Maxay tahay cabsida Turkiga soo wajahday ka dib weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Walwalka ugu weyn ee Turkigu waa in dowladda Tehran ay burburto, ayna Iran gasho dagaal sokeeye iyo fowdo gobolka ah.

Masuuliyiinta Ankara ayaa si gaar ah uga welwelsan, iyaga oo tixraacaya khibraddii laga soo arkay Suuriya. Waxay sidoo kale ka baqayaan haddii nidaamka Iiraan uu burburo, in Turkigu noqon karo bartilmaameedka xiga ee Israa'iil si loo ilaaliyo awooddeeda gobolka.

Hadalkii ugu cadcadaa waxaa shalay sheegay Devlet Bahçeli, hoggaamiyaha Xisbiga Waddaniga ee Harkat, mid ka mid ah labada xisbi ee isbaysiga xukunka haya iyo saaxiib dhow oo Recep Tayyip Erdoğan ah. Waxa uu hadalkan ka sheegay casho afur ah oo loogu talagalay guddoomiyayaasha magaalooyinka.

"Iran waxay leedahay taariikh weyn oo ballaaran, hoos u dhac kasta laguma koobi karo arrin dowladeed. Taa beddelkeeda, waxay yeelan doontaa saamayn cadaadis amni oo xuduudaha ka baxsan, barakaca dadka, xiisadaha qabiilka, faafitaanka shabakadaha dhaqaale ee sharci-darrada ah, iyo kororka kooxaha hubeysan."

Baghçili wuxuu intaa ku daray: "Dhibaatada Turkigu wajahayo ma aha kaliya xiisad xuduud oo fog, balse waxay si toos ah ula xiriirtaa amniga qaranka, amniga xuduudaha, iyo xasiloonida gobolka. Khibraddii Suuriya ayaa cashar qaali ah na bartay. Maanta, horumarka Iran waa in si taxadar leh loo daawadaa. Isla markiiba marka firaaq dowladeed ka dhaco gobolka, garasho, damiir, xikmad wadajir ah iyo naxariis kama shaqeeyaan halkaas, balse hubka ayaa wax xukumaya."

Baghçili wuxuu yiri Turkigu waa inuusan noqon "mid aan wax kala jeclayn sida Suuriya."

Wuxuu intaa ku daray: "Marka hore, amniga xuduudaha waa in lagu xoojiyo heerka ugu sarreeya. Diyaargarow dhinacyo badan leh ayaa lagama maarmaan u ah xaalad kasta oo suurtagal ah oo ka dhacda xuduudka Iiraan."

"Cadaadisyada socdaalka ee suurtagalka ah, faafitaanka shabakadaha tahriibka, dhaqdhaqaaqa hubeysan, soo-galitaanka argagixisada iyo saameynta dhaqaale waa in lagu maareeyaa qaab amni oo dhamaystiran."

Sidoo kale waxaa suurtagal ah in kooxaha Kurdida ee kasoo horjeeda dowladda Iiraan ay ku biiraan dagaalkan. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Washington iyo Tel Aviv ay sidoo kale ay taas doonayaan. Donald Trump ayaa sheegay in "taasi ay ahaan lahayd wax weyn."

Masuuliyiinta Turkigu aad ayey uga welwelsan yihiin arrintan.

In kasta oo Trump uu dhowr maalmood ka dib qaatay mowqif kale, isaga oo sheegay in hadda aysan jirin qorshe Kurdidu qayb uga noqonayaan dagaalka, haddana suurtagalnimada arrintan weli si buuxda looma diidin.

Abdullah Mehdadi, xoghayaha guud ee ururka Kurdida Iiraan ee Komla, ayaa u sheegay Newsweek in ciidamada uu hogaamiyo ay diyaar u yihiin inay weeraro dhulka oo ka dhan ah ciidamada amniga Iiraan bilaabaan haddii ay sii socoto duqeynta hawada ee wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa'iil, uuna Donald Trump taageero.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa haddii Maraykanku go'aansado inuu taageero oo ilaaliyo xisbiyada kurdida, waxaan ka ciyaari karnaa door muhiim ah. Waxaan bilaabi karnaa hanaanka madax-bannaanida, ma aha sidii caadiga ahayd."

"Laakiin waxaan riixi karnaa ciidamada Iiraan oo aan ka qabsan karnaa magaalooyinka gobolka Kurdistan, ilaalin karnaa dadkeenna, ka badbaadin karnaa xasuuqyada ciidamada dowladda, dhisi karnaa nabad, oo ka hortagi karnaa fowdo."

Sida uu sheegay Abdullah Mehdadi, tani waxay dhiirrigelin kartaa dadka Iiraan inay istaagaan.

Turkigu sidoo kale wuxuu ka welwelsan yahay arrimo kale oo badan, sida kororka qiimaha tamarta iyo saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta, fowdada sii kordheysa ee Ciraaq oo khatar ku noqon karta danaha Turkiga, iyo gantaallada NATO ee laga riday hawada Turkiga.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa beeniyay inay gantaallo ay ku rideen Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa shir jaraa'id la qabtay dhiggiisa Bangladeshi wuxuuna yiri: "Dagaalkan waa in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyaa. Marxaladdan, waa cadahay in dhammaan dhinacyadu ay ku soo noqdaan miiska wadaxaajoodka, xal waaraana kaliya ku imaan karo wadahadal. Turkigu wuxuu tamartiisa oo dhan ku hagayaa jihadan."

"Laakiin waxaan rabaa inaan carabka ku adkeeyo in dadaalkeenna daacadnimo iyo dabeecaddeena wax dhisida nabadda iyo xasiloonida aysan micnaheedu ahayn inaan wax u dhimayno amniga qaranka xitaa xad yar. Sidaad ogtihiin, gantaalkii nalagu soo riday shalay hawada ayaa lagu burburiyay. Waxaan si toos ah ula xiriirinaynaa arrinta Iiraan."

Fidan wuxuu si xooggan u dhaleeceeyay dowladda Israa'iil, isagoo sheegay in Turkigu uusan ku dhicin wax kicin ah isla markaana uusan ku biiri doonin "dagaalkan sharci-darrada ah."

Dhanka kale, qoraal Turki ku qoran oo uu soo dhigay Abbas Araqchi baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warbaahinta Turkiga.

Araqchi ayaa yiri: "Ducooyinka iyo muujinta isku duubnida ee ay walaalaha Turkiga iyo dowladda saaxiibka ah u muujiyeen dadka Iiraan waxa ay noo tahay il xoog iyo geesinimo ah."

Si kastaba ha ahaatee, kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad ay soo saartay digniin amni oo ku wargelisay muwaadiniinta Maraykanka inay ka baxaan Ciraaq isla markiiba, Turkigu wuxuu soo saaray digniin la mid ah oo uu ku booriyay muwaadiniintiisa inaanay safar ku tagin Ciraaq ilaa ay lagama maarmaan noqoto.

Digniinta waxaa lasoo saaray kadib markii weerar drone ah oo lagu qaaday dhismaha safaaradda Maraykanka ee Baqdaad.

Illaa hadda waxaa Turkiga ka dhacay dhowr mudaharaad oo ka dhan ah dagaalka. Mudaharaadkii ugu dambeeyay, xubnaha Ururka Dhallinyarada Turkiga waxay siteen calamada Turkiga iyo Iiraan iyaga oo la hor istaagay safaaradda Maraykanka ee Ankara waxayna dhigayeen mudaharaadyo ka dhanka ah weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran.