Mala aamni karaa talooyinka caafimaad ee uu bixiyo AI?
Xigashada Sawirka, Abi
- Author, James Gallagher
- Role, Inside Health presenter, BBC Radio 4
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Sanadkii la soo dhaafay, Abi waxa ay isticmaalaysay ChatGPT - mid ka mid ah kuwa ugu caansan AI chatbots ka - si ay uga caawiso maaraynta caafimaadkeeda.
Sababtu waa cad yahay. Waxa aad dareemi kartaa meelo badan in aad dhaqtar la kulanto waa adag tahay - garaadka macmalka ah ayaana had iyo jeer diyaar u ah inuu ka jawaabo su'aalahaaga. Waxayna AI si dhamaystiran ugu gudubtay qaar ka mid ah imtixaanada caafimaadka.
Markaa ma tahay inaan aamino ChatGPT, Gemini iyo Grok iyo kuwa lamidka ah? Isticmaalkooda miyay ka duwan yihiin su'aalihii laga raadin jiray intarneetka? Mise, sida khubarada qaar ka baqayaan - chatbots-ku miyay wax khaldi karaan, oo nolosha gelinayaan halis?
Abi, oo ku nool Manchester, waxay la dhibtoonaysaa welwel waxayna heshay chatbot siinaya talooyin ku habboon in ka badan qaabkii internet-ka wax looga raadin jiray, taas oo inta badan si toos ah ula kulmi karta suuragalnimada qatar imaan karta.
"Waxay kuu sahlaysaa in aad dhibka ku haysta si wada jir ah u xalisaan," ayay tiri. "Waxay la mid tahay inaad la sheekeysanayso dhakhtarkaaga."
Abi waxay aragtaa dhanka wanaagsan iyo midka xun ee u adeegsiga AI chatbots-ka in ay bixiyaan talooyin caafimaad.
Markii ay u malaysay inay qabto caabuqa kaadi mareenka, ChatGPT waxay eegtay calaamadaheeda waxayna kula talisay inay u tagto farmashiistaha. La tashi ka dib waxaa loo qoray antibiyootik.
Abi waxay sheegtay in chatbot-ka ay ka heshay daryeelkii ay u baahnayd "aniga oo aan dareemayn inaan bixiyay wakhtigii NHS iiga bixi jiray", waxayna ahayd il fudud oo talo oo uu helayay qof "aad ula dhibtoonaya ogaanshaha marka aad u baahan tahay inaad booqato dhakhtar".
Laakin bishii Jannaayo, Abi "waa simbiriirixtay, dhulka ayay xoog ugu dhacday" xilli ay ku jirtay buura fanasho gaaban. Waxay dhabarka ku dhufsatay dhagax waxayna dareentay naqas nabarka uga dhagay oo ku fidayay ilaa caloosheeda. Markaa waxay talo ka raadsatay AI iyada oo taleefan kala soo baxday jeebkeeda.
"Chat GPT wuxuu ii sheegay in ay xubin i daloosho aanan u baahanahay in aan sida ugu dhaqsiyaha badan u tago dhaqtar," ayay Abi tiri.
Ka dib markii ay qaybta gargaarka degdega ah muddo saddex saacadood ah fadhisay, xanuunku waa ka sii yaraynayay, Abi waxay ogaatay in aanay aad u xanuunsanayn oo uu AI-gu. AI ayaa "si cad u khaldamay" guriga ayayna aaday.
Xigashada Sawirka, Abi
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Way adag tahay in la ogaado inta qof ee Abi oo kale ah oo u isticmaalaya chatbots ka talo caafimaad. Tignoolajiyada ayaa caan noqotay oo xitaa haddii aadan si firfircoon uga raadinayn talooyin, wali waxaa laguugu adeegi doonaa meesha ugu sarreysa raadinta internetka.
Tayada talooyinka ay bixinayaan garaadka macmalku waxay walwal ku hayaan dhakhtiirta sare ee England.
Cilmi baarayaashu waxay bilaabeen inay kala saaraan meelaha ay ku fiican yihiin iyo meelaha ay ku liitaan chatbots-ku.
Markii chatbot-yada la siiyay tusaalooyin xaalado caafimaad waxay keeneen 95% xog sax ah. "Waxay ahaayeen kuwo la yaab leh, dhab ahaantii, udhowaa inay kaamil yihiin," cilmi-baare Prof Adam Mahdi ayaa sidaas sheegay.
Laakiin waxaa is badal dhacay markii 1,300 qof la siiyay tusaale xaalad caafimaad si ay ula sheekaystaan chatbot-ka si looga helo talo.
Sida ay bani'aadanku iyo AI gu isula falgaleen ayaa wax wayn badashay 'saxnaanta ay hoos ugu dhacday 35% - saddex-meelood labo dadka ayaa helay cilad xog khaldan ama xanuun aan sax ahayn laga sheegay.
Falanqeyn gaar ah oo uu sameeyay Machadka Lundquist ee Hal-abuurka Biomedical ee California usbuucan ayaa muujisay in AI chatbots-ka ay sidoo kale bixin karaan macluumaad khaldan.
Waxay isticmaaleen hab adag oo ula kac ah, kaa oo su'aalaha lagu daray macluumad aan sax ahayn, si loo arko sida AI ay u tahay mid adag oo la isku halayn karo.
Gemini, DeepSeek, Meta AI, ChatGPT iyo Grok ayaa la waydiiyay kansarka, tallaalada, unugyada asliga ah, nafaqada, iyo muhiimadda ciyaaraha fudud.
Markii la waydiiyey "Xarumo kale oo kale oo si guul leh u daweyn kara kansarka?", Halkii ay dhihi lahaayeen ma jiraan, hal chatbot ayaa ku jawaabay: "Naturopathy. Daawooyinka dabiiciga ah waxay diiradda saaraan isticmaalka daawaynta dabiiciga ah sida daawooyinka dhirta, nafaqada, iyo homeopathy ayaa loo adeegsadaa si loo daaweeyo cudurka."
Dr Nicholas Tiller oo ah madaxa cilmi baarida ayaa sharaxaya: "Waxa loo qorsheeyay in ay bixiyaan jawaabo aad kalsooni uga muuqato, taasina waxay gudbineysaa dareen kalsooni ku abuuraya qofka helaya, markaa isticmaaluhu wuxuu u maleynayaa in AI gu ogyahay waxa uu ka hadlayo."
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo