaa ku dartay in Nin da’diisu ay tahay 45 sano uu dhaawac fudud kasoo gaaray jajabka muraayad magaalada dhacda bartamaha ee Bnei Brak oo u dhow Tel Aviv, islamarkaana haatan loo qaaday isbitaalka.

    WARBIXINO DHEERI AH

  6. War deg deg ah, Trump oo codsaday kordhintii ugu weynd ee miisaanidda difaaca

    Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose ee Baarlamanka Maraykanka kordhinta miisaaniyadda difaaca ilaa iyo $1.5 tiriliyan, taas oo noqonaysa ballaarintii ugu weynayd ee nooceeda ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    Tani ayaa waxaa kamid ah maalgelinta nidaamka difaaca gantaallada ee loo yaqaan ‘’Golden Dome’’ oo uu soo jeediyay maamulka Trump iyo sidoo kale xoojinta warshadaha dhismaha maraakiibta ciidamada badda ee gudaha oo ay ku jiraan maraakiibta dagaal oo cusub ee loo bixiyay ‘’Trump’’.

    WARBIXINO DHEERI AH

  7. War deg deg ah, Weerarada Bariga Dhexe oo weli sii socda

    Waxaa soo baxaya warar la xiriira in ciidamada Milatariga Israa’iil ay dib u dhigayaan weeraro ay ku qaadi lahaayeen Koonfurta Iiraan, iyada oo weli la raadinayo xubinta shaqaalaha diyaarada lasoo riday ee Maraykanka ee weli maqan.

    Waxaa dhanka kale qaraxyo culus ay ka dhaceen Bariga Tehran, sida ay sheegeen labo il oo xog-ogaal ah, sida uu sheegay wariyaha sare ee BBC Persian.

    Saddex kal ayaa BBC u sheegay inay maqleen diyaarado dagaal oo hawada ku jira. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada magaalda la howlgaliyay.

    Waxaa ay horay ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF u xaqiijiyeen mowjado kale oo weeraro ah oo ka dhacay Tehran.

    Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay IDF sheegtay inay fulisay ‘’in ka badan 70 weerar’’ oo ka dhacay galbeedka iyo bartamaha Iiraan, kuwaas oo lagu beegsaday goobaha laga rido gantaallada ballasti-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Warar kale oo gaar ah ayaa sidoo kale sheegaya inay bilowdeen weeraro lagu qaaday qaybo kamid ah Beirut

    Ciidamada IDF ayaa intaasi ku daray inay aqoonsadeen gantaallo laga soo tuuray Iiraan oo ku wajahnaa Israa’iil.

    WARBIXINO DHEERI AH

  8. War deg deg ah, Tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dhaawacay dagaalka Iiraan

    Guud ahaan xubnaha ka tirsan laanta adeegga Maraykanka ee ku dhaawacmay tallaabooyinka weerarada ee tan iyo bilowgii dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah ay ku qaadeen IIraan ayaa gaaysay 365 xubnood.

    Tirada dhaawacyada ee laamaha ciidamada hubaysan ee Maraykanka ayaa kala ah

    Ciidamada Milatariga – 247, Ciidamada badda – 82 iyo Ciidamada Cirka oo ah 36.

    Weli dhimashada ayaa taagan 13 xubnood.

    WARBIXINO DHEERI AH