15 sano ayuu ku xirnaa xabsi oo aan maxkamad la soo taagin balse ugu dambayn xoryadiisa ayuu helay
Xigashada Sawirka, Biniam Solomon
- Author, Teklemariam Bekit
- Role, Editor, BBC Tigrinya
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Farshaxaniiste caan ah oo u dhashay dalka Eritrea ayaa laga sii daayay xabsiga kaddib 15 sano oo uu xirnaa isagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin, sida ay BBC-da u sheegeen qoyskiisa iyo asxaabtiisa.
Biniam Solomon oo hadda ku jira da'da 60-meeyada ayaa lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Asmara sanadkii 2011-kii, balse waligiis maxkamad lama soo taagin. Lama sheegin sababaha uu u sii xidhnaan doono.
Biniam oo loo yaqaanay magaciisa Cobra, waxa uu caan ku noqday sawir-gacmeedkiisa dhaleecaynta iyo qosolka leh ee uu kaga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo bulshada.
Maamulka ma aysan sheegin sababta loo sii daayay, balse waa warkii ugu dambeeyay oo sidan oo kale loo sii daayay dad xirnaa. Si kastaba ha ahaatee kumannaan kun ayaa weli ku jira xabsiyo, si qarsoodi ah iyada oo aan maxkamad lasoo taagin, dalkan ayaa in muddo ah lagu dhaleeceeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
15-kii sano ee uu xirnaa Biniam wax xiriir ah lama uusan sameyn qoyskiisa, waxaana uu helay daweyn marmar ah.
Sida uu sheegay qof ay qaraabo yihiin, waxa uu qaybta dambe ee xarigiisa ku qaatay xabsiga "dambi baarista" ee Asmara.
Waxaa si weyn loo soo wariyay in lagu hayo dadka ka soo horjeeda siyaasadda dowladda, xaalad adagna ay la soo daristo.
In kasta oo gacan ka go'day carruurnimadii, Biniam waxa uu sii watay xirfad faneed isaga oo soo saaray shaqo la taaban karo. Si uu dakhligiisa u kabo, waxa kale oo uu macallin Fiisigis ka dnoqday igay dugsi sare oo ku yaallay Asmara.
Sawir gacmeedkiisa waxa lagu daabacay wargeysyo badan oo Eritrea ka soo baxa muddo afartii sano ah laga soo bilaabo 1997kii.
Waxay ahayd muddo kooban ka dib markii ay xornimada ka qaadatay Itoobiya markii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay kobcday ka hor inta aan la xirin Sebtembar 2001. Dawladdu waxay xirtay saxaafaddii gaarka loo lahaa iyada oo ku eedaysay inay "khatar ku tahay amniga qaranka" iyo tiro saxafiyiin ah.
Biniam waxa kale oo uu soo saaray saddex buug oo ay ku jiraan- Subtle is the Ruler, Conversation with Cobra Number One iyo Conversation with Cobra Number Two.
Tusaalooyinka shaqadiisa waxaa ka mid ah sawir gacmeedka hoose oo uu ku majaajilooday xaalad hubanti la'aan ah oo ka dhex jirta dowladda 2001-dii markaasoo mas'uuliyiin ay ku jiraan wasiirro sare "la xayiray" oo dib loogu yeeray digniin la'aan:
Xigashada Sawirka, Biniam Solomon
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaska wasiirka oo dhinaca bidix ka taagan ayaa waydiinaysa sababta ninkeedu u kici la'yahay si uu u shaqo tago.
"Waxaa laga yaabaa in shaqada la iga eryay," ayuu ku jawaabayaa, isagoo raaciyay inuu dhagaysanayo raadiyaha dowladda si uu u ogaado inuu weli shaqo hayo iyo in kale.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa si joogta ah u diiwaan galiyay xadgudubyo baahsan oo ka jira xabsiyada Eritrea, oo ay ku jiraan xiriir la'aanta dibadda, cunto iyo dawo ku filan oo aan la siin maxaabiista, iyo dhibaato jireed iyo maskaxeed oo daran. Maamulka ayaa diiday eedeymahaas.
Siideynta Biniam ayaa ku soo beegantay iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Eritrea ay sii deysay maxaabiis kale oo muddo dheer xirnaa, in kasta oo dadka dhaleeceeya ay xuseen in hannaanka uu weli mugdi yahay oo ka baxsan yahay nidaamka sharciga ah ee caadiga ah.
Qaramada Midoobay ayaa hore ugu baaqday in la sii daayo waxa ay ku sheegtay 10,000 oo qof oo maxkamad la'aan lagu haysto dalka Eritrea.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo