Szoboszlai: "Ka kaca meesha… ama ku faraxsanaada"

Tababaraha Liverpool Arne Slot

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Liverpool xilli ciyaareedkan halkan waxa ay ku sugnayd marar badan iyaga oo sidan la kulmay. Mar kale gool xilli dambe laga dhaliyay ayaa ka qaatay dhibco.

Markan goolku waxa uu ka yimid Richarlison oo u dhaliyay Tottenham, taas oo keentay barbaro 1–1 ah oo ay la galeen Tottenham oo iyadu xaalku ku culus yahay sannadka, taas oo ka hor istaagtay Liverpool inay gaarto kaalinta afraad ee kala saraynta.

Ciyaartoydu si fiican ayay u garanayaan arrintan — taageerayaashooduna waa ay ku oriyeen markii ciyaartu dhammaatay.

"Waxaan dareemayaa niyad jab," ayuu yiri Dominik Szoboszlai — oo dhaliyay goolka Liverpool ee daqiiqaddii 18-aad — isaga oo la hadlayay Sky Sports.

"Waa inaan meesha iska qaadnaa, sababta oo ah haddii aan sidan kusii socono waa inaan ku qanacnaa Conference League. Ma garanayo sababta ay tani u dhacday, runtii ma garanayo.

"Mar kale daqiiqaddii ugu dambaysay, ma garanayo inta jeer ee xilli ciyaareedkan ay tani dhacday."

Sideed jeer — waa tirada saxda ah.

Liverpool xilli ciyaareedkan waxaa laga dhaliyay siddeed gool oo Premier League ah daqiiqadda 90-aad ama inta ka dambaysa, taas oo noqotay tiradoodii ugu badnayd hal xilli ciyaareed, kana badan 2010–11. Gool kasta oo ka mid ahna dhibco ayuu ka qaatay.

Maxaa sababa arrintan, sideese ay u saamayn kartaa dhammaadka xilli ciyaareedka?

"Ma tababaraha mise qaabka kooxda?"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Yaa lagu eedeynayaa dhibcaha daqiiqadaha dambe la lumiyay — maxaase sababay qaab ciyaareedka liita, iyagoo sanadkii hore ku guuleystay Premier League?

"Waxay ahayd ciyaar aad u liidata marka la eego kooxda ay la ciyaarayeen. Iyadoo la eegayo fursadaha natiijooyinka kale, haddana inay sidan u ciyaaraan — laakiin run ahaantii sidaas ayay ahaayeen xilli ciyaareedkan oo dhan," ayuu yiri Carragher.

"Su'aasha weyn waxa ay tahay: ma tababaraha baa sabab u ah mise qaabka ay kooxdu u dhisan tahay? Anigu si dhab ah uma hubo."

Maxaa sababa? Dhibaatadu waa in haddii Liverpool ay garan lahaayeen sababta, mar hore ayay xallin lahaayeen.

Si uu u helo sabab guud, tababaraha Dutch-ka ah Slot wuxuu sheegay in goolashu aysan isku mid ahayn.

"Mar kale daqiiqaddii ugu dambaysay, mar kale kadib markii aan helnay fursad aan gool ku dhalin karno, mar kale waxaan garoonka ka baxnay natiijo niyad jab leh," ayuu u sheegay Sky Sports.

"Habka aan goolasha u qaadanno mar kasta isku mid ma aha daqiiqadda ugu dambaysa. Lama barbar dhigi karo kubaddii leexatay ee Wolves iyo toogashadii maanta. Fursadaha ay heleen badankood waxay ka yimaadeen kubado dhaadheer iyo kubado labaad, annaguna si degdeg ah ugama saarin kubadda."

"Marka la eego sida xilli ciyaareedkan u socdo, ma aha wax gebi ahaan la yaab leh in gool nalaga dhaliyo daqiiqadaha ugu dambeeya."

Isagoo la hadlay BBC Radio 5 Live, Slot wuxuu ku daray: "Mar kasta oo arrintan ay dhacdo daqiiqadda ugu dambeeya waa niyad jab weyn.

"Immisa jeer ayay tahay inay dhacdo? Maantana mar kale ayay dhacday. Markan lama yaabin gebi ahaanba — 15-kii ilaa 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta waxay ahayd qayb dheellitiran."

Muxuu ku saabsan yahay buuqa taageerayaasha Anfield?

Virgil Van Dijk

Xigashada Sawirka, Getty Images

Slot iyo Szoboszlai labaduba waxay sheegeen inay fahmayaan, laakiin ciyaar yahanka khadka dhexe wuxuu intaas ku daray in taageerayaashu ay "taageeraan ciyaartooyda waqti adag", iyadoo Liverpool ay u baahan tahay inay kasoo kabato guuldarro 1–0 ah Arbacadii la kulantay kulankii lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League ee ay gurigooda kula ciyaarayaan Galatasaray.

"Waxaan 100% hubaa haddii ay Arbacada yimaadaan inay mar kale na taageeri doonaan bilowga," ayuu yiri Slot. "Laakiin haddii kooxdu aysan u ciyaarin heerka ay caadeysteen, waa caadi in taageerayaashu niyad jabaan."

"Arne Slot waa inuu naftiisa dib u eego," ayuu yiri weeraryahankii hore ee Ireland Clinton Morrison oo la hadlayay BBC Radio 5 Live.

"Haddii Liverpool sidan u ciyaarto bartamaha toddobaadka, waxay ka harayaan Champions League."

Ngumoha ma keeni karaa rajo?

Rio Ngumoha waxa uu ka dhex muuqday ciyaartiisii koowaad ee uu kusoo bilowday horyaalka Premier League

Xigashada Sawirka, Getty Images

Halka wax ee wanaaga u ahaa Liverpool ay ahayd bandhigii ciyaarta ee uu sameeyay ciyaarahanka garabka ka dheela ee 17-jir ah Rio Ngumoha oo saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League.

Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee isku dayay 7 ama ka badan goysmo ah ee hal kulan Premier League ah Sameeya, isla markaana dhammeystiray dhammaantood tan iyo markii Matheus Cunha uu sidaas u sameeyay Wolves kulankii Aston Villa bishii May 2023.

Ngumoha horay waxa uu 11 kulan oo badal ahaan ah kusoo galay horyaalka, sidoo kale wuxuu ciyaaray dhammaan tartamada koobabka xilli ciyaareedkan.

"Waxaan u maleynayaa inaan laba bilood ka hor sheegay in isagoo 16 jir ah uu si fiican u horumaray, hadda isagoo 17 jir ahna weli si fiican ayuu u socdaa," ayuu yiri Slot.

"Ciyaar sida tan oo kale ah maanta waxay ka caawin doontaa inuu helo daqiiqado badan kooxda.

"Waxaan haystaa 12 ama 13 ciyaaryahan oo awood u leh inay soo bandhigaan qaab ciyaareed wanaagsan. Rio si fiican ayuu u ciyaarayaa, sidaas darteed waa macquul in la ciyaarsiiyo."