Waxaan shukaansi ka diiday feeryahan- kadibna feer uu daanka i fujiyay ayaa nolosheyda beddeshay

    • Author, Selena Jackson
    • Role, BBC Scotland
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Haweeney ka shaqaysa is-qurxinta ayaa ka warrantay sida feer keliya oo uu ku dhuftay dagaalyahan habeen ay dibadda u baxday uu nolosheeda weligeedba u beddelay.

Anne Marie Boyle ayaa miyir-beeshay ka dib markii ay iska diidday Sean McInnes oo shukaansi ugu soo bandhigtay baar dhexdiis bishii Sebtembar 2024. Hooyadan labada carruur ah leh, oo sheegtay inay "nasiib u yeelatay inay noolaato," ayaa feer looga jebiyay wejiga, godka isha iyo lafta dhabanka.

Balse waxay sheegtay in weerarku uu sidoo kale u geystay dhaawac dhanka maskaxda ah iyo qallal ama suuxdin soo noqnoqota, taas oo keentay inay weydo ganacsigeedii, awooddii ay gaariga ku kaxaysan lahayd, iyo kalsoonidii ay nafteeda ku qabtay.

Sheekadan waxaa ku jira sawirro dhaawacyo ah oo laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan.

McInnes - oo ka qayb galay tartan weyn oo Muay Thai ah - ayaa lagu xukumay 21 bilood bishii Maarso.

Anne Marie, oo ah khabiir ku takhasustay quruxda iyo daawaynta dabiiciga ah, lehna meherad u gaar ah oo guulaysatay, ayaa ku sugnayd baar ku yaalla East Kilbride, South Lanarkshire, iyada iyo ilma-adeerradeed habeenkii ay dhacdadu dhacday.

Waxay u sheegtay BBC Scotland News inuu ahaa baar aysan inta badan tegi jirin, balse ay u tageen inay ku daawadaan barnaamij ku saabsan dadka wax sii sheega.

Haweeneydan 38-jirkan ayaa sheegtay in habeen jawigu degganaa uu markii dambe isu beddelay riyo naxdin leh oo nolosheeda wax ka beddeshay.

"Gabadhaydu waxay lahayd ciyaar kubadda cagta ah maalinta xigta, markaas waxaan ogaa inaan gaariga kaxayn doono, runtiina wax badan ma aanan cabin habeenkaas," ayay tiri.

"Wiilkan ayaa mar walba miiska ku soo noqnoqonayay. Ma uusan aqbalayn in Maya loo sheego. Nagamana uusan harayn."

Anne Marie waxay sheegtay inaysan waligeed la kulmin ka hor. 'Hadda markaan dib u jalleeco, waxaa hubaal ah inay jireen calaamado digniin ah – sida inuu iska indho-tiray xudduudaha.

Qof ayaa i weydiiyay, ma u malaynaysaa inuusan fahmin macnaha Maya? Wuu fahmay Maya – balse ma aysan ahayn jawaabtii uu rabay.'"

Markii baarka la xiray, Anne Marie iyo saaxiibbadeed waxay u baxeen inay baxaan oo ay lug ku aadaan gurigooda.

Waxay ku tiri McInnes, "Fadlan, jid kale uun qaad."

Laakiin wuu sii waday inuu dhibaateeyo.

Anne Marie waxay tiri: "Weerar afeed ayuu ahaa—kaliya qaylo iyo ku qaylin wejiyadeenna, isagoo naga dul istaagaya, mana oggolaanayn inaan dhaafno.

"Markaan dib u fiiriyo, labo waddo oo keliya ayuu u socday—ama isagu wuxuu heli lahaa wixii uu rabay, ama arrintu sidaas ayay u dhici lahayd. Sidaas darteed way sii xumaatay."

Waxay sheegtay in McInnes—oo ka qayb galay Lion Fight 68—uu si aad ah u riixay eeddadeed, ilaa ay qaylinaysay.

Ilbiriqsiyo kadib, wuxuu Anne Marie feer kaga dhuftay wejiga.

Waxay raacisay: "Waxaan noqday mid miyir beeshay.

"Isla markiiba kadib, wuxuu sidoo kale feer ku miyir beeliyay wiil kale."

Waxaysan iyagu markaas ogayn in McInnes uu ahaa dagaalyahan MMA oo tababaran.

"Waligay xanuun sidan oo kale ah ma aanan dareemin," ayay Anne Marie tiri.

"Waxaan u maleynayaa inuu si sax ah u ogaa halka uu igu dhufanayo."

Wejigeeda iyo ilkahaheedu waxay dareemeen xanuun daran.

Waxay raacisay: "Waxaan xasuustaa askari booliis ah oo ii yimid oo igu yiri, ma fiican tahay?

"Askarigu wuxuu yiri dhiig ayaa ka imaanayay gadaasha madaxayga."

Anne Marie waxay isbitaalka ku jirtay saddex toddobaad, waxaana ku dhacday xaaladda Functional Neurological Disorder (FND), oo ah dhibaato ku saabsan sida maskaxdu u hesho oo ugu dirto macluumaadka jirka intiisa kale.

Hadda waxay la ildaran tahay suuxdin, gariir aan la xakameyn karin iyo xanuun joogto ah.

Dhacdadan oo dhan waxay saameyn weyn ku yeelatay nolosheeda.

Iyadoo aan awoodin inay shaqeyso, waxay lumisay ganacsigeedii, sidoo kale leysankeeda darawalnimada waa laga ceshaday sababtoo ah ammaan uma aha inay baabuur waddo.

Anne Marie waxay tiri: "Nolosheydu gabi ahaanba way is beddeshay.

"Kaligey ma bixi karo. Welwelkaygu aad buu u daran yahay, mana garanayo hadda waxa ay damacsan yihiin dadka kale."

Waxay sidoo kale sheegtay in mararka qaar calaamadaha maskaxeed ay ka sii xun yihiin kuwa jireed.

Anne Marie waxay kaloo sheegtay inay mar kale wajahdo McInnes inta lagu jiro dacwadda maxkamadda inay ahayd "mid aad u naxdin badan."

McInnes wuxuu diiday dambiga ilaa maalinta maxkamadda, markaas oo uu ugu dambayn qirtay weerarka.

Anne Marie way ka niyad jabtay in aan lagu xukumin xabsi dheer.

"Wuu baxayaa, wuxuuna ku laaban doonaa qoyskiisa iyo carruurtiisa," ayay tiri.

"Wuxuu awoodi doonaa inuu kaxeeyo baabuur, oo uu ku laabto shaqadiisa.

Anigana ma shaqeyn karo, sababtoo ah waqti kasta ayaan dhici karaa."

Hadda waxay rabtaa inay dadka ka wacyigeliso khatarta ay leeyihiin dadka la midka ah McInnes.

Sidoo kale waxay doonaysaa inay adduunka ka dhigto mid ammaan u ah haweenka sida gabdhaheeda labada ah.

Anne Marie waxay tiri: "Waxaan leeyahay laba carruur ah oo ii baahan, sidoo kale waxaan hareerahayga ku haystaa dad badan oo i jecel.

Jacaylkaas ayaa ah waxa iga caawiyay inaan ka gudbo arrintan.

"Waxaan u sheegayaa sheekadan sababtoo ah ma doonayo inay tani ku dhacdo qof kale oo laga yaabo inuusan haysan taageero, uusan xoog badnayn, ama uusan lahayn awood uu kula tacaalo."