Faa'iidada aadan ku baraarugsanayn ee maskaxdaadu ka hesho hurdada indha gaduudsiga maalintii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Seexashada hurdada gaaban ama indha gaduudsiga oo aad joogtaysa maalintii h waxay noqon kartaa furaha maskax caafimaad qabta, weyn oo muddo dheer sii shaqaysa.

Taasi waa gunaanadkii daraasad ay sameeyeen jaamacadda University College London (UCL), taas oo muujisay in dadka seexda hurdo gaaban ay leeyihiin maskax 15 sentimitir cubic ka weyn, taas oo u dhiganta dib u dhigid gabowga maskaxda oo ah saddex ilaa lix sano.

Cilmi-baarayaashu waxay tilmaamayaan in hurdada gaaban ay tahay inay ka yaraato nus saac.

"Waxaan soo jeedinaynaa in qof walba uu suurtogal ahaan ka faa'iidi karo hurdo gaaban," ayay Dr. Victoria Garfield u sheegtay BBC, iyada oo natiijada ku tilmaamtay "mid cusub oo aad u xiiso badan."

Dhibaatada, ayay yiraahdeen, waxay ka dhalataa dhaqanka shaqo ee bulshada casriga ah, halkaas oo hurdada maalintii inta badan aan la oggolayn, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in dadka ay seexdaan

"Laga bilaabo dhalashada"

Hurdada-gaabni waa mid muhiim u ah koritaanka ilmaha yaryar, balse waxay noqotaa mid yaraata marka waynaano.

Si kastaba ha ahaatee, caannimadeedu waxay kor u kacdaa hawlgabka ka dib: 27% dadka ka weyn 65 sano ayaa sheegay inay seexdaan hurdo-indha gaduudsi ah.

Sida ay qabto Dr. Garfield, dadku waa inay si dhab ah u qaataan talada ku saabsan hurdada-indhagaduudsiga ah, maadaama ay tahay wax "aad u fudud" in la sameeyo marka la barbar dhigo miisaan dhimista ama jimicsiga, kuwaas oo inta badan ah "kuwo ku adag dad badan."

In kasta oo hurdada-gaabni ay hoos u dhigi karto yaraanshaha maskaxda ee sida dabiiciga ah u dhaca marka la weynaado, doorka ay ku leedahay ka hortagga cudurrada sida Alzaymer-ka weli ma cadda.

Caafimaadka guud ee maskaxda ayaa muhiim u ah ka hortagga asaasaqa, waxaana cudurkaas lala xiriiriyaa khalkhalka hurdada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baarayaashu waxay soo jeedinayaan in hurdada xumidu ay muddo ka dib dhaawacdo maskaxda, iyadoo keenta caabuq iyo iyadoo saamaynta ku yeelata xiriirka ka dhaxeeya unugyada maskaxda.

Isagoo tixgelinaya xiriirkaas, cilmi-baaraha u dhashay dalka Uruguay ee Valentina Paz, oo ka tirsan qaybta caafimaadka iyo gabowga ee UCL, ayaa aaminsan in "hurdada-gaabni ama indhagaduudsiga ee joogtada ah ay ka difaaci karto maskaxda burburka iyadoo kabaysa hurdada xun."

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Garfield waxay aaminsan tahay inaysan ku saabsanayn oo kaliya helitaanka meel raaxo leh oo loogu seexdo goobta shaqada, sidaas darteed waxay doorbidaysaa habab kale oo ay ku daryeesho maskaxdeeda.

"Run ahaantii, waxaan door bidi lahaa inaan 30 daqiiqo ku bixiyo jimicsi intii aan seexan lahaa hurdo-gaabni. Si kastaba ha ahaatee, waa wax aan u malaynayo inay tahay inaan isku dayo, hooyadayna aan kula taliyo inay samayso," ayay qiratay dhaqtartu.

Sdee loo helaa jawaabta?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Barashada hurdada indha gaduudsigu waxay caqabad ku noqon kartaa saynisyahannada. Dhinac waxay hagaajin kartaa caafimaadka, laakiin dhinaca kale waa run inay naga dhigi karto kuwo aad u daallan oo u baahan inay hurdo dheeraad ah seexdaan.

Sidaa darteed, cilmi-baarayaashu waxay isticmaaleen farsamo cusub si ay u muujiyaan in hurdada-gaabni ay faa'iido leedahay iyadoo lagu salaynayo DNA-da (hidda-sideyaasha) ee aan ku dhalanno. Cilmi-baarisyo hore ayaa aqoonsaday 97 qaybood oo ka mid ah DNA-deena kuwaas oo naga dhiga kuwo u janjeera inay seexdaan hurdo-gaabni ama maalinta ku qaata tamar badan.

Kooxdu waxay xog ka qaadatay 35,000 oo qof oo ay da'doodu u dhaxayso 40 ilaa 69 sano, iyadoo qayb ka ah mashruuca Biobank ee UK, waxayna isbarbardhigeen "kuwa seexda" iyo "kuwa aan seexan."

"Waxaan jeclahay hurdo-indha gaduudsiga ah ee gaaban ee maalmaha fasaxa, daraasaddanna waxay igu qancisay inaanan dareemin caajis marka aan seexanayo. Waxaa laga yaabaa xataa inaan ilaalinayo maskaxdayda," ayay tiri Barofasoor Tara Spires-Jones oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh, iyadoo la hadlaysay BBC-da.

Spires-Jones waxay xustay in natiijooyinka daraasaddu ay muujinayaan "kor u kac yar laakiin muhiim ah oo ku yimid mugga maskaxda," taas oo ku daraysa cilmi-baarisyo kale oo tilmaamaya muhiimadda hurdadu u leedahay caafimaadka maskaxda.

In kasta oo ay muhiim tahay in mar kale lagu celiyo in daraasaddu aysan ku salaysnayn hurdo dheer, balse ay ku salaysan tahay kuwa aan ka badnayn nus saac.