Iiraan oo sheegtay in qabiilo reer guuraa ah ay duqeeyeen laba diyaaradood oo Black Hawk ah oo Mareykanka leeyahay
Iiraan ayaa sheegtay in laba qabiil oo reer guuraa ah oo ku nool buuraha Iiraan ay duqeeyeen laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah oo Mareykan ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Hay'adda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in "reer guuraaga Kohgiluyeh Boyerahmad [gobolka] iyo Bakhtiaris" ay "si guul leh u duqeeyeen laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah gobollada buuraleyda ah ee aan la gaari karin oo ah meel ka fog joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Iiraan".
BBC-da ayaa la xiriirtay US Centcom si ay faallo uga bixiso.
Reer guuraaga iyo Bakhtiaris waxa dhaqan ahaan loogu yaqaan, qabiil reer Iiraan ah, oo loo aqoonsaday socdaalkooda xilliyeed ee adag. Waxa lagu yaqaan inay sitaan qoryo si ay xoolahooda iyo xeryahooda uga ilaaliyaan xayawaanka duurjoogta ah iyo xatooyada meelaha buuraleyda ah ee fog.
BBC Verify ayaa xaqiijisay muuqaal laga duubay Jimcihii oo muujinaya wax u muuqda saddex qof oo hubaysan oo rasaas ku furaya ugu yaraan laba diyaaradood oo nooca Black Hawk ah.